Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaybo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka oo loo Qaybiyay Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaybo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka oo loo Qaybiyay Wakiillada
IMG-20230903-WA0010.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii golaha wakiillada Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa markii uu goluhu koram la’aan u furmi waayay waxa uu guddoomiyuhu xoghaymaha ka codsaday in loo qaybiyo Mashruuca Qabyo qoraalka ciidanka Qaranka JSL.

Mashruuca Qabyo Qoraalka Xeerka Ciidanka Qaranka JSL, ayay gacanta ku haysay gudidda gaarka ah ee goluhu u igmaday aas-aaska Mashruuc sharciga Ciidanka Qaranka iyo garsoorka ciidamada JSL.

Guddoomiyaha ayaa markii loo qaybiyay xildhibaanada faray inay soo akhriyaan, waxaanu xusay in aan loo joojinayn cid maqan.

Waxaanu yidhi.“Xeer waxa jiray maanta la idiin akhriyilahaa, waa xeerkii ciidamada, xeerkaasi madama la maqan yahay waxaan gartay in la idiin qaybiyo intiina joogta, oo aad soo akhrisataan, oo aan lala sugin nin maqan,”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this