Sign in to follow this  
Garaad Bari

Garaad Jamac garaadka garaada DH oo si diiran loogu soo dhoweyey Hol Hol +picz

Recommended Posts

Waxaa maalinimadii shalay ka ambabaxay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah madax dhaqameed gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC).

Garaadka, ayaa u kicitimay Deegaanka Hol Hol oo ka tirsan Degmada Taleex ee gobolka Sool, halkaas oo lagu wado in ka qabsoomo shir wadatashi oo ay yeelan doonaan dhammaanba Madax-Dhaqameedka Gobolada SSC ee Somalia .

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa ah garaadka fidiyay gogosha shirka Hol Hol ee ay martida u yihiin dhammaanba madax dhaqameedka Gobaladaasi saddexda ah, iyadoo Garaadka si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hol Hol dad wayne aad ufara badan kuwaasi oo qiyaastii meel ujirta magaalada hal kiiloomitir (1km) kaga hor tagay iyagoo wata baabuur iyo fardo waxaana garaadka loo galbiyay hoygii loo diyaariyay isaga iyo madaxda kale ee imaanaysaba .

Waxaa la filayaa dhammaanba madax dhaqameedka gobolada SSC, inay maanta soogaaraan Magaalada Hol Hol halkaas oo baryahanba ay ka socotay diyaar Garoow aad ubalaaran oo ah sidii uu uqabsoomi lahaa shirkani.

Waxaa la filayaa in shirkan la isku sooqaado xaaladaha cakiran ee gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo sidii looga gudbilahaaba. Hadal haynta ugu badan ee guud ahaanba gudaha iyo dibada dadka gobolada SSC, ayaa ah shirka Hol Hol iyo waxa laga filan karo .

Waxaa soo badanaya baaq yada ay jaaliyadaha SSC usoo dirayaan shirka Hol Hol iyo taageeridiisaba, waxaa iyana sidoo kale baaq soo saaray ururka NSUM SOMALIA kaas oo ugu baaqay madax dhaqameedka inay shirka kasoo saaraan go’aamo la fulin karo laguna midoobi karo islamarahaantaana isimadu ay ku mideeyaan fikirkooda isku meelna ka duulaana islana jaan qaadaan.

Ma ahan markii ugu horaysay oo madax dhaqameedka SSC, shir isugu yimaadaan waxaana jirtay in marar badan lagu qabtay magaalada boocame shirar kan la mid balse waxaa jirta in manta cid kastaba ay indhaha ku hayso oo uu dadwaynaha deegaanadan uga duwan yahay dhