Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuhada Sadaqat oo sidoo kale loo yaqaanno Sinéad O’Connor oo Muslintay ayaa geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shuhada Sadaqat oo sidoo kale loo yaqaanno Sinéad O’Connor waa fanaanad u dhalatay Ireland oo horraantii sagaashameeyadii abaal weyn u gashay Soomaalida markii uu dalku burburay.

Sinead oo la hadlaysay saxaafadda Maraykanka waxay sheegtay in ka dib markii ay aragtay codsiga Laanqayrta cas ay ku doonayso lacag lagu gargaaro dadka macaluushu ku hayso Soomaaliya in ay go’aansatay in ay iibiso guri ay lahayd si loogu caawiyo Soomaalida dhibaataysan.

Guriga oo ku yaallay Hollywood wuxuu ka koobnaa 5 qol iyo barkad lagu dabaasho, waxaana la soo dhigay xaraash ka socday hotelka Savoy ee London, ayadoo markaas lagu qiimeeyey $750,000.

Shalay ayey ku geeriyootay magaalada Dublin ayadoo 56 jir ah.

Hadal ay qoyskeedu soo saareen ayey ku sheegeen “waxaan aad uga tiirsaanyeysannahay in aan idiin sheegno geeerida Sinéad, waxaana reerkeeda iyo saaxiibadeed oo murugoonaya ay codsanayaan gooni ahaansho wakhtigan adag”.

Ashahaadada ilaa 38 abaal marin ayy fanka ku heshay

Qoraalka sawirka,
Ashahaadada ilaa 38 abaal marin ayy fanka ku heshay

Fankeeda
Waxaa aad loogu xusuustaa heesteeda Nothing Compares 2 U ee la soo saaray 1990, taasoo lambarka 1aad gashay sannadkaas, ayna aad ugu soo caan baxday.

Waxay ku dhalatay xaafadda Glenageary ee magaalada Dublin bishii Disembar 1966, waxaana la siiyey magaca ah Sinead Marie Bernadette O’Connor.

Xilli adag oo carruurnimo ayey soo martay. Markii ay soo hana qaadday waxaa la geeyey xarun markii hore loogu tala galay in gabdhaha lagu ciqaabo, markii dambase laga dhigay xarun tababar.

Haweenkii soorooyinka ahaa ee xaruntaas mid ka mid ah ayaa u keentay Gitaar, halkaa ayeyna ka billowday muusigga iyo heesaha.

Albumkeedii ugu horreeyey ee The lion and The Cobra ee so baxay 1987 wuxuu ka mid noqday afartanka album ee ugu sarreeya UK iyo Maraykanka.

Heesaha kale ee ay qaadday waxaa ka mid ah I Do Not Want What I Haven’t Got (1990), Am I Not Your Girl? (1992), Universal Mother (1994), Faith and Courage (2000), Sean-Nós Nua (2002), Throw Down Your Arms (2005), Theology (2007), How About I Be Me (and You Be You) (2012), I’m Not Bossy, I’m the Boss (2014). Waxay ku guulaysatay ilaa 38 abaalmarin.

Diinta Islaamka
O’Connor waxay 2018 qaadatay diinta islaamka waxayna ku tilmaantay “gunaanadaka dabiiciga ah ee safarka qof kasta oo ah diin-yaqaan caqli leh”.

Munaasabaddii ay ku soo islaantay waxaa ashahaadada u laqimay Sheekh Cumar Al-Qadri, magaceedana waxay u beddeshay Shuhada Davitt

Farriin ay Twitter soo dhigtay ayey ku sheegtay inay asxaabteeda Muslimiinta ah uga mahad celinayso taageerada ay u muujiyeen, waxaana Youtube la soo dhigay ayadoo addimaysa. Sawirkeeda ayey ku beddeshay mid ay xijaaban tahay.

Markii ay qaadatay diinta islaamka ayaa Nofember 2018 waxay ku tilmaantay dadka aan muslinka ahayn kuwo “laga yaqyaqsoodo”. Waxaa kale oo ay hadallo xanaf leh ka qortay dadka haysta diimaha masiixiga iyo Yuhuudda.

Sebtember 2019 ayey raalli gelin ka bixisay hadalladeedaas.

Sidee looga tacsiyeeyey
Dadka ka tacsiyeeyey geerideeda waxaa ka mid ah ra’iisul wasaaraha Ireland Leo Varadkar oo sheegay in muusigeeda “laga jeclaa dunidoo dhan, kartideedana ay ahayd mid aysan jirin cid la barbardhigo”.

Conor McGregor oo cayaara legdan-feerka wuxuu isna yiri “dunidu waxay weyday fanaanad leh col malaa’ig”.

Dadka kale ee oo tacsiyeeyey waxaa ka mid ah Bryan Adams, fanaanka qaada heesaha Rapka Ice-T iyo Ra’iisul wasaaraha Scotland Humza Yousaf. Laakin ilaa hadda ma jiro qof Soomaali ah oo ka tacsiyeeyey geerida gabadhaas abaalka u gashay Soomaalidii dhibaataysnayd xilligii sagaashameeyadii.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this