Sign in to follow this  
Che -Guevara

War deg deg ah: Qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Boosaaso(AllPuntland)- Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ay qaraxyo waa weyn ka dhaceen gudaha Magaalada Boosaaso ,gaar ahaan goob aan waxba ka fogeyn dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso.

Warka ayaa sheegaya in ay qaraxyadaasi ahaayeen Labo qarax waxa ayna sababeen Dhimasho iyo dhawaac lixaad leh ,waxa ayna sheegayaan Warar hordhac ah in Cusbitaalka Magaalada la geeyey dad kala duwan ooqaba dhawaacyo Soo kala gaaray.

Qaraxyadan ayaa ahaa kuwa siweyn looga dareemay magaalada Boosaaso ,waxa ayna cabsi ku beereen dhamaanba dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso oo hada aan waxba sheegi karin.

Ciidamada amaanka dowlada Puntland ayaa bilaabay baaritaano ay wadaan oo ay ka wadaan goobihii ay ka dhacday Qaraxyadan ayagoo sidoo kale xirey dhamaanba wadooyinka soo gala Xarumaha dowlada Puntland waxa ayna Ilaalo xoog leh ka hayaan Dekeda weyn ee Magaalada Boosaaso.

Maamulka gobalka ,Kan degmada iyo Madaxda Puntland ee jooga Boosaaaso ayaa ka gaabsanaya in ay ka hadlaan arimahan qaraxyadan waxa ayna Telfoonadoodu yihiin kuwa ah BUSY ama Mashquul.

Faahfaahinta kala soco AllPuntland.com

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Is rasaaseyn sababtey dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday deegaano hoosyimaada gobalka Mudug.

5. februar 2008

Gaalkacyo(AllPuntland)- Is Rasaaseyn sababtey dhimasho & Dhawaac ayaa ka dhacday deegaano Hoosyimaada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ,ka dib markii ay Is rasaaseyntaasi dhacday habeenkii xalay ahaa ayadoo ay socota ilaa hada.

Iska horimaadkan ayaa udhaxeeya Maleeshiyo hubeysan oo ka bilowday Muran xoog leh oo ka dhashay Baabuur iyo waxyaabo kale sida ay sheegayaan Warar Madax banaan.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka Xira-Jaale oo ay ka dhacayaan Iska horimaadyadu ayaa sheegaya in ay dhinteen 3 Qof ,ayna dhawaacmeen dad fara badan oo dhamaantood ah Kooxaha dagaaladu udhaxeeyaan.

Warar Madax banaan ayaa sheegaya in ay hada socdaan Israsaaseyn xoog leh oo dhexmareysa dhinacyadan ,waxaana socota sidoo kale Isku hub Urursi xoog leh oo dhinacyadu ay sameynayaan.

Maamulka gobalka Mudug iyo Xubno ka mid ah golaha wasiirada ayaa ka baxay Magaalada Gaalkacyo ayagoo ay waheliyaan ciidamo ka tirsan dowlad gobaleedka Puntland ,waxa ayna doonayaan in ay kala dhexgalaan dhinacyadan kala duwan.

Lama hayo warar Madax banaan oo xaqiijinaya dagaaladan sida ay usocdaan iyo dhaawaca oo aan wali xaqiiqo laga aheyn ,balse Cusbitaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyey Dhaawacyo kala duwan.

Wixii kasoo kordha kala soco AllPuntland.com haddii ALLE idmo

Dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay Boosaaso

5 Feb 5, 2008 - 12:11:17 PM

Ugu yaraan labo qarax oo si wayn looga maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi ee Dowlad-Goboleedka Puntland (DGPL) ayaa caawa dad badan ku dhinteen.

Warar madaxbanaan ayaa xaqiiyay in ugu yaraan 13 ruux ku nafwaayeen qaraxyadii caawa [habeenimo Talaado] ka dhacay magaalada Boosaaso, gaar ahaan agagaarka dekeda weyn.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in 90 iyo dhowr qofood ay ku dhaawacmeen qaraxyadii caawa ka dhacay Boosaaso.

