Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Union of Islamic courts only 45kms away from Jowhar, QanyareCo in Jowhar!

Recommended Posts

Maleeshiyada maxkamadaha oo 45 Km u jira magaalada Jowhar!

 

maxkamadaha.bmp

Jowhar- 04.June.2006

 

Maleeshiyada maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho oo ku itaal roonaadeey dagaaladii ay la galeen Isbahaysiga la magac baxay la

dagaalanka argagixisada ayaa lagu soo waramayaa inay caawa ku hoydeen deegaanka Gololeey oo 45 KM u jira magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

 

Maleeshiyaadka Maxkamadaha ayaa dagaalkii saaka ka soo bilowdey Tuulada Basra iyo deegaanada ku dhaw dhaw waxay dagaal aad u qaraar la galeen maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxaana dagaalkan oo ahaa mid aad u culus looga itaal roonaadey maleshiyadii Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo laga qabsadey degmada Balcad iyo goobo kale oo fara badan.

 

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan degmada Balcad ayaa waxay sheegeen in ciidamada Maxkamaduhu ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Jowhar, iyagoo iminka ku sugan Deegaanka Gololey oo 45 kM u jira magaalada Jowhar.

 

Dagaalkii maanta ayaa geystey khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey labada maleeshiyo ee dagaalamaysey.

 

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatey dagaalkii maanta halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale, iyadoo dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmayba ay u badan yihiin maleeshiyadii dagaalameysay.

 

Horjoogayaasha maleeshiyada Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa sheegtey inay dagaalkii maanta ku qabteen in ka badan 70 maxbuus oo ka tirsan dhinicii ka soo horjeeday, iyagoo sheegay inay is dhiibeen ciidamadan, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u cadeysey warkan oo ka madaxbanaan sheegashada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

 

Saraakiisha horboodeysa maleeshiyada Isbahaysiga la dagaalanka waxa lagu yeero argagixisada ayaan wali ka hadlin guul darada maanta ka soo gaartey dagaalkii dhacey, waxay sidoo kale ka gaabsadeen inay ka hadlaan gaadiidka lagaga qabsadey dagaalkii maanta iyo waliba jiritaanka in ciidamo ka tirsanaa ay isku dhiibeen Maxkamadaha Islaamiga.

 

MM Dhoore

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Qanyare, Bootaan & Cabdi-Waal oo Jowhar gaarey!

Isbahaysi_argagixiso.jpg

 

Jowhar- 04.June.2006

 

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa ay halkaasi gaareen

madaxdii Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee ay ku mideysan yihiin hogaamiye kooxeedyada Koonfurta Soomaaliya.

 

Max'ed Qanyare Afrax oo ah wasiirka Amniga Qaranka, wasiirka dhaqancelinta Bootaan Ciise Caalin iyo Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi-Waal) ayaa caawa fiidnimadii waxay tageen magaalada Jowhar sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay dad ku sugan magaalada Jowhar oo codsadey inaan magacooda saxaafada laga sheegin sababo xaga amaanka ah.

 

Saraakiishan ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaa waxaa galbinaysay in ka badan 20 Tikniko ah, waxayna si toos ah ugu dageen masuuliyiintan Guriga Max'ed Dheere uu ku leeyahay magaalada Jowhar.

 

Xaalada magaalada Jowhar ayaa caawa si weyn u kacsan ka dib markii ay halkaasi soo gaareen xubnihii ugu muhiimsanaa Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada, iyagoo u muuqda in ay ku guuldareysteen dagaaladii maanta ka dhacdey deegaanada ku dhaw dhaw Degmada Balcad.

 

Dadweynaha magaalada Jowhar ayaa si weyn uga walaacnsan in dagaalku uu u soo butaaco dhankodoa, ka dib markii maleeshiyaadka Maxkamadaha ay ku soo dhawaadeen magaalada Jowhar iyagoo caawa ku hoydey deegaanka Gololey ee oo 45 KM u jira degmada Jowhar.

 

Maleeshiyada Max'ed Dheere ayaa caawa dhaqdhaqaaq aan caadi aheyn ka wada magaalada iyagoo u muuqanaya inay doonayaan sidii ay difaac uga gali laaheen weerar ay dhici karto inay soo qaadaan maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ah.

 

Max'ed Dheere ayaa isugu ka maqan magaalada Jowhar wuxuuna safar ku jooga wadanka Itoobiya, iyadoo wararka ka soo baxaya Jowhar ay sheegay aan in ay dhici karto safar ay Adis Ababa ugu ambabaxaan xubnaha Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee caawa ku sugan Jowhar uuna ka mid yahay Max'ed Qanyare Afrax.

 

Axmed Aar

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

So the "Islamists" are in hot pursuit on their way to Jowhar. Hopefully the people of Jowhar will trap the killers (Qanyare and Yalahow) and keep them there till the courts arrive. Then summarily kill them in broad day light, in full view of cameras with a knife to the neck and chest. Nothing else will send a message to these cowards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Don't worry, they will encounter a unique, terrifying and disgraceful end to their pityful lives inshallaah!

 

If they can "safe" themselves out of their misery of either heading to Baidoa or Addis Ababa, then they might have a chance but as long as they "arrogant" and stubborn about it, then they will indeed be killed!

 

If they go to Baidoa, the government could negotiate with the Union of Islamci courts to resettle in Moqadisho and in reward, they would get in exchange for their "favour" the "real terrorists", the warlords!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdi2005   

Originally posted by Castro:

So the "Islamists" are in hot pursuit on their way to Jowhar. Hopefully the people of Jowhar will trap the killers (Qanyare and Yalahow) and keep them there till the courts arrive. Then summarily kill them in broad day light, in full view of cameras with a knife to the neck and chest. Nothing else will send a message to these cowards.

The courts are not that ignorant. As long as they dont do something like that people of muqdisho will support them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this