Sign in to follow this  
General Duke

47 Xildhibaan iyo Wasiiro Xamar oo Maanta heshiis ku gaaray Magaalada Nairobi

Recommended Posts

47 Xildhibaan iyo Wasiiro oo Beesha oo Maanta heshiis ku gaaray Magaalada Nairobi

 

Warar hadda naga soo gaaray Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in in ku dhaw 47 Xildhibaano iyo Wasiiro oo ka soo jeeda Beesha ****** heshiis ku gaareen in Maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir isla markaana si wada jir ah looga soo horjeesto in ciidamo ka socda IGAD gaar ahaan kuwa safka hore la keeno soomaaliya.

 

Warka ayaa waxaa uu intaa ku daraya in Xafladdii maanta lagu saxiixayay heshiiskaas oo ka kooban 32 qodob ay ka mid yihiin in Maleeshiyooyinka Magaalada muqdisho banaanka la geeyo si nabadda magaalada loo soo celiyo, in caasimadda somaliya ay tahay magaalada muqdisho in laga soo horjeesto ciidamo ka socda safka hore in la keeno soomaaliya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaano iyo Wasiiro beelaha soomaalida ka socday.

 

Cumar Xaashi Aadan oo ah Afhayeenka Beesha ****** ee shirkaas ayaa saxaafadda u sheegay in heshiiskan dhaqangali doona laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 11 bisha marso.

 

Xubnaha maanta qalanka ku jiiday heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah Muuse Suudi, Cumar Xaashi, Xuseen Caydiid, Cusmaan Caato, Maxamed Qanyare,Cumar Finish, Bootaan Ciise, Enj Maxamed Xuseen Caddow, Yuusuf Mire Seeraar iyo kuwa kale oo fara badan, waxaase fadhiga maanta ka maqnaa koo diidanaa heshiiska ****** 12 xubnood oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi, waxaa sidoo kale ka maqnaa Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacama dheere), C/llaahi Geeddi Shadoor, C/llaah Axmed Afrax, C/laahi Macalin Faax ,Axmed Cumar Gaagaale,Hilowle Imaam Cumar iyo kuwa kale oo badan.

 

Heshiiskan ayaa beesha Caalamka waxaa uu ka codsanayaa in kaalmo lagu siiyo sidii Maamul looga sameeyn lahaa Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale codsadeen kuwa heshiiyay in dhawaan muqdisho wafdi u soo diri doonan kaas oo Beelaha Muqdisho kala hadlaya heshiiska la gaaray.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo kooxaha isku haayo gacan ku haynta Magaalada Muqdisho gaaran heshiis noocaan ah, waxaase heshiiskan kaalmo ka helaya dadweynaha Muqdisho oo nacayb siyaasadeed u qaba Madaxweynaha soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Geeddi, sidoo kale dadka qaarkiis ayaa waxay leeyihiin ma noqon doona heshiiskan mid dhaqangala mise?.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo maanta Saxaafadda uga waramay heshiiskii Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada ****** gaareen

Posted to the Web Mar 11, 14:05

 

 

Nairobi:-Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah isagu Afhayeenka Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada ee Beesha ****** ee ku jira Dawladda FKMG ah ayaa waxa uu shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Nairobi uga waramay Qodobada heshiiska ay gaareen Hoggaamiyaasha Muqdisho.

 

Cumar Xaashi ayaa waxa uu sheegay inay jireen kulamo maalmahaanba u socday Golaha wasiirada iyo Xildhaabanda ee beeshaas uga jira dawladda,islamarkaasna ay gaareen heshiis ka kooban 30 Qodob oo dhamaantood saameynaya Magaalada Muqdisho,isagoo sheegay inay dhamaysirtka heshiiskaas ka dhiman yahay saxiixii oo marka la dhameeyanaya si rasmi ah loo shaacin doono.

 

Isagoo ka hadlayey Cumar Xaashi Qodobada la isku raacay ayaa waxa uu sheegay inay ugu horeyso in marka hore laga saaro Maleeshiyooyinka Magaalada Muqdisho,iyagoo lagu aruurinayo 6 xero oo ku yaal meel banaanka ka ah Caasumadda,lana hawl galiyo ciidamo suga ammaanka iyo nabad gelyada Xamar,islamarkaasna lagu dhaqaaqo in maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir,hase yeeshee la isku afgartay inay xilka sii hayaan Madaxda maamusha gobolka imminka inta laga sameynayo maamul wada jir ah,iyadoo ciidankii booliska la hawl galin doono oo iyagu kaalin muhiim ah uga jira sugidda ammaanka dalka.

 

Afhayeenka Madaxda Muqdisho ee baryahaanba kulanku u socday ayaa waxa uu tilmaamay inay doonayaan Madaxdaasi inay dawladda ku soo dhaweeyaan Magaalada Mudisho,isagoo sheegay inay heshiiskaan qayb ka yahay fulinta siyaasadda dawladda,islamarkaasna Reer Muqdisho u diyaar garoobayaan taaba galinta waxyaalaha la isla gaaray,isagoo sheegay inay jireen shirar midka Nairobi ka garab socday oo lagu taageero ka dhacayey Muqdisho,ayna diyaar u yihiin Hoggaamiyaasha Xamar inay wakhti walba aadaan gudaha dalka si loo fuliyo heshiiska balse dalka dawlad ka jirto oo laga dhawrayo inay soo qaban qaabiso tagitaanka,islamarkaasna wasaarad walba qabsato hawlaha u yaal ee laga sugayo.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walaahi these is great news i hope these time it will be true. If these guys keep their promise and keep all their solders out of the city and let the people respect each other. And bring muqdisho's life back. Yaaba heli kara.

