Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President on a Trip to Kuwait

Recommended Posts

My question is ... DID HE SAY THIS WHEN HE WAS A MINISTER OR HE SAID AFTER HE WAS SACKED ??? ,,,

 

 

It is simple if you are reading my question sxb ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Seeftii Daacaadnimada Oo La Tagtay Enj. Maxamed Xaashi Cilmi

SDWO — London,UK — 04 May, 2004

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

Seeftii Daacaadnimada oo la tagtay Enj. Maxamed Xaashi Cilmi

 

SDWO (Hargeysa 04/05/04) Faallo – Waxa lama filaan iyo u qaadanshawaa ku noqotay shacbiga Somaliland dalka gudahiisa iyo dibadiisaba xil ka qaadida Enj. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee xukuumada Riyaale.

Waxa magaalada Hargeysa aad arkaysaa meelaha sheekada iyo kaftanka la isku weeydaarasado dadkoo koox koox u taagan oo falanqayn ku samaynaya sababta ka danbaysay talaabadan aan laga fileyn ee uu Madaxweyne Riyaale qaaday. Hadaba sheekooyinkaas markaad u kuurgasho oo aad dhegaysato intooda badan waxaad arkaysaa iyagoo meel kuwada arooraya isla markaasna aad arkaysid sida dadku uga xunyahiin talaabadan cusub.

Dadka intooda badani waxa ay u arkaan Maxamed Xaashi inay la tagtay seeftii daacadnimada iyo wadaninimadu, sababtoo ah Maxamed Xaashi waxa uu ahaa wasiirka labaad ee golaha wasiirada xukuumada Riyaale ugu waxqabadka badan wasiirka labaad ee soo raacaana ay tahay Marwo Adna Adan Wasiirka Arimaha dibada, labadan wasiir oo had iyo jeer dadku u nisbaynjireen, daacadnimo, hawlkarnimo, dadaal, wadaninimo taasi oo ay ku mutaysteen la dagaalanka musuqmaasaq iyo cadaalad dara dalka ku habsatay.

Waxa dadka intooda badani isweydiinayaan isku shaandhayntii laga sugaayey Riyaaale ma waxa ay noqotay wasiirkii dadkuba eeganayey ee ay aaminsanaayeen ee laga filayay inuu keeno wasiiro kale oo ku sifooba sida Maxamed iyo Adna oo kale hase yeeshee xukuumadu waxa ay cadaysatay inaanay rabin cid waxqabata ama ka hadasha musuqmaasaqa dalka hadheeyay, arintan oo manta ahayd sheekooyinka hadheeyay magaalada Hargeysa oo lala yaabay sidii xilka looga qaaday wasiirka oo siduu qoraalku u dhiganaa la yidhi wuxuu ka afkaar duwanaaday golahii wasiirad oo dhan.

 

Hadaba waxa isweeydiin leh tolow waa maxay waxaas uu kaga afkaar duwanaaday ee xukuumadu u adkaysanweeyday ee xilka looga qaaday wasiirka. Arimahaasi uu kaga afkaarduwanaaday sida ay dadkuba ka wada warhayaan hada waxay noqotay inuu yidhi waar dalka iyo dadkaba sidan ha loo dhaamo oo intayar ee cashuura ee ina soo gasha aan basrisano, sida cashuuraha ka soobaxa dekada, Haamaha shidaalka iyo madaarka oo si toos ah u hoos yimaaada madaxtooyada taasi oo uu ku taliyay in miisaaniyada sanadkan ee 22 ka milyan lagu sheegay lagu soo daro. Arintana waxay aad uga cadhaysiisay Madaxweyne Riyaale oo kaga jawaabay inuu xilka ka qaado wasiirka.

