Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: TFG forces take fight to enemy hiding in market

Recommended Posts

Suuqa Bakaaraha oo caawa holcaya, kadib dagaal qaraar oo suuqa dhaxdiisa ka qarxay.

 

Dagaalo qaraar oo la isu adeegsayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday caawa 2dii saqdii dhexe gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo maqlayo madaafiic la is dhaafsanayo iyo rasaas culus.

 

Dagaalo qaraar oo la isu adeegsayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday caawa 2dii saqdii dhexe gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo maqlayo madaafiic la is dhaafsanayo iyo rasaas culus.

 

Iska horimaadkaan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha qaran-diidka ah ayaa waxa uu ka soconayey wadada shirkadaha isgaarsiinta ee suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ka dhaceysey rasaas culculus iyo mid fududba.

 

Baqaaro badan oo ku dhaxyaal suuqa bakaaraha ayaa waxaa qabsadey holac, kadib markii ay ku dhaceen madaafiic ay labada dhinac isu adeegsanayeen .

 

Dagaalkani oo socdey mudo 30 daqiiqo ah ayaa haatan soo afmeermey kadib ciidamada dowlada oo xoog ku muquuniyey kooxdii qarandiidka aheed ee weerarka soo qaadey.

 

Kooxda qarandiidka ahi ayaa waxeey caadeysten ku dhaxdagaalanka ilaha dhaqaalaha dhaxdooda bur buriyana wax waliba oo wadanka munaafacaadkiisa ah isla markaana ayagoo dadka rayidka ah ay u siticmaalan humanshield ahaan.

 

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan oo haatan u eg mid soo gaba-gaboobey, laakin warar hordhac ahi ayaa waxeey sheegayaan in ciidamada dowlada ay gacanta kusoo dhigeen maxabiis iyo dhaawac dhulka looga cararey.

 

 

Wixii warar ah kala soco shabakada carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal qaraar oo caawa ka bilowday gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdis

 

Mogadishu 19, July 07 ( Sh.M.Network)- Dagaalo qaraar oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka bilowday caawa saqdii dhex gudaha suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo maqlayo madaafiic la is dhaafsanayo iyo rasaas culus,.

Dhisme ku dhow Hotel Alxabiib ee suuqa Bakaaraha oo gubanaya, ka dib markii madfac uu ku dhacay caawa , iyadoo wali ay soconeyso rasaas la is dhaafsanayo, mana jirto dadaalo lagu daminayo dabka

 

Iska horimaadkaan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kooxo aan la garaneyn ayaa waxa uu ka soconayaa haatan wadada shirkadaha isgaarsiinta ee suuqa Bakaaraha, halkaasi oo ay ka dhaceyso rasaas culus iyo mid fudud.

Daryanka madaafiic iyo qaraxyo xoogan ayaa si weyn looga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha.

 

Goobaha iska horimaadkaan loo maleynayo in uu ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Saldhig dhowaan ciidamada dowlada ay ka sameysteen wadada koowaad ee suuqa Bakaaaraha.

 

Dagaalkaan oo ilaa iyo wali soconaya ayaa waxa uu bilowday abaaro caawa 1:25 PM, waqtiga magaalada Muqdisho. waxaana uu yara qaboobay 3:15 Pm, inkastoo wali la maqlayo rasaas teel teel ah oo la is dhaafsanayo.

 

Waxaa iminka soconaya holac aad u weyn oo qabsaday Dhimse ku yaala agagaarka wadada koowaad ee suuqa Bakaaraha, ka dib markii madfac uu ku soo dhacay halkaasi , lamana oga wali qasaaaraha ka dhasha,,mana muuqata dadaalo lagu daminayo dabkaasi rasaas culus oo socota owgeed.

Lama oga wali qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaan oo ah mid aad u xoogan oo wali soconaya.

 

Waa dagaalkii ugu qaraaraa ee ka dhaca caasimadda Somalia, labadii bilood ee la soo dhaafay, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli maalinta berri ah lagu wado in uu dib u bilowdo kulanka dib u heshiisiinta beelaha.

