Sign in to follow this  
Cowke

Mogadishu Airport Upgraded. (Pictures)

Recommended Posts

Cowke   

garonkamuqdisho.jpg

 

garonkamuqdisho1.jpg

 

garonkamuqdisho2.jpg

 

garonkamuqdisho3.jpg

 

garonkamuqdisho4.jpg

 

garonkamuqdisho5.jpg

 

Garoonka Muqdisho oo qeyb cusub lagu daray

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 03-Janaayo-2010

 

Waxaa maanta xaflad lagu furiyay qeyb cusub oo ka mid ah garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde Airport ka dhacday halkaasi, xafladaasoo ay kasoo qeyb galeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda, maamulka garoonka iyo dadweyne Somaliyeed.

 

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka tamarta iyo shidaalka Xukuumadda KMG-ka ee Soomaaliya C/waaxid Cilmi Goonjeex oo xarigga ka jaray Munaasabaddii maanta lagu furay Hool cusub oo loogu talo galay dadka ka dhoofaya Garoonka in ay kusii negaadaan inta aysan ka ambabixin gudaha Garoonka ayaa u mahad celiyay madaxdii iyo dadkii isu xilqaamay dhisidda hoolkaan muhiimka u ah howlaha Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku ammaanay dadkii gacanta ka geystay Howshaasi inay yihiin dad ka shaqeynaya Horumarka Ummadda Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...dhagax...sidee lagu ogaanaa iney cusub yihiin oo boorka lagaga celinaa?

 

Waxaan la yaabay wasiirradii dowladda ayaa sida ilmo xannaano la keenay marba dhinac u cararayo. Meeye wasaaradahoodii markay kulligood Ayroboor iska soo xaadirinayaan?

 

PM needs to do his work and do a reshuffle. We need dad wax qabanaya...

 

Kii tamarta, kii dhagxaanta, kii badaha, kii lacagta, kii banooniga, kii baabuurta, kii hawada, kii/tii.....maba dhammaanayaan. Kulligood meesha ayay isku waraysteen. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ lol @ Kii banooniga!

 

Abwaan brother Kii Banooniga Stadiom Magadishu matagi karo noooh......waa lacunaa.

 

The fun only happens around the Airport, the Port and the Villa Somalia.....Let them enjoy man.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this