Sign in to follow this  
Land_Soldier

Somaliland Elections delayed

Recommended Posts

Doorashooyinkii Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida Oo Dib Loo Dhigay La Isla Qaatayna....

 

Written by Qarannews

Aug 30, 2010 at 11:33 AM

Hargysa,(Qarannews)-Kulan balaadhan oo maanta ka dhacay Guriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha JSL, madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud layskula waafaqay in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay, sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afahyeenka madaxtooyada mr Cukuse, warsaxaadadeedkaasi oo uu nuqul ka mid ah uu soo gaadhay shabakada qarannews waxa uu u dhignaa isga oo dhamaystiran sidani hoos ku xusan Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda ay badhkood qabyo yihiin.

Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:-

 

Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo )

 

2. M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici)

 

3. Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux

 

4. G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Mudane: siciid Jaamac Cali

 

5. G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax

 

6. Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed

 

7. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka maxamed axmed Xirsi Geele

 

8. iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah

 

- Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil

 

- Faarax Abiib Aadan

9. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe

 

10. G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf

 

11. Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen

 

12. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi

 

13. G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir

 

14. G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle

 

15. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige

 

16. Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin (UDUB)

 

17. Wasiirkii Hore Maaliyada Cawil Cali Xuseen Xisbiga ( UDUB )

 

18. Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think some Kulmiye supporters should apologies to Dahir Riyaale and UDUB for blaming UDUB for the delays of the last election.

 

Xaaji, I am waiting for an apology. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this