Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Information Minister rubishes claims of Clan Courts...

Recommended Posts

Wasiirka Warfaafinta Pl oo sheegay wax aan wax ka jirin tiknikada Pl laga qabsad

Posted on Sunday, November 12 @ 03:35:08 PST by muuse

 

 

{Galkacyo}12-11-06 Wasiirka warfaafinta PL C/raxmaan Bankax oo kamid ahaa wafdiga Madaxweynaha Pl ee dhowaan gaaray gaalkacyo oo la soo xiriiray idaacadda Nugaal ayaa waxan waxba jirin ku tilmaamay wararka sheegaya tangiyo ay Pl leedahay oo maxkamadaha ay qabsadeen

 

Wasiirka warfaafinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ka soo baxay dhinaca maxkamadaha oo sheegaya in ay gacanta ku dhigeen gaddid Dagaal oo Itoobiya ee leedahay wasiirka waxaa uu sheegay deegankii hore Maxkamadaha ay fadhiyeen inay iminka ka taliyaan Puntland.

 

" waxba kama jiro wararka ka soo yeeray ninka wadada u qabilsan warfaafinta waana la ogyahay awoodda Puntland horeyna wuu u garanaye xasan daahir Jabkii ka raacay Puntland" sidaa waxaa Yiri Bankax.

 

bankax ayaa sheegay in ay si wadajir ah dadka Gobalka Mudug ugu istageen ka hortagga maxkamadaha hubaysan ee Muqdisho waxaana uu intaasi ku daray in Puntland ay ka hortagayso cadow kasta oo ku soo dulaa.

 

Dhinaca kale Burhaan Maxamed cabdi oo ah Afhayeenka Madaxtooyada gaalkacyo oo aan kula xiriiray qadka telefoonka Seterlit-ka ayaa sheegay inay wax ka jiran wararka sheegaya in Puntland ay gareen Gelinsoor " Haa waxaan hadda kala hadlaya deeganka gelinsoor" sidaana waxaa yiri Burhaan oo horay uga mid ahaa suxufiyiinta Pl.

 

wixii ka soo baxa dagaalka Gelinsoor kala soco Radio Nugaal oo haka fogaan.............

 

Radio Nugaal News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xog dheraad ah: Dagaalada Bandiiradley

12 Nov 12, 2006, 13:18

 

 

 

 

Aroornimadii Axada ayaa dagaal aad u xoog badan waxa uu deegaanada Bandiiradley iyo saddex Higlo ku dhexmaray Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo Maleeshiyo uu watay Col. Cabdi Qeybdiid oo gacan weyn ka helay sida la xaqiijiyay Maamul Goboleedka Puntland iyo Ciidamo Ethiopian ah oo dagaalka kula wehliya.

 

Dagaalkan oo kadis ku ahaa dhinaca Cabdi Qaybdiid iyo ciidamo ka socda Puntland ayaa afhayeen u hadley dhinaca Maxaakiimta sheegey in ku qabteen 22 Maxbuus, 5 gaari oo kuwa dagaalka ah iyo labi Taanki isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta Bandiiradley iyo degaamada ku hareeraysan.

 

Maamul-gobaleedka Puntland, ayaa gaashaanka ku dhuftay inay Ciiddamadda Golaha Maxkamadaha Islaamiga maanta la wareegeen gacan-ku-haynta Deegaanka Bandiiradley, isla markaana ay Maxaabiis iyo hub ka qabsadeen qabsadeen dhinaca Ciiddamadda Maamulka Puntland iyo kuwa Cabdi Qeybdiid.

 

Gagaab ayaa sheegey inaysan ku tala jirin inay dagaal rogaal-celin ah ku soo qaadaan dhinaca Ciiddamadda Maxkamadaha Islamka wuxuuna Ciiddamadda Maxkamadaha kula taliyey inay dagaalka joojiyaan.

 

Mar wax laga weydiiyey wasiirka Maaliyada waxa ka jira inay Ciiddamadda Puntland ay u baxsadeen dhinaca Deegaanka Laan-wanley ee Xuduudka dalka Ethiopia, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin sabab ay Ciiddamaddooda uga baqdin cararaan Deegaankaasi.

 

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee GMIS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa galabta xaqiijiyey inay Ciiddamadooda qabsadeen Deegaanka Bandiiradley oo 70-km u jirta Magaalladda Gaalkacayo.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Munaasabad maanta lagu dul qabtay Dheegga Markabkii dhawan laga soo dhiciyey Burcad-badeedda kaasi oo maanta ku soo xirtay Dekedda weyn ee Magaaladda Muqdishu.

 

Wararka laga helayo magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dhaq dhaqaaq ciidan oo xoogan laga dareemayo Galkacyo, ka dib markii ay soo gaareen kolonyo gaadiidka dagaalka ah oo uu wato Gen. Cadde Muuse.

