Sign in to follow this  
Che -Guevara

YOYO-ga ?

Recommended Posts

Laascaanood: 8 ayaa la dhaawacay 12 kalana xabsiga ayaa loo taxaabay ka dib Faashash isla dhaceen

 

Laascaanood- April 22, 2008

Waxaa manta maxkamad la soo taagay 12 qof oo ka mid ah urur diimeed oo ku soo xoogeysanaya Gobolka Sool gaar ahaan magaala Madaxdiisa Laascaanood kaasoo lagu magacaabo Takfiir oo ah urur aaminsan in iyaga mooyee umada kale ay tahay dad aan Islaam ahayn.

 

 

Xubnaha manta maxkamada la soo taagay ayaa waxa aay kala ahaayeen 6 rag ah iyo 6 dumar ah kuwaas oo loo haysto ka dib markii ay dhawaan weerar ba’an ku qadeen kooxo dhalinyara ah oo gabdha ah isla markaana ay ku werareen midiyo iyo faashash.

 

Dood dheer ka dib ayaa ay wali ku xiran yihiin Saldhiga Laascaanood iyaga oo ay gacanta ku hayana ciidamada degaanka ee amaanka xukunkoodana dib loo dhigay ka dib markii ay aqoonsan waayeen sharciyada maxkamada dawcadooda qaadeysa iyaga oo uba arka dhamaan umada kale dad gala ah.

 

Dadkan ayaa la soo qabtay ka dib markii ay dorada dagaal baaxad weyn ku qaadeen qaybo ka mid ah xaafada Daami halkaas oo ay dhaawc soo gaarsiiyeen ilaa 8 gabdhood oo ka mid ah dhalinyarada loo yaqaano YoYo-ga.

 

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ay is afdhaafeen oo ay murmeen gabdhaha YoYo-ga loo yaqaan ama degaan ahaan ku magic dheer Ha iga Baqan, iyo dumar xubno ka ah ururka xag jirka ah ee Al Takfiir .

 

Muran dheer ka dib ayaa waxa loo itaal sheegtay haweenka Ururka Takfiirka ka dibna waxaa u soo gurmadaya ragooda iyaga oo sita faashash iyo tooreeyo si naxariis dara ahna ula dhacay gabdhihii yaryaraa .

 

Falkaasi oo ahaa mid si weyn uga yaabiyay shacabaka Reer laascaanood ayaa waxaa markiiba soo gaadhay ciidamada amaanka ee degmada kuwaas oo sladhiga dhexe u taxaabay dhamaan xubnihii ka tirsanaa ururka Takfiir ee sida naxariis darada ah u laayaya dhalinta magaalada ee aan ku shuqulka lahayn ururada diimaha .

 

Mid ka mid ah Raga Takfiirka ah oo ay Xargaga Online kula kulntay magaalada Laascanaood ayaa u xaqiijiyay in uu dagaalka iyaga lagu soo qaday isla markaana ay is difaacyeen hase ahaate mar aanu wax ka weydiinay qaabka iyo qalabka ay u adeegsadeen gabdhaha yaryar ee ay afka un ka wada hadleen haweenkooda ayuu kaga jawaabay in ayba habooneyd in dhamaantood madaxa laga gooyo waayo ayuu yiri uma aqoonsanin in ay islaam yihiin adiguna ku daree (weriyaha Xargaga ) .

 

Ururka Takfiir waa urur ka mid ah firqooyinka diinta Islaamka isla markaana ah kan ugu xag jirsan waxaana ay aamin san yihiin xubnahooda cidii aan ka mid ahayn ururkooda in aysan islaam ahayn, Dhaqan ahaana ma cunaan hilib aysan iyagu nefkiisa bireyn.

Seddexdii sane ee u dambeysay ayay si xoog leh ugu soo badanyeen magaalada Laascaanood.

 

Kooxda dhalinyarada ah ee ay hada isku dheceen ayaa ah kooxo dhalin yara ah oo inta badana ka jira magaalooyinka waaweeyn ee dalka Somalia, waxaana ay da’doodu u dhexeysaa 12 ilaa 18 jir .

Astaamaha lagu garto ayaa ah iyaga oo koox koox isu raaca, caada ahaana ma ahan kuwa ku lug leh dhinaca rabshadaha oo waxa ay inta badan ku mashquulsna yihiin dhageysiga heesa wallow ay hada dalka Somalia ay aad u dhageystaan heesaha afka Xabshiga .

 

Wiilashu waxa ay ku lebistaan saraawiil ku dhegan gabdhuhuna waxa ay inta badan xidhaan dhar ku dhegan waxaase u dheer indha Shareer oo ay wajigoodu ku qarsadaan gabdhuhu, magaalada Laascaanood aad uguma aysan fidin laakin gabdhaha jooga ee ka mid ah ururkana wxaa halkan looga yaqaan Ha iga baqan , xogoodu waxaa ay ka soo hayaamaan gobolada Waqooyi waan arin ta badan mucjisa ah halka aya ka helaan dhaqaalha xooga badan ee ku baxa labiska qaaliga ah ee ay xidhaan maadama ay intooda badani kaligood (waliid la’aan) nool yihiin oo ay ka soo hayaameen walidkood.

 

Xiligii maxaakiimtu ka talineysay magaalada Muqdisho waxaa soo gaadhay dhirbaaxo weyn taaso kaliftay in ay isaga hayamaan Muqdisho xiligaas .

 

Horaantii sanadkana waxa ay ururka YOYO-gu fooda is dareen ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa ka dib cabasha ay soo gudbiyeen culimada Hargeysa oo dalabaday in magaalada laga fadhiisiyo dhalinyarada YOYO-ga .

 

Xargaga Online

Laascaanood,Somalia

sscayn@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

First ,,,, Takfiir kumaan ogayn Laascaanood.

 

 

Second there is no such thing called ururka YOYO-ga

 

 

Warkaa ha lagu noqdo ...............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this