Sign in to follow this  
Gabbal

Al Shabaab peacefully seizes Beled-Xaawo, the launchpin of Al Itixaad.

Recommended Posts

Gabbal   

What a remarkable journey. From Kismaayo to Baardheere to Buurdhuubo to Garbaharey and now the peaceful acquisition of the tri-border. :D

 

Al Itixaad remnants' blood-less ideological campaign in Gedo has manifested itself in today's capture of the most Ethiopian-invaded city of the Republic.

 

Xoogaga islaamiyiinta ee saakay la wareegay degmada balad Xaawo oo maanta meel fagaara ah hala hadlay dadka deegaanka iyo digniino ay jeediyeen.

 

Shabelle: BALAD XAAWO

Xoogaga islaamiyiinta ee saakay la wareegay degmada balad Xaawo ayaa maanta meel fagaare ah hala hadlay dadka deegaanka iyagoo digniino culus u soo jeediyay qofkii isbaaro lagu arkaa.

 

Muqaawamada hubaysan ee saakay la wareegay degmada Balad Xaawo ee gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa ay meel fagaare ah oo ku taala shaldhiga booliska degmada Balad Xaawo ay kala hadleen dad kor u dhaafaya ilaa 100-ruux

 

Qaar ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa xoogaga islaamiyiinta ee la wareegay degmada Baled Xaawo oo dadkaasi la hadlaya ayaa waxaa ay sheegeen in halkaasi ay u tageen sidii deegaankaasi loogu dhaqi lahaa shareecada islaamka.

 

Sheikh Yaasiin Barre Xasan oo ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa xoogaga islaamiyinta ee la wareegay magaalada Balad Xaawo ayaa waxaa uu sheegay in ruuxii ay ku arkaan isbaaro ay ku fulin doonaan xukun dil ah isagoo intaa ku daray in degmada Baladxaawo aan lagu arkin Karin wax shaneemo ah.

 

Si kastaba ha ahaatee maamulkii horay uga arimi jiray degmada Baladxaawo ayaan wax war ah ka soo saarin isbadalka ku yimid degmadaasi,waxana ay arintaan ku soo beegmaysaa xili dhaq dhaqaaqyo ciidan ay haatan ka taaganyihiin xuduuda u dhaxaysa Ethiopia iyo Soomaaliya iyadoo aan la ogayn wax ay keeni karti arintaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xoogaga Mucaaradka Oo La Wareegay Degmada B/Xaawo Iyo Maamul Islaami Ah Laga Dhisay Deegaanka Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo

Dec 09,2008

by B/Xaawo Gedo News

 

Wararka aynu ka heleyno degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogaga muqaawamada ay saaka aroornimadii ay gudaha u galeen degmada Baladxaawo, xili dhaqa dhaqaaq ciidan ay halkaasi ka wadeen masuuliyiinta Gobolka Gedo oo shaley halkaasi soo gaarey.

 

Sida Gedonet ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka ciidamadani saakay soo gaaray degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ay fariisimo ka sameeysteen saldhiga degmadaasi iyo qeybo ka mid ah wadooyinka magaaladaasi,waxayna isla maanta Saldhiga booliska Baladxaawo ay kula hadleen Boqolaal dadweyne ah.

 

Wax iska horimaad ah kamadhicin halkaasi waxaana ciidamadu markii ay halkaasi gaareen ay sadex qori ka qaadeen kamid ah booliska oo saldhiga ku sugnaa, dhanka kale Maamul islaami ah ayaa looga dhawaaqay deegaanka Buurdhuubo xili inta badan degmooyinka gobolka Gedo ay maamulo islaami ah oo shareecada islaamka ku dhaqma u sameeyeen xoogaga la wareegay ee ka soo horjeeda dowlada KMG iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Maamulka cusub ee islaamiga ee looga dhawaaqay deegaanka Buurdhuubo ee gobolka Gedo waxay ka koobah yihiin 7-xubnood waxana gudoomiye looga dhigay Macalin Muxumed Cabdi Garas sida uu Gedonet u xaqiijiyay sheikh Xasan Jabriil oo ka mid ah maamulka islaamiga ee gobolka Gedo.

 

Sh, Xassan Jibriil wuxuu sheegay in talaabada ay qaadeen ay ka dhigan tahay sidii xal loogu heli lahaa Somalia

 

A. C. Saalixi.

 

Gedo News Network.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this