Sign in to follow this  
Juje

Sii hayihii Xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo la dilay..!

Recommended Posts

Juje   

cabas.jpg

Cabaas Galeyr oo xalay Muqdisho lagu dilay

 

Jimco, February 01, 2008(HOL): Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay sii hayihii Xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Nuur (Cabaas Galeyr).

 

Labo Nin oo Bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay marxuumka ku dileen Baar lagu shaaho oo ku yaala Xaafadda Cadayga ee Degmada Xamar-weyne, iyadoo sidoo kalena uu halkaas ku dhaawacmay nin kale oo ka dhawaa meesha marxuumka lagu dilay.

 

Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne C/llaahi Ibraahim Sahal (Gar-dhuub) oo xaqiijiyay geerida Cabaas Galeyr ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii dilkiisa ka dambeeyay, wuxuuna sheegay in marka la soo qabto sharciga la hor-keeni doono.

 

Guddoomiyaha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay marxuumka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu ugu baaqayo kooxaha dilalka la beegsada mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Maamulka Gobolka Banaadir in ay dilka ka daayaan.

 

Marxuum Cabaas Galeyr ayaa wuxuu si KMG ah ugu magacawnaa Xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir muddo bil iyo dhowr maalmood ah, iyadoo xilkaasina loo dhiibay kadib markii dhawaan qarax Miino lagu dilay Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dilka loo geystay Cabaas Galeyr ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegayay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay maamul ahaa n ka dileen 9 Guddoomiye Degmo, ku xigeenno iyo dad kale oo qaali ahaa, isagoo intaas kadibna ugu baaqay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay miiska wada hadalka yimaadaan, isla markaana ay xabadda joojiyaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Xasuuqa Lafdhabarta Saxaafadda Somaliya oo sii kordhay!! Waa Kuma Cabaas Galeyr?

 

Allaha u naxariistee Cabaas Maxamed Nuur Galeyr oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay ragga aqoonta Saxaafinimo leh ee Muqdisho aan ka bixin tan iyo markii la riday Xukumadii kacaanka 21-ka sano ee Maxamed Siyaad Barre ayaa lagu dilay degaanka Xamar weyn ee gobolka Banaadir.

Cabaas Maxamed Nuur Galeyr allaha u naxariistee waxay geeridiisa noqotay mid ay si isku mida uga ilmeeyaan Saxaafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kooxdii ay soo wada shaqeeyeen,waxaana ilmadooda sabab looga dhigi karaa isagoo astaan u ahaa xishoodka iyo ilaalinta anshaxa saxaafadda taas oo ku qasabtay inuusan ka tegin Idaacadii ku dul burburtay ee Radio Muqdisho oo markii uu dambe loo bixiyay Codka Shacabka ,isagoo had iyo jeerna qaab wadaniyadi ka muuqato ugu celcelin jiray in uusan Xarunta Idaacadaas ka tageeyn ilaa uu ka geeriyoodo ama dowlad dhexe la wareegto gacan ku heynteeda.

 

Cabaas Maxamed Nuur Galeyr oo maalmo kooban noqday ku simaha afhayeenka gobolka Banaadir wuxuu ifka uga tegay xaas iyo todobo Caruura oo la rumeysan yahay inuu dartood u qabtay shaqadaas afhayeenimo.

Qofkastoo taqiinay taqwada iyo nabad jaceylka Saxaafiga weyn ee Soomaaliyeed allaha u naxariistee Cabaas Galeyr ayey ku adkaan kartaa inuu ahaa nin dilkiisa jano lagu helo ama loogu magac daro erayo ku soo baxay shabaakadaha ku hadlo kuwa u muuqdo inay qandaraas ku qabaan dabargoynta aqoonyahanada iyo lafdhabarta Saxaafiyiinta Soomaaliyeed.

 

Weriyaasha_ugu_caansan_Muqdisho.JPG

 

nkastoo Marxuum Galeyr ku magacaawnaa Weriyahii Sonna ee gobolka Banaadir xilligii Xukumadda Kacaanka hadana Cabaas Maxamed Nuur Galeyr wuxuu ka mid ahaa Barayaashii Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxaana jira Saxaafiyiin badan oo u hayo tababar saxaafadeedkii uu sida hagar la’aantaa u siiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Very sad indeed. Alaha u naxariisto. These type of killings are not a solution. On the contrary, it makes the solution to Somalia problem even more complicated. These type of targeted assassinations of low level civil servants are new to Somalia and the the future looks bleak if political differnces manifests itself in killing of your opponent.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Dr.Galbeyte:

No sympathy here mate.

Having seven children.. doesn't qualify you to collaborate with the occupation.

First I dont think he requires your merit cause you are, apparently, as demon as those who cowardly murdered him.

Secondly can you please elaborate on the reasons and logics that justify the murdering of Galleyr and many others like him, other than the cheap and uniformed 'working with the opposition'.

The killing of innocent people in a cowardly form only further increases the time limit of the occupation and their cohorts. But you would not understand that would you 'Doctor' , ileen hal dheg ayad wax ka maqasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Stability indeed ,,,,,,,

Xareed aya kugu socoto sxb haye?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Assasinating the innocent people in order to show that you're there and no statbility in somalia (as JB likes it) is inhuman and the cruelest and most appaling action that one can think about it,

 

JB sxb remember that according to our religion The killer and supporter/praiser are same SIN.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm not talking about the action itself sxb ,,, Of course both the killer and the victim are muslims ,,,,

 

 

I'm talking about the situation where some ppl here are trying to convince everybody that the place is so stable ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

people are killed in places all over the world yet are they described as unstable. Philadelphia Pennsylvania, now nick named killadelphia pistolvania has a much higher murder rate then Mogadishu yet you don't hear anyone talking about its unstable.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this