Sign in to follow this  
Xudeedi

Makhiri Sultanate Receives Royal Reception in Haylaan Region (Audio Pics)

Recommended Posts

Xudeedi   

103_0057.jpg

 

MAQAL IYO MUUQAAL: Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee beelaha Sanaag/Haylaan/Galbeedka Bari Suldaan Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan Suldaan Maxamuud Cali Shire oo soo gaarey Dhahar….

 

Dhahar (SPR): Maalinimadii shalay ayaa waxaa soo gaarey magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan wafdi kasoo ambabaxay gobolka Bari oo ay hogaaminayaan Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin iyo Suldaan C/casiis Cumar Saalax Jeenicad iyadoo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.

 

 

Maanta ayaa waxaa soo gaarey wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee beelaha ku abtirsada Maakhir Suldaan Siciid Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud. Waxaa wehelinayay isimo kale iyo siyaasiyiin iyo gudoomiyaha gobolka Sanaag Mr. Dabayl.

 

 

Wafdigan ayaa waxaa magaalada meel u jirta 30 km uga hortagay shacab, isimo, siyaasiyiin iyo ciidan oo halkaasi kusoo dhaweeyey. Dadka kusoo dhaweeyey ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Maxamad Suldaan C/laahi Cartan, Xildhibaan C/laahi Ducaale Cali, iyo Wasiirkii hore xanaanada xoolaha Axmed Xuseen Doonyaale.

 

 

Idaacada Somali Public Radio ayaa waxay wareysi kooban la yeelatey Suldaanka guud ee beelaha Maakhir, isagoo idaacada uga waramay imaanshahooda, ayaa waxaanu weydiiney in ay la kulmeen odayaasha beelaha kale ee oo aanada qabiil kala gaadhey, sidoo kale Suldaanka ayaa waxaanu weydiiney sababta keentey in ay arintan hada oo kaliya loo guntado maadaama aynan dhibka soo noqnoqday aysan horey uga hortegin oo ay dhibaatooyin la mid ahi ay dhawaan dhaceen. Sidoo kale ayaa wariyaha SPR weydiiyey rajada ay ka leeyihiin inay soo afjaraan dhacdadii shalay dhacdey oo ah mid kuwa la mid ah ay soo noq noqotey marar badan.

 

 

HALKAAN KA DHAGAYSO WAREYSIGII SULDAAN SICIID

 

 

HALKAAN SAWIRADA KA DAAWO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

103_0048.jpg

 

Chief Sultan of Haylaan Region; Sultan Cartan hand shaking Makhiri Royalty, his excellency Sultan Saciid Suldan Abdisalan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this