 

Waa maalintii 14aad oo qaraxyo iyo rabshado dad ay ku geeriyoonayaan ay ka jiraan suuqa Bakaaraha, iyadoo tan iyo markii ciidamada dowladda ay suuqa soo galeen la aaminsan yahay rasbashadaha iyo weerarada ka dhacay in ay ku nafwaayeen in ku dhow 50 ruux oo rayid ah.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites
bak1.jpgDhisme ku dhow Hotel Alxabiib ee suuqa Bakaaraha oo gubanaya, ka dib markii madfac uu ku dhacay caawa , iyadoo wali ay soconeyso rasaas la is dhaafsanayo, mana jirto dadaalo lagu daminayo dabka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Looting and killing is the last desperate attempt by the Tigree militia and their Somali collaborators to weaken the will of the Somali peoplel.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer why this market and not the others? Because its the mother of all evil in southern Somalia.

 

Anyhow just another sector to be secured. Nothing major.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Adeer every day they loose more ground. The airport, port, governemnt buildings, street junctions, now their market.

 

Anti governemnt groups are feeling the heat. No let up just a gradual crunch.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suuqa Bakaaraha Oo Ey Isku Heleen Xalay Rag Maleeshiyo Iyo Ciid. Booliska

Muqdisho(Calanka.com) 19-Luulyo-2007

 

Kooxo maleeshiyo ah oo la aaminsanyahay in ey soo abaabuleen soona hubeeyeen ganacsatada ugu tunka waaweyn ee suuqa bakaaraha ayaa waxa ey weerar gaadmo ah ku qaadeen xalay saldhib boolis oo cusub lagana dhexfuray gudaha Suuqa Bakaaraha, halkaasoo uu ka dhacay dirir socotay mudo lagu qiyaasay 40-daqiiqo.

 

Suuqa bakaaraha oo ey ka socdaan howlgalo balaaran oo xaga amaanka ah maalinkii 16-aad ayaa waxaa isku afgaran la` ciidamada boliska iyo kooxo ganacsato ah oo iyagu islaheysiiyay suuqaas.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday ciidamo ka tirsan dowladda oo uu horkacayey Agaasimaha Nabadgelyada ee gobolka Banaadir Nuur Daqle oo xarun ku leh bartamaha suuqa Bakaaraha oo lagu soo qaaday weerar gaadmo ah kaasoo ku fiday deegaano ay ka mid yihiin Isgoyska Howlwadaag iyo bartamaha suuqa Bakaaraha.

 

Dagaalkan oo socday mudo 40-min ah ayaa sababay burbur hantiyadeed iyo dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray kooxihii dagaalamayey, iyadoo labo dhismo oo ku yaal suuqa Bakaaraha uu dab qabsaday balse aan u gudbin dhismooyinkii kale.

 

Warar kale ayaa sheegaya in kooxaha weerarka soo qaaday ay diidan yihiin ciidamada la dejiyay bartamaha suuqa Bakaaraha kaasoo u muuqday mid saldhig nabadgelyo u noqonaya sida uu ganacsatada gobolka u sheegay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xili ay kula kulmeen xarunta Madaxtooyada.

 

Dhinaca kale Sarkaalka hoggaaminaya ciidamadan dhex degay suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Nuur Daqle ahna agaasimaha nabadgelyada gobolka Banaadir ayaa ah abaanduulihii jilibka u laabay xoogagii Maxaakiimta oo mudo bil ka badan ka durjin waayey deegaanka SII SII ee degmada Yaaqshiid kuwaasoo ku guul dareystay in ay durjiyaan kadibna isaga huleelay halkaasi oo xoogagii Maxaakiimta looga dilay saraakiil Ajnabi iyo Soomaali ah oo uu ka mid yahay wadaadka xagjirka ahaa ee loo yiqiin Gaal Dile kaasoo meydkiisa ku baaba’ay dhismihii Feynuus ee u dhow Hotel Lafweyn.

 

Ciidamo dheeraad ah oo lasoo buuxdhaafiyay saakay halkaa ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba albaabada loo laabo goobaha ganacsiga ee suuqaas gaar ahaan dhismooyinka waaweyn ee shirkaddaha xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta iyo goobo lagu tuhmayo iney ku go’doonsan yihiin dagaalyahano xalay ka qeybgalay dirirtii xalay halkaasi ka dhacday.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada Dowladda oo saakay waaberigii hareereeyay nawaaxiga suuqa Bakaaaraha

 

19. July 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo xoogan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii hareereeyay wadooyinka soo gala guud ahaan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho kadib markii xalay uu halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

 

Ciidamada dowladda ayaa amar ku bixiyay in gebi ahaanba albaabada loo laabo goobaha ganacsiga ee suuqaas gaar ahaan dhismooyinka waaweyn ee shirkaddaha xawaaladaha iyo kuwa Isgaarsiinta iyo goobo lagu tuhmayo iney ku go’doonsan yihiin dagaalyahano xalay ka qeybgalay dirirtii xalay halkaasi ka dhacday.

