Sign in to follow this  
Liibaan

Odayaasha ka mid ah beelaha muqdisho oo soo saarey baaq ayku dalbanayaan xabadjoojin

Recommended Posts

Wali yaabo is gaaray!Ilaa iyo Abeed ee ka dhahaan wax xabad joojin ladhoho haba yaraate maba jiri karto.And by that time,it will be too late since dad badan ee ku dhamaan doonan sida hada ee dad badan oogu geeriyooden dagaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Captain Xalane:

Wali yaabo is gaaray!Ilaa iyo Abeed ee ka dhahaan wax xabad joojin ladhoho haba yaraate maba jiri karto.And by that time,it will be too late since dad badan ee ku dhamaan doonan sida hada ee dad badan oogu geeriyooden dagaalada.

Waa runtaa, yaa wali is gaaray, inta aan amxaaro kadabkeeda goyneeno, oo aad agoon amxaaro noqoneysaan, faanoole fari kama qodna, I say!

 

Saaxiib geeri iyo anaka waan is naqaanaa, ma nihin minority xun oo aan u baac dhigi karin dowlad iyo adduunkoo dhan oo is biirsaday. We were responsible for the departure of the 32 nations that came to invade somalia, and we are now responsible to destroy these invaders, including you, so that you can be shipped to your rightful places!

 

dagaalkana waa socdaa........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Golaha Baarlamanka carabta iyo dowladda Masar oo baaq ka soo saaray dagaalada Muqdisho ka soconaya

Click here to find shabelle-news in english

 

Mogadishu 01, April.07 ( Sh.M.Network) Golaha Baarlamanka carabta iyo dowladda Masar ayaa si kala gooni gooni ah ugu baaqday golaha amaanka ee Q.M iyo guud ahaanba beesha caalamka in si deg deg ah lagu soo fara galiyo xiisadaha haatan ka jira dalka si loo soo afjaro dhibaatada baahsan ee ka oogan dalka ku yaala geeska Africa.

 

Baarlamanka carabta ee KMG ah ayaa maanta waxa uu ugu baaqay golaha amaanka ee Q.M iyo golaha caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha in ay ka shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in lagu gumaadayo shacab Somali ah.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka carabta Jasim Saqar baaq uu soo saaray waxa uu ku codsaday in si deg deg ah ay dunimada ugu dhaqaaqdo si loogu qasbo ciidamada Ethiopia in ay uga baxaan dalka Somalia, isagoo dhanka kale ugu baaqay shacabka Somalia in ay mideeyaan codkooda ayna ka shaqeeyaan sidii dib u heshiisiin qaran looga dhex furi lahaa kooxaha iska soo horjeeda ee Somalia si looga fogaado fara galin shisheeye.

 

Waxa uu ka codsaday Jaamacadda carabta, ururka Midowga Africa iyo baarlamaanada caalamiga iyo kuwa gobolka in ay ku bixiyaan dadaalo dheeri ah sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo madax banaanida dalka Somalia.

 

Dhinaca kale wasiirka arimaha dibadda dowladda Masar Axmed Abul Gheyd ayaa fariimo uu u direy xoghayaha guud ee Q.M Ban-ki moon iyo guddoomiyaha ururka Midowga Africa Alpha Omar Konari iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta waxa uu kaga codsaday in ay si deg deg ah ku soo fara galiyaan xaaladda dalka Somalia, si loo hakiyo dagaalka maalintii 4aad ka soconaya caasimadda Somalia.

 

Wasiirka arimaha dibadda Masar ayaa wariyeyaasha waxa uu u sheegay in sii joogitaanka ciidamad shisheeya ay ugu horreeyaan kuwa Ethiopia oo aan taageero ka heysan shacabka Somalia, waxaana ay sii murjineysaa tani in ay sare u kacdo xaaladda Somalia, ayna sii kordhineyso cuqdada shacabka Somaliyeed ay u hayaan.

 

Baaqyadaan ayaa ku soo beegmay xilli dagaalo galay maalintii 3aad ay ka soconayaan caasimadda Somalia ee Muqdisho.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this