Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Another fadeexad Soomaalida dhan la wadaagi doonto

Recommended Posts

Xasan Socdaal's son killed a Turkish citizen. Shil gaari ayuu ahaa, though seeing the CCTV camera, he seemed like he was driving erratically. Now Imaaraadka u baxsaday intaa la qaban ka hor. Reer Turkiga waa xanaaqsanyihiin.

The cunsuriyiin mucaarad in opposition will use this against Erdogan. At least this will make Xasan Socdaal to never travel to Turkiga as long as his son remains baxsad, which will affect Turkiga's military and political support.

 

  • That is really sad! 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
52 minutes ago, maakhiri1 said:

Shil waaye oo diyo si hoose u dhiibi kareen, saana ma soo baxdeen. Laakiin hadda mucaaradkii cunsuriyiinta ahaa Eedogan ku xumeynaayaan kama daba hari doonaa.

Xasan Socdaal nabsigii ummadda hantidooda dhacay cuqubad ugu noqotay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
5 hours ago, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Shil waaye oo diyo si hoose u dhiibi kareen, saana ma soo baxdeen. Laakiin hadda mucaaradkii cunsuriyiinta ahaa Eedogan ku xumeynaayaan kama daba hari doonaa.

Xasan Socdaal nabsigii ummadda hantidooda dhacay cuqubad ugu noqotay.

Erdogan bay cebeeyeen, xiriirkii Turkey khatar geliyeen, the solution is simple, HSM bring his son and face justice.

The opposition that controls Istanbul are very powerful and using this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xog cusub oo laga helay sida lagu sii daayey wiilka Xasan Sheekh kadib shilkii Istanbul

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shilka uu ku lug lahaa wiilka madaxweyne Xasan Sheekh ee 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul, kaasi oo uu ku dhintay muwaadin Turkish ah.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku socday baabuur, ayaa gadaal uga dhacay mootada uu watay Yunus Emre Göçer, oo ahaa 36 jir, kaasi oo lix maalmood kadib shilka ku dhintay Isbitaalka.

Xog cusub ayaa sheegeysa in dacwad-oogaha Istanbul uu kadib markii uu baaritaan ku billaabay shilka weydiistay booliska inay marag-fur ka qoraan Maxamed, wuxuuna kadib amray in lasii daayo, sidaas ayaana lagu sii daayey wiilka madaxweynaha.

Maxamed, oo 40 jir ah, ayaa marag-furkiisa ku dooday in Yunus uu si lama filaan ah u joojiyey mootada isaga oo aan xirneyn koofidda mooto wadayaasha, taasina ay dhalisay inuu geeriyoodo.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddada ayaa muujinaya in dhab ahaan Yunus uu si deg deg ah u joojiyey mootada, balse sidoo kale waxaa la arki karay in baabuurka Maxamed uu deg deg ku socday. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey in Yunus uu xirnaa koofida, balse ay ka dhacday kadib shilka.

Iyaz Cimen, oo ah qareenka Yunus, ayaa warbaahinta u sheegay inuu dacwad-oogaha ka codsaday inuu soo rogo tallaabooyin ka hor-tagaya in Maxamed uu dalka ka baxo, balse aan sidaas la sameyn.

Maalinkii xigay, khubaro marqaati furay ayaa xaqiijiyey in Yunus uu qaboojiyey mootada, balse Maxamed uusan qaboojin gaarigiisa, sidaasna uu mootada gadaal uga dhacay, khaladkana uu isagu lahaa.

Xafiiska dacwad-oogaha Istanbul ayaa amar xiritaan soo saaray 8-dii December, ayada oo la eegayo warbixinta khubarada. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ogaaday in Maxamed uu lix maalin kahor ka baxsaday dalka.

Iyaz Cimen ayaa sheegay inay aheyd in booliska ay sii hayaan Maxamed, illaa inta Yunus uu kasoo baxayo xaalada deg degga ah ee uu ku jiray.

“Booliska waxay warbixintooda horudhaca ah ku sheegeen in Yunus uu lahaa mas’uuliyadda shilka. Taasi waa sababta ay ugu maleeyeen inay sii dayn karaan, maadaama uusan wajaheyn dacwado dhalin karay xabsi,” ayuu yiri. “Taasi waxay ahayd khalad.”

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Turkiga ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen sida kiiskan loola macaamilay iyo in lasii daayey Maxamed.

Xafiiska dacwad-oogaha Istanbul ayaa baaritaan ku billaabay saraakiisha booliska ee qoray warbixintii horudhaca aheyd, ee lagu sheegay in Maxamed uusan khalad laheyn.  

Waxay sidoo kale baarayaan warbixino sheegaya in saraakiisha booliska ay u sheegeen qoyska Yunus inuu isaga is-dilay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa illaa hadda aan wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.