Duqa Magaalada Boosaaso Cabdirisaq Xareed Ismaaciil ayaa ugu baaqay dhamaan kalkaaliyaasha caafimaadka inay u soo gargaaraan dadka dhaawaca ah oo lagu daaweynaayo isbilaalada magaalada.

Lama oga cida sida rasmiga ah uga danbeysa qaraxyadaan laakin waa qaraxii sadaxaad oo gilgiliyay magaalada Boosaaso labadii bil ee ugu danbaysay.

Boosaaso iyo guud ahaan degaanada DGPL ayaan looga baran qaraxyo sida daran dadka ugu dhintaan, kuwaasoo saamayn wayn ku yeeshay nolosha caadiga ee Muqdisho oo ah caasimadda Somalia.

Wixii soo kordhaa kala soco Garowe Online

Garowe Online, Boosaaso

NASSIR   

Allaha ha u wada naxariisto kuligood

Faah Faahin Qaraxii caawa ka dhacay Dekeda Magaalada Bosaaso

Bosaaos:- Qaraxan caawa ka dhacay Dekeda Bosaaso ayaa waxa ka soo baxaya warar is khilaafsan kuwaasi oo qaarkood ay sheegayaan inay dadka weerarka soo qaaday ay ahaayeen kuwa diidan Siyaasada Maamulka Puntland, halka kuwa kale ay daaha ka qaadaayaan inay weerarkaasi lug wayn ku leeyihiin dad xidhiidh dhaw la leh Kooxaha Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa ka dhacay irada hore ee Dekeda Magaalada Bosaaso, waxana uu ahaa mid si wayn loo soo agaasimay kaasi oo dhacay laba jeer oo si xiga, dhamaan Ciidamada ilaala ka ah Dekeda Bosaaso ayaa markiiba galay difaac xoogan kuwaasi oo rasaas teel teela riday.

Wararkii ugu danbeeyay oo aanu ka helayno Goobaha Caafimadka ee Magaalada Bosaaso ayaa waxay noo xaqiijiyeen in la soo gaadhsiiyay ilaa 50-Ruux oo dhawaac iyo Dhimasha isugu jira, dhakhaatiirta ayaa ka cudurdaartay inaan iminka la kala sooci karin dadka maydka ah iyo dhawaaca maadaama ilaa haatan dadka la soo daad guraynayo.

Ilaa iyo haatan ayaa waxa dhacaysa rasaasta waxana ay dadku hor tuman yihiin Goobaha Caafimaadka si ay xog dhab ah uga ogaadaan arintaasi caawa dhacday, Boolis fara badan ayaa la qubay wadooyinka u gudba Dekeda Bosaaso iyo waliba Saldhiga dhexe kuwaasi oo sugaya amaanka Goobahaasi.

Maamulka Gobolka oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay inay wali wadaan badhitaano xoogan oo lagu soo afmeerayo dadkii falkaasi ka danbeeyay, Gudoomiyahha Gobolka ayaa waxa kale oo uu sheegay inay san jirin ilaa haatan cid ay qabteen oo arintaasi lug ku leh.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiqa iyo Uura madaw oo cirka isku shereertay goortii uu falkaasi dhacay, waxa jira dadka wax ku noqday qaraxasi inay ka mid yihiin dad Ganacsato ah oo goobahaasi ku aga dhawaa.

Dhamaan Isu socodka Gaadiidka iyo dad waynaha ayaa si taagay Gudaha Magaalada Bosaaso iyada oo goobihiin Ganacsi ee markaasi furaa alaabka laysugu dhuftay si aanay u dhicin Boob iyo Fooda horle.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili uu Maanta Magaalada Bosaaso ka dhoofay Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse kaasi oo la sheegay inuu u sadcaalay dhanka Dalka Itoobiya.

Waa qaraxii sadexaad ee ka dhaca magaalada Bosaaso iyada oo ay ka horooyeen Laba qarax oo kale oo ay dad wax ku noqdeen, Reer Bosaaso oo aan dhegahoodu qarax u baran ayaa arintaasi walaac xoogan ka muujiyay.

-LaasqorayNet

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this