Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xasuuqa shirqoolsan ee ciidamada

Recommended Posts

And the latest shirqool from today:

Dagaal culus oo ka socda Daaru-Nicma iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka qarxay deegaanka Daaru-Nicma oo hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyo dowladda iyo Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka oo ah mid xoogan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Sidoo kale waxaa deegaanka laga maqlay jugto qaraxyo xoogan oo ay Al-Shabaab u adeegsadeen weerarka culus ee ay ku qaadeen deegaanka Daaru-Nicma.

Al-Shabaab waxa ay durbo guullo ka sheegatay dagaalkaasi, ayada oo shaacisay inay cagta marisay saldhigyada ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda, ayna la wareegtay deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Daaru-Nicma ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo horay looga qabsaday kooxda Al-Shabaab, waxayna aheyd maalmo kahor markii uu taliyaha ciidamad Xoogga dalka uu min hal darajo dalacsiiyay dhammaan askarta difaaca adag kaga jirta gudaha deegaankaasi.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirqoolkii ayuuba ka soo guuray Xasan Socdaal. Will he learn his lesson and start sacking Mahad Qalaaye, wasiir Tiktok and taliyaha ciidamada, who all have zero military training?

Xasan oo kasoo guuray Dhuusamareeb kadib markii ay hagradeen reer Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad shalay tagay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, tan iyo markii uu dib u billowday dagaalka lagula jiro argagixisada.

Sida ay sheegtay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, “sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.”

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo guuray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib muddo Bil ah oo uu ku sugnaa.

Xogta Caasimada Online ayaa intaas ku dareysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeradii uu ka rabay ka heli waayey beelaha ugu waa weyn Galmudug, marka laga reebo beesha uu kasoo jeedo ee ****.

Beelaha Galmudug ayaa soo bandhigay ciidamo fara badan oo dagaal diyaar u ah, balse laguma arag aaggaga dagaalka, taasoo keenay su’aalo badan oo ka dhashay sii joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa u muuqda dagaal kusoo koobmay kaliya beelaha *** iyo ***, kuwaas oo markii hore kooxda ka xoreeyey inta badan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, haddana ay u muuqato in ayaga un laga sugayo inay kooxda ciribtiraan.

Kumanaan ciidan oo lagu soo bandhigay Galmudug ayaa illaa iyo hadda u dhaqaaqi la’ inay wajahaan kooxda, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu dareemayo hagrasho.

Hagrashada reer Galmudug ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa horey si dadban ugu sheegay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo khudbad uu ka jeediyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan kusoo geba-geboobay Dhuusomareeb.

Axmed Madoobe ayaa gaabis ku tilmaamay sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu uga socdo deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in sida looga hadlayo dagaalka iyo ficilku aanu isku dhigmin marka la eego sida wax u socdaan. Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aanu fileyn in dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Galmudug uu qaadanayo muddada uu hadda socdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa la xiray

Taliyihii ururka 7-aad 
Taliyihii Ururka 9-aad 
iyo Taliyihii Ururka 10-aad

Dhammaan Taliye Ururrada la xiray waxay ka
tirsanyihiin Guutada 18-aad ee Gorgor oo ah
guuto dalka dhiiggeeda u shubtay.

Caawa waxaa si rasmi ah u billowday iska-
hirkeenidda Madaxweynaha iyo ciidamadda.

Dhowr arrimood oo cajiib ah ayaa is waydiin
mudan waxay sababi doonaan in Khawaarija
ay Xamar soo gaaraan.

1. Soo Madaxweynaha dalka ma aheyn ninkii
habeen hore Twitter space-ka shacabka
Soomaaliyeed uga sheegay in ciidanka lauu
nasiino u dirayo, waliba uu abaal marin
siinayo?

2. Maxaa keenay in ciidanka Milatari ah lagu xiro xarunta sirdoonka?

3. Sidee saraakiil dalka dhiiggooda u soo huray loogu quuray in Alshabaab lala xiro?

4. Haddii uu cadowgu xabsiga ku dhex dilo yaa masuuliyad darradaas qaadaya?

5. Tan ugu daran uguna muhiimsan ayaa ah;
Aaway masuuliyiinta dhammaan la isla qoray
ih ay ciidanka qayaameen oo xataa Madaxweynuhu qoray?

6. Haddii ay tan dhacday sidee danbe oo ay
madaxweynaha suacabkiisu ku
rumeeysanayaan wixii danbe ee uu u sheego?

Madaxweynaha fashilin ayaa ku socota
Gorgorna-na ciribtir ayaa ku socda labaduba
waa dhibane.

Yeey aheyd in Madaxweynuhu caawa la
xisaabtamo?

- Cali Yare Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir Tiktok inay ku ciil baxaan ayee rabaan kuwa la fashilmay. Iyaga dhan ayaa wada fashil ah, from Xasan himself to Mahad Qalaaye to kan uu ciidamada madax ugu dhigay. Do you know kan Jen. Odowaa lagu badalay, aanan qibrad ciidan lahayn, in mishaarka ciidamada ka jarto bishii. Plus wuxuu xoog ku qaatay qanadaraaskii shidaalka iyo cuntada ciidamada and promptly cut it, pocketing what was saved.

Xasan Socdaal can't change wasiirka Tiktok, refer to this clip below. Nin Imaaraadka jeebkooda galay waaye.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
10 hours ago, maakhiri1 said:

MMA,

All the fingers pointing to the  defene minister? and president's tribe

 

 

Waare and tolkiisa also want jagada wasiirka gaashaandhigga, which is not possible. For one wasiir ayee heystaan. Secondly, if wasiirka gaashaandhigga laga qaado ninka Reer Koonfur Galbeed, xataa yuunan waxba u qabaninee, ku matalo oo qof xaga ka soo jeedo lagu badalin, then wasiirada maaliyada, arrimaha dibadda ama wasiirka arrimaha gudaha midkood la siiyo noqonee. These wasaarado are called A1 oo 4.5 xumaa ku dhisan. Tolka wasaaradahaan heysto laga qaado ma yeelayaan? Meesha 4.5 qaabka darnaa waaye sheekada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.