Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab we will continue the struggle : Is Abu Mansuur no longer a hero?

Recommended Posts

Hanjabaad ka timid Al Shabaab

Tuesday, December 30th, 2008 at 12:50 pm

Horseed Media

Muqdisho, Somalia

 

Afhayeenka Kooxda Al Shabaab Abu Mansuur oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada ay kooxdooda ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Abu Mansuur oo ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in kooxdoodu ay weerar kuyihiin magaalada Guriceel dibna ay gacanta ugu soo dhigi doonaan, wuxuuna sheegay in xiligan ay heystaan magaalada Dhuusamareeb.

 

Abu Mansuur ayaa sheegay in isbedalada siyaasadeed ee ka jira gudaha Soomaaliya aysan ka weecin doonin qorshahooda iyo dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay Afhayeenka Al Shabaab inuu dagaalka sii socon dooono xataa hadii ay ciidamada itoobiyaanka ka baxaan dalka Soomaaliya.

 

Abu Mansuur ayaa sidoo kale u hanjabay qaar kamid ah Culumaa’ udiinka ku sugan magaalada Muqdisho asagoo sheegay in Muxaadarooyin laga wado Suuqa Bakaaraha Masjidkiisa weyn ee abu Hureyra ay yihiin muxaadarooyin dhan ka ah jihaadka ay wadaan isla markaana loo baahan yahay in la joojiyo.

 

Abu Mansuur ayaa ku nuux nuuxsaday in dagaalkii dheeraa oo ay wadaan aan loo joojin doonin shaqsi mansab doon ah ayuu yiri afhayeenka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abu-Mansu: Dagaalada joojin mayno

30 Dec 30, 2008 - 6:39:42 AM

 

Afhayeenka ururka hubeysan ee Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansor] oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalkii ka dhacay Galguduud.

 

Sheekh Abu-Mansor ayaa si weyn u weeraray culumo dhawaan ka sheegay Muqdisho in dagaalada ka socda gobolada dhexe ay yihiin kuwo u dhexeeya Somalida, dadka ku dhintana ay naarta galayaan.

 

"Dagaalkii ka dhacay Guricel, wuxuu ahaa mid u dhexeeya kooxo ay soo abaabushay Ethiopia iyo Al-shabaab, runtii degmada Guriceel iyaga ayaa la wareegay kuna sugan hada" ayuu yiri Abu-Mansor.

 

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in koxdoda aysan dagaal kula jirin Ahlusuna, balse ay la dagaalamayaan kooxo ay soo hubeysan Ethiopia, isagoo balan ku qaaday inaysan dagaalkaas joojinayn.

 

"Dagaalka aan wadno kuma xirna joogitaanka iyo bixitaanka Ethiopia, hadii Ethiopia ay baxdo dagaalku wuu soconayaa waayo hadafkeenu waa inaan dalka Somalia ku xukuno diinta Islaamka, markaas ayuuna dagaalku joogsan karaa" ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Roobow.

 

Mar uu sidoo kale ka hadlay gacan ku haynta degmada Dhuusomareeb oo ay dagaalo ka dhaceen laba maalmood ka hor ayaa sheegay inay halkaas gacanta ku hayaan, ayna doonayaan inay gacantooda kusoo celiyaan Guriceel.

 

"Ethiopia waxay doonaysaa inay 3-jabhadood kusoo jahayso Somalia si aanu dalka u dagin, midood waxaa loo qorsheeyay Hiiraan iyo Bakool, midna Gobolada dhexe iyadoo tan sadexaadna loogu talogalay Gobolka Gedo" ayuu yiri Sheekh Abu-Mansur.

 

Afhayeenku, wuxuu ****olka ka rogay in dagaal shalay ka dhacay Muqdisho ay iyagu lug ku laahayeen, uuna halkaas kaga dhintay mid ka mid ah saraakiisha waaweyn, kaasoo lagu magacaabi jiray Macalin Farxaan.

 

Abu-Mansor oo ka hadlay hadal dhawaan ay culumo ka sheegtay Masjid ku yaala Bakaaraha oo lagu magacaabo Abu-hureyra ayaa sheegay in hadalkaas uusan ahayn mid wanaagsan ayna ka digayaan.

 

"Culumadii dhawan ka sheegtay Abu-hureyra in qofkii ku dhintay dagaalka Galguduud uu naarta galayo, waxaan leeyahay, waxba ma taqaanaan ee ka daaya afkiina Mujaahidiinta" ayuu yiri Sheekh Mukhtaar.