 

Isagoo ka hadlayey Cumar Xaashi Qodobada la isku raacay ayaa waxa uu sheegay inay ugu horeyso in marka hore laga saaro Maleeshiyooyinka Magaalada Muqdisho,iyagoo lagu aruurinayo 6 xero oo ku yaal meel banaanka ka ah Caasumadda,lana hawl galiyo ciidamo suga ammaanka iyo nabad gelyada Xamar,islamarkaasna lagu dhaqaaqo in maamul loo sameeyo Gobolka Banaadir,hase yeeshee la isku afgartay inay xilka sii hayaan Madaxda maamusha gobolka imminka inta laga sameynayo maamul wada jir ah,iyadoo ciidankii booliska la hawl galin doono oo iyagu kaalin muhiim ah uga jira sugidda ammaanka dalka.

 

these will be histroy. May alaah make it true these time for the sake of our people's intrest.

 

Can you guys imgaing muqdisho is open to every xaafada and there is no spaaro, no killing that you can travel with out you scarying you might got shot if the bus driver doesn't stop on the check point for spaaro.

 

Again like I said If Jr caydiid, Mr Yalaxoow, Mr Caato, Mr Qanyare and all the new guys who controll muqdisho came in agreemanet of building a government for Banaadir like Jowhar, somaliland, Puntland, Baladween all the other cities in somalia those who live in peace agreement. woooow maansha alaah yaa heli karo.

 

Guys let pray for our people to came togther and hold hands love one another.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Good News walaahi Alaah baa ka baryaynaa inay ka dhabeeyaan isla markaana ay hagaagto Aamiin Aamiin...

 

 

Wabillaahi Towfiiq:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

I call this ii dheh, an oversight. Qodoba qoran fiiriyaba:

  • Inay guud ahaan ka baxayaan baarlamaanka hadii laga doodo Ciidamo ka socda safka hore.
  • In ugu dambeeyn dhamaadka bishaan la guda galo dhismaha maamulka gobolka banaadir.
  • In guud ahaan maleeshiyooyinka Muqdisho hibka laga aruuriya iyo kuwa ku xeeran.
  • In la sameeyo Ciidamo Amniga suga oo ka kooban 10 ilaa 15 kun oo Askari.
  • In Askari waliba la siiyo Mushaar dhan 100$ dolar iyo 30 dollar oo cunta ah sidaasna guud ahaan mushaarkiisa bisha uu ku noqdo 130$
  • In maamulka gobolka Banaadir uu yeesho lix xero Ciidan oo waaweyn, kuwaas oo ka baxsan magaalada ilaa iyo 30 Kilo miter,sida dhanaane,hiilweyne,Carbiska.
  • In wasiirada (qabiil's name) uu dhinaca wixii siyaasad ah u qaabilsan yahay Xuseen Maxamed Ceydiid halka dhinaca Xildhibaanada aan xukumada ka mid noqona u qaabilsan yahay Cumar Xaashi Adan.
  • In dhismaha Maamulka gobolka banaadir loo maro sida uu dhigayo dastuurka dalka qeeybtiisa maamul goboleedyada.
  • In magaalada Muqdisho dhammaanteed laga mamnuuco hubka.
  • In la magacaabo Madaxweyne maamul goboleed iyo duq magaalo guud ahaana ay soo maraan Wasaarada Arrimaha Gudaha.
  • In si deg deg ah loo iclaamiyo gudi gaara sida, Guddiga Abaabulka iyo Arrimaha bulshadda ,Guddiga Hogaaminta guud, Guddiga Dhaqaalaha,sidoo kalana la magacaawdo gudi hoosaadyo ay ku mideeysan yahiin,ganacsatada,maxkamadaha,warbaahinta iyo dowlada.
  • In Mowqifkooda guud uu yahay in dowlada Degto Muqdisho meel kalana aysan marna u aqoonsan doonin Caasimad.
  • In Ciidanka shisheeyaha ee sameeynaya Hubka dhigista aysan gedi Karin ,gubi Karin,meel kale geeysan Karin balse ay ku soo wareejiyaan gacanta Dowlada dhexe ee Soomaaliya maadama uu yahay Hanti Qaranka leeyahay ee dhinaca gaashaandhiga.
  • In sharuud la’aan Dekada iyo Eelaboorka loo furo, mas’uuliyiinta labada golena tagaan Muqdisho si ay u soo guda galaan hoowlahooda.
  • In Maxaakiimta Islaamiga ah iyo ganacsatada taageero weyn looga baahan yahay hergelinta arrintaas.
  • In guud ahaan maleeshiyooyinka la isku dhafo lana geeyo meel magaalada ka baxsan.
  • In la sameeyo xerooyin gaar ah oo lagu tababaro maleeshiyaadka Muqdisho iyo degaanada ku hareereeysan,loona sameeyo dhaqan celin iyo tababar Ciidan oo ku dhisan sharciga Caalamiga ah.
Déjà vu, all over again. Waagii masses were ignorant ahayeen about these men and their likes, were optimistic, waagii Cali waa Caydiid, Caydiidna waa Cali {Aaheey!} in 1991, literally and figuretively writing their names on the dark sky at nights--by firing bullets' ammunitions' lights in celebration. (I was there, and I was one of the ignorant masses, eager to believe, giving them the benefit of the doubt.) This communiqué is waste of words, effort and time at best; at worst this communiqué will join the dust-gathering, long--and growing--list of ii dheh communiqués from these men.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guys , Guys, Guys comm lets us be optimistic this time insha alaah. all these they are mention I don't see anything is wrong with it. It is just sugetion.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this