Sign in to follow this  
Suldaanka

Shiekh Bashir High open for renrollments

Recommended Posts

Dugsiga Sare Ee Sh. Bashiir, Burco Oo Dib U Bilaabay

 

Burco, Somaliland (Togdheer Online) – Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir Maxamed Jaamac Muuse ayaa daboolka ka qaaday in Dugsigu uu dib u bilaabay waxbarashadiisa, ka dib markii uu muddo sanada dugsigani u naafoobay shaqaaqo gubis ku habsatay sannadkii 2003, sidaana waxa uu maamuluhu ku sheegay wareysi khaasa oo uu Xarunta Dugsigaas kula yeeshay Weriyaha Togdheer Online ee Burco Yusuf Ilka-case.

 

Wareysigan oo uu maamuluhu kaga hadlaayey qodobo badan oo la xidhiidha dhinacyada Iskuulka waxa uu sheegay inuu Dugsigu ka soo kabtay masiibadii ku habsatay ee gubista, isla markaana 80% la dayactiray qaybaha Dugsigaasi, iyada oo sannad dugsiyeedkan ay soo galeen arday gaadhaysa 450 arday oo ka soo gudbay dugsiyada kala duwan ee gobolka.

 

Maamuluhu isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha sida uu uga soo kabtay iyo waxyaabaha u kordhay, waxa uu sheegay in dugsiga ay u kordheen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin, dayactir, xaddaynta dhulkiisa iyo gidaar wareega oo lagu soo xidhay dhismaha dugsiga, in kasta oo aanay ka faro xalan Hay’adihii dhisaayey, waxa meesha ka maqan ayuu yidhi “qalabkii Laabka ee la bililiqaystay oo ahayd alaab muhiima oo aan si dhib yar looga soo kaban karin, balse ballan qaad ay ka sameysay Hay’adda DRC.

 

Mar uu ka jawaabyey su’aal kale oo la xidhiidhay mudadaas sannadka ah siday ahayd waxbarashadii ardayda dugsiga laga gubay, waxa uu sheegay in sadex (3) maalmood oo kaliya ay ardaydu ka maqnayd waxbarashada, taasi oo ay waxbarashadooda ku sii wateen dugsiga dhaqaalaha Haweenka Burco oo taageero wanaagsan siiyey ardayda.

 

Sidoo kale mar uu ka jawaabyey su’aal ku saabsan mashkilada dhulka ee wali ku gadaaman dugsiga, gaar ahaana xabaale lagu dhex aasay dugsiga oo muran ka taagan yahay saaritaankooda, waxa uu xusay inay jirto mashkalidani, laakiin waxa hadda gacanta ku haya Maamulka Gobolka Iyo Wasaaradda Waxbarasahada “kama baqo qabno mashkilad dhul oo danbe†ayuu yidhi.

 

Maamuluhu mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsan dhibaatooyinka hadda hortaagan dugsiga, waxa uu sheegay inay ugu muhiimsan tahay duruufaha qalabka farsamada, kuwa macalimiinta iyo waliba sidii dugsiga loogu habayn lahaa maqaam waxbarasho oo Dugsiga Sare, loona dhamaystiri lahaa, in kasta oo uu sheegay inay taageero ka haleen Wasaaradooda iyo Hay’addo samafal.

 

Isaga oo ka jawaabaya su’aal kale oo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya maamulka dugsiga iyo dadweynaha Burco, waxa uu sheegay inay talaabo kasta oo dugsiga ahi ay wali qabyo tahay, balse ay abuurayaan guddi dadweyne oo la shaqaysa maamulka iyo waliba siday u abaari lahaayeen xidhiidh ay la yeeshaan ardaydii ka aflaxday dugsigan oo ku kala filiqsan daafaha dunida.

 

Dhinaca kalena Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir waxa gubay Sept 01, 2003 dadweyne gadoodsan oo deganaa dhulka dugsiga, waqtigaasi oo ay Maamulka Gobolku isku dayeen inay ka raraan dadka agagaarka dugsigan, balse waxa ka hadhay masiibo culus oo soo gaadhay dugsigayga oo ay shufbeeliyeen dhamaan dhismaha dugsigaas iyo agabkiisiiba, balse Maamulka Gobolka Togdheer ayaa si weyn uga hawlgalay siddii dib loogu dhisi lahaa dugsigan, iyada oo ay dayactirka iyo qalabayntan cusub ay iska kaashadeen, hay’addaha Dannish-ka iyo DRC iyo qaadhaan laga ururiyey dadweynaha Burco, ganacsatada iyo Xukuumada S/Land.

 

Yuusuf Ilkacase

Weriyaha Togdheer Online

Burco, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

thats great news bro!

 

thats great school with great history and it was scandelous what happened to it, glad its running again

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this