 

Sidoo kale culumadaas ayuu uga digay inay dacaayadeeyaan Mujaahidiinta, isagoo u sheegay inay dagaalada ka qahbgalaan ama ay afkooda ka haystaan mujaahidiinta, isagoo ku tilmaamay muxaadarooyinkooda kuwo aan khayr lahayn.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iyadoo ay ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Soomaaliya ay ku jiraan xirxirashadii ugu danbeysay ee ay kaga guurayaan dalka Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya hadalo ka soo yeeray Kooxda Alshabaab ee Dagaalka Kula jirta Ciidamada Ethiopia & kuwa DFKMG.

 

Afhayeenka Kooxdaasi Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo la hadlay qaar ka mid ah Saxafada ayaa yiri” waanu wadeynaa dagaalka xitaa hadii ay baxaan ciidamada Ethiopia ilaa aanu Soomaaliya ka hirgelino ujeedkeena ah in sharciga Islaamka laga hirgeliyo Soomaaliya”

 

Dhab ahaan xilligani ma muuqato bixitaanka Ciidamada Ethiopia hasa yeeshee waxaa dhow mudada ay sheegeen inay ka baxayaan Magaalooyinka Soomaaliya,Bixitaanka Ciidamada Ethiopia ayaa dad badani waxay saadalinayaa & bulashada Caalamkuba in xaalada Soomaaliya ay wax iska badeli karaan halka qaar kala ay rajo xumo ka muujinayaan xaalka Soomaaliya meesha uu ku danbeyn doono

 

Ciidamada Ethiopia ayaa dalka waxay soo galeen xilligii ay gacanta siinayeen DFKMG ee Soomaaliya 2006-dii waqtigaasi oo uu dagaal adag dhexmaray maxkamadihii islaamiga ee Koonfurta & bartamaha Soomaaliya mar ka arimin jiray

 

Muddo ka badan 2 sanno ayaa ciidamadu waxay dagaal adag kula jireen kooxo Ka soo horjeeda joogitaankooda & Jiritaanka DFKMG ee Soomaaliya haatana xukuumada Addis ababa iyada ayaa si iskeed ah u ogolaatay inay Ciidamadeeda dalka kala baxdo kadib markii ay ku eedeysay masuuliyiinta Soomaalida kuwo howshoodi gabay

 

Isha warka BBC World Service

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan If the man captured your home town does not mean he can even think about crossing to Puntland..

 

Lol. admiting how weak you are is a good sign ya Aydeed gunner you.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Duke hadal wax ma taro Mansuur waa nin Soomaaliyeed he has the right to go wherever he wants to...remember how Cadde Muuse cried when The ICU came to Bandiradley...how he once said diinta islaamka ma diiddanin Sh. Abdulkadir Gacamey ayaan masuul uga dhigaynaa Puntland...and how he again asked the Ethiopians to defend (For your info I was in Galkayo at the time for the first time in my life and have seen isku dhexyaaca iyo fuleynimada maryacalasta Cadde...No other Somali region or adminstration asked for the Ethiopian protection except the very same place you always talk about as being this...tuulo is blah blah blah...I wonder whi is weak then?

I think that you are wearing your wrong glasses prescribed by clanism rather than an optician and this doesn't help but makes you more Blind and not being able to see the reality.

 

you know what Duke let me give you an advice qof waxaad tahay yaqaan amase adigaba kaa badiya lalama doodo ee yaa ku dhaho dadkaan ku aqoon meelahaan u bootee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Originally posted by Abwaan:

you know what Duke let me give you an advice qof waxaad tahay yaqaan amase adigaba kaa badiya lalama doodo ee yaa ku dhaho dadkaan ku aqoon meelahaan u bootee.

:D:D:D:D:D:D

 

Priceless!

Share this post


Link to post
Share on other sites
money   

Abu Mansuur had a noble cause to fight against the occupiers and the traitors- The honeymoon with the occupiers is off now and inshallah once they withdraw all Somali freedom fighters would come to the negotiation table to sort the factional and ideological differences out and work on a viable plan to restore peace and stability in the land...that is my "wishful thinking" even though the Somalis sadly miss the opportunity to rise above their petty divisions and differences. Whether you align yourself with one faction or not --- we are all into this ...so we have better to come up with "Somali" solution and stop relying on foreign actors.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this