Sign in to follow this  
me

Qabyaaladaynta Muqaawamadda Qiil Ma Leedahay?

Recommended Posts

me   

www.goobjoog.net

 

23-03-2007

Qabyaaladaynta Muqaawamadda Qiil Ma Leedahay?

 

 

Kadib markii ay ciidanka Gumaysiga Tigreega ay ka itaal roonaadeen xoogagii Maxkamadaha Islaamiga ah gacantana ku dhigeen caasimadii qaranka Soomaaliya soona dejiyeen Soomaalidii sida rakhiiska ah ugu shaqaysa , ayaa wax yar kadib waxaa soo ifbaxay

 

iskacaabin xoogan oo ay ciidanka Gumaysigu kala kulmeen dadwaynaha Soomaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan. Hogaanka Muqaawamadan waxaa markii hore gacanta ku hayey Maxkamadaha Islaamiga ah oo iyagu ka duulaya aragti diineed kuwaasoo iyaga laftoodu lahaa itijaahyo kala duwan. Maalmihii lasoo dhafay arrinku sidaa waa ka duwanaa, waxaa soo ifbaxay iskooxaysi kale oo qaab beeleed ku dhisan iyadoo ay jirto in hogaamiye kooxeedkiina uu dib u soo noolaaday.

 

 

 

Halkudhig Beelaha ****** ayaa mar qura soo ifbaxday, kuwaasoo ashtako ka ah maamulka C/laahi Yuusuf oo ay u arkaan inuu yahay nin qabyaaladi madaxmartay oo aargoosi iyo sadbursi qabiileed ka duulaya. Tani waxay meesha ka saaraysaa awoodii dibad iyo gudaba qaabka Wadaninimo iyo Diineed u taageersanayd la dagalaanka Gumaysiga Tigreega oo arrinku wuxuu usii ekaanayaa qabiil la loolamaya qabiil kale, taasoo ah sidii uu C/laahi Yuusuf iyo Gumaystuhu doonayeen. C/laahi wuxuu arrinkan ku helayaa Taageero beeleed isagoo ku doodi doona waxa la igu diidanyahay Xabashidda aan soo hogaamiyey oo dalkii ku qabsaday maahee waa qabiil dartii. Mana jiri doonto cid xamaas iyo xiiso badan u hayn doonta mashruuc ****** ku dhisan. Danta C/laahi iyo kuwa la socdaa waa qaybinta qabiiladda si cumrigoodu usii jiro. Tigreegu waxay doonayaan in qabaa'isha Soomaalidu usoo kala dacwoodaan oo ay iyaga garsoore dhexdhexaad ah oo caadil ah u noqdaan. Tani waxay hirgelinaysaa himiladuu Gumaysiga.

 

 

Dhinaca kale, Sh. Xassan Daahir warsigii uu maalin dhowayd BBCda siiyey, taa ka horna uu Aadan Xaashi Cayroow cajalad soo duubay, waxay cabsi gelisay qolyaha kasasa Islaamiyiinta dagaalyahanka ah ama Jihaadiyiinta loo yaqaan. Si hadii loo eego hadaladda Sh. Xassan iyo Cayrow waxay marmarsiiyo u yihiin Itoobiyanka oo ku doodaya in weli xoogagii Islaamiyiinta ay jiraan qandaraaskoodana uu lagama maarmaan yahay inuu sii socdo, laakiin hadii waxa lagu dagaalgelayo uu magac ****** yahay Itoobiyaanku wax marmarsiyo ah ma helayaan ay meesha kusii joogaan. Waxaana meesha ka baxaya mashruucii iyo qandaraaskii argagexiso la dirirka ee Itoobiynka iyo C/laahi Yuusuf taageeradda uga helayeen Maraykanka iyo wixii la halmaalla. Waxaan oganahay waxa loo Taageerayo Maamulka Mbgathi iyo Xabashida dhabarka ku sida in ay tahay suulinta Maxkamadihii iyo Xoogeedii, ee ma ahan waxa lagu Taageerayo dhismaha Qaran Soomaaliyeed.

 

 

 

Hadiise Islaamiyiintu arrinka gaarka ka hayaan wuxuu Muqaawamadda u suuraynaa mid Qaran iyo Diin oo qabiil ka fog, wuxuu ka dhigayaa Mashruuc Soomaalidu wada leedahay oo ay u wada hawlgalaan, heeryadda gumaysigana isaga tuuraan.

 

 

 

Sh. Ibnu Tiimiya ayaa laga sheegay Caaqilku waa ruuxa kala garta Khayrka iyo Sharta, laakiin Xakiimku waa ruuxii kala garta labo shar koodii dhibyar. Hadaba Islaamiyiinta iyo dadka wadiniyiinta ah waxaa laga rabaa sidii ay Muqaawamadu mid qaran u ahaan lahayd islamarkaana qabaa'isha looga faa'daysan lahaa iyadoon lagu dhicin godkii cadawgu uu doonayey oo ah qaybiyoo xukun.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this