 

Ciidamada Cadde wato aan la xaqiijin karin cadadkoda aya waxaa la shegayaa in ay u dhaqaaqeen dhinaca Jiida hore si ay u xoojiyaan ciidamada difaaca halkaa kaga jira.

 

Kulan Barlamaanka Dowlad Goboledka Puntland ay kaga hadlayeen weerarada Maxkamadaha Islamiga ee gobolka Mudug ku yeeshay xarunta dowlad goboledka Puntland ee Garowe, iyadoo kulankaasi laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen in kuwa weerarka soo qaaday ay ahaayeen beelo isa soo baheystay oo ka yimid gobolada Koonfurta Soomaaliya.

 

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarada Maxkamaddaha ee gobolka Mudug kusoo qaadeen, waxaana ay Maxkamaduha ugu baaqeen in ay dib ugu laabtaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen, sidoo kale waxay beesha caalamka ay ugu baaqeen in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Maxkamaddaha Islaamiga ee ay ka wadaan gobolada Puntland.

 

Cabdi Fatax Axamad, Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Let me make it real and crystal clear. Puntland is inviting its own demise if it keeps supporting the vanquished , hateful monger of CabdiQaydid. The man is neither powerful nor significant to say the least and his alliance to Puntland will only weaken the military position and reputation of this region as peaceful region. How could it support this man when he committed the worst genocide on Puntland's people, when you have tapes showing his order to massacre civilians identified to be from either Puntland or Gedo.

 

It is not in the best interest to ally with insignificant, morally weak hateful warlord who was alread vanquished by his own people. Puntland leaders are inviting destruction to their tax paying people, business owners who have invested so much in Galkacyo. They are betraying their own people and they are indeed politically naive to whatever that could have advanced the region's survival interest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ Allaa yacizak, my brother. You have spoken of the truth. The alliance with such characters like C/Qaydiid only reflects badly on Puntland leaders. It brings out their true colours of corruption and political expediency whenever they feel threatened in the ways. It is because of this that I have objected to them in everything they brought to the fore for the last year or so.

 

We should make way for change, a good change in the form of the UIC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bakar   

Originally posted by Paragon:

^^^ Allaa yacizak, my brother. You have spoken of the truth. The alliance with such characters like C/Qaydiid only reflects badly on Puntland leaders. It brings out their true colours of corruption and political expediency whenever they feel threatened in the ways. It is because of this that I have objected to them in everything they brought to the fore for the last year or so.

 

We should make way for change, a good change in the form of the UIC.

The question is: will Il generale concede what we have been witnessing the past few months transcends the fabricated stories about ICU? This movement in PL solidifies the inevitable and long-awaited change spearheaded by wadaado

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Guys,

What Puntland is doing is justified to protect itself from being submerged by a refashioned USC with improved political portfolio.

 

You need a buffer zone and preemptive strike before you find youself fighting in the middle of your territory, that is the strategy of war and having Cabdi as an ally is strategically important. I do understand Maakhir's natural distaste for Qabydiid and Paragon's position for a new change different from what had previously been debated over, but mind you, the courts are no solution to Somalia's mess, instead it is exploiting the mess. It is a new Al-Itihaad under the translucent cloth of Qabiil. And they are more than less determined to proceed to parts of Puntland regions and even Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Camir is right, Puntland will defend itself regardless of what a few say here or there.

 

The tension is high and many millitia, troops and are coming from all corners of the state to defend their state.

 

Its a classic clan war, this time we have learned from before and no one will sneak into Galkacyu while it is a sleep.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Duke, I hope everything be resolved before it furthers.

 

Here is a procession of vehicles accompanying the president on his way to Galkacyo from Bossaso. He is now passing Galgala.

 

1946.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo sheegtay in ay is difaaceen weerar ay ku soo qaadeen maxaakiimta

 

Novebmer 12, 2006 Markacadeey

 

Maamul goboleedka Puntland ayaa daqiiqado ka hor shaacisay in ay dib u qabsadeen goobihii ay saakay ku dagaalameen maleeshiyaad uu watay Cabdi Qeybdiid iyo kuwa golaha maxaakiimta Soomaaliyeed.

 

Wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland ayaa hadal uu siiyay saxaafada ku sheegay in goobo ay ku sugnaayeen ciidamadooda ay saakay weerar ku soo qaadeen golaha maxaakiimta, wuxuuna sheegay in ay iska difaaceen.

 

Wuxuu sheegay Wasiirka in goobihii laga qabsadey saakay ay dib ugu laabteen, wuxuuna ku cel-celiyay in Puntland ay is difaaci doonto.

 

Hadalkan ayaa soo baxay iyada oo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland CAdde Muuse Xirsi oo wata ciidamo aad u faro badan uu soo gaarey magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay ka soo ambabaxeen magaalada Garoowe.

 

Si kastaba, ma jiraan ilaa iyo Hadda warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka maxaakiimta iyo Puntland oo saakay dagaalamay, hase yeeshee waxaa isa soo taraya sheegashooyinka labada dhinac oo xowli ku socda.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this