 

Ciidamada dowladda ayaa u fasaxay in ay goobahaasi ka soo baxaan haweenka iyo caruurta iyo dadka da’da ah oo kaliya, halka baaritaan adag la marsiinayo dhalinyarada oo qaarkood ay ku jiraan kuwo dowladdu sheegtay in la soo marin habaabiyay loona soo dhiibay bambooyinka gacanta laga tuuro kuwaasoo qaarkood la tuhmayo iney weli ku jiraan dhismooyin ku yaala suuqa Bakaaraha.

 

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa shalay amar cad ku bixiyay in la xero qeybtii sarifka lacagaha qalaad ee Suuqa Bakaaraha kadib markii shalay galab halkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday bam gacmeed oo sababay dhaawaca labo askari oo Boolis ah iyo Todobo qof oo rayid ah.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Nuur Daqle oo xalay mar kale jilibka u laabay kooxaha dagaalamaya

19. July 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa xalay ku soo baraaarugay daryanka madaafiic, qoryaha garabka laga rido qaraxa bambooyinka gacanta laga tuuro iyo rasaas aan kala joogsi laheyn oo xalay ka dhacay duleedka shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud iyo nawaaxigeeda ee Suuqa Bakaaraha.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka bilowday ciidamo ka tirsan dowladda oo uu horkacayey Agaasimaha Nabadgelyada ee gobolka Banaadir Nuur Daqle oo xarun ku leh bartamaha suuqa Bakaaraha oo lagu soo qaaday weerar gaadmo ah kaasoo ku fiday deegaano ay ka mid yihiin Isgoyska Howlwadaag iyo bartamaha suuqa Bakaaraha.

 

Dagaalkan oo socday mudo saacad ah ayaa sababay burbur hantiyadeed iyo dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray kooxihii dagaalamayey, iyadoo labo dhismo oo ku yaal suuqa Bakaaraha uu dab qabsaday balse aan u gudbin dhismooyinkii kale.

 

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili uu maanta dib la isugu soo laabanayey furitaanka shirka taasoo ay dadka ku macneeyeen mid ujeedadiisa ahaa in qal qal lagu geliyo shirka maanta dib ugu bilaabanaya Muqdisho.

 

Halka warar kale ay sheegayaan in kooxaha weerarka soo qaaday ay diidan yihiin ciidamada la dejiyay bartamaha suuqa Bakaaraha kaasoo u muuqday mid saldhig nabadgelyo u noqonaya sida uu ganacsatada gobolka u sheegay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf xili ay kula kulmeen xarunta Madaxtooyada.

 

Dhinaca kale Sarkaalka hoggaaminaya ciidamadan dhex degay suuqa Bakaaraha oo lagu magacaabo Nuur Daqle hana agaasimaha nabadgelyada gobolka Banaadir ayaa ah abaanduulihii jilibka u laabay xoogagii Maxaakiimta oo mudo bil ka badan ka durjin waayey deegaanka SII SII ee degmada Yaaqshiid kuwaasoo ku guul dareystay in ay durjiyaan kadibna isaga huleelay halkaasi oo xoogagii Maxaakiimta looga dilay saraakiil Ajnabi iyo Soomaali ah oo uu ka mid yahay wadaadka xagjirka ahaa ee loo yiqiin Gaal Dile kaasoo meydkiisa ku baaba’ay dhismihii Feynuus ee u dhow Hotel Lafweyn.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

AND I THOUGHT THE TFG CIIDAMO ARE FIGHTING EACH OTHER .......... WHY IS THIS BELOW NEWS BAL ??

 

 

__________________________________________

 

 

Mogadishu 19, July 07 ( Sh.M.Network)- Israsaaseyn ayaa gudaha suuqa Bakaaraha ku dhex martay ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah oo isku maan dhaafay sida la sheegay howl-gallo ay halkaasi ka wadeen.

 

Ciidamada israsaaseynta ku dhex martay galabta suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay ku labisnaayeen dareeska Militariga ee tuutaha iyo dharka cagaaran sida ay shabelle u sheegeen dad gooboogayaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this