 

Waxa la filayay in loo mahadnaqo labada wasiir ee ugu cadcadaa golaha wasiirada xukuumada Riyaale waxase layaab noqotay markii arinkii u ekaaday cid waxqabata lama rabo, arintiina lagu soo gebogebeeyay ninka ugu il dheerbaa dadka ugu ayaan daran. Wasiirkan xilka laga qaadayna waxa uu noqday wasiirkii ugu horeeyay ee dadku ka xumaadaan xil ka qaadistiisa sababtoo ah waxay ogaayeen inuu ahaa wasiir shacabka u maqan. Waxaanay dadku isku qancinayaan Maxamed Xaashi uma baahna Somaliland ee Somaliland baa u baahnayd. Tani oo maanta hadii doorasho dhici lahayd ay xukuumada riyaale 10% aanay ka hesheen codka shacabka, bal la arkidoonaa xukuumada riyaale xagay u jihaysato maadaama aan maanta laga filayn inuu soo dhiso dowlad tayo leh.

 

Intaas waxaan ku soo koobnay faaladii aan idiinka soo diyaarinay sida dadka caadiga ah ay u arkaan isbedelka ay xukuumadu ku samaysay ee ay xilkii kaga qaaday wasiirkaii ugu daacadsanaa Somaliland. Wuxuu Wasiirku hore u yidhi oo looga qoray ilaahoow sidayda ka dhig ama sidooda iga dhig, sidaas darteed sidiisii way noqon waayeen isna wuu diiday inuu sidooda noqdo.

 

Laga bilaabo 5th May SDWO wuxuu idiin soo diyaarindoonaa dood qof waliba uu sitoos ah (online) uga dhiiban doono sidaad u arkayso xil ka qaadida wasiirkii Ganacsiga. (Look out the front page).

 

www.sdwo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Intaas waxaan ku soo koobnay faaladii aan idiinka soo diyaarinay sida dadka caadiga ah ay u arkaan isbedelka ay xukuumadu ku samaysay ee ay xilkii kaga qaaday wasiirkaii ugu daacadsanaa Somaliland

That was faallo laga qoray sxb ......

 

 

I want him speaking like he speaks now when he was the minister ........... that is what i'm asking.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dee waa siidee golaha ayuu ka dhex jiidhii qaladadaka ina riyaale iyo xukmaadiisa.. kabacdii markii la firgereyee ayuu wixii oo dhan oo file aah sooo dabacay .... ina xashi wa ninka kaliya ugu dacaadsan wa tay ina riyaale isku diideen wata cawiil meesha keentay..

Share this post


Link to post
Share on other sites

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk ,, you don't understand the politics sxb. Cawil will do the same hadii xilka laga qaado but no one will say anything when they are Ministers ......

 

You have to understand that .................... ......

Share this post


Link to post
Share on other sites

No but u have to understand u are comparing ina xashi to ismacil adan cismaan oo yidha sir baan haya ina xashi waxay isku diideen oo ay isku qabteen ina riyaale mizaaniyadii ma been ba waxay isku af garanwayeen ninkaan ina xashi wa dacaad.. wax yaalo loo bahnayn buu soo saar saaray..

Share this post


Link to post
Share on other sites

jacaylbaro, inaar horta maxaad isla nasakhdaa...ina xaashi golaha wasiiradeeda ayuu ka dhex sheegi jiray musuqmaasuqa... isagu wasiirka ganacsiga ayuu ahaa...waxaana lagu eryay markuu wasaarada maaliyada daba galay, uu kombuutaradeedii iyo faylashii soo baadhay...lol wuxuu ina riyale ku yidhi shaqo aan laguu diran baad qabatay taasaan kugu eryey.... so you see, when you are in the government you don't bring out its corruption in the open, you try to fix it from within...however when you are no longer in goverment, you have no choice but to speak out in public...its simple really...waanan hubaa inuu garaadkaagu qaado karo.... but one thing is for sure...ina xaashi is no politician...if he was, we wouldn't have him clashing with every one who came to power, be it riyale, egal (AU), or tuur (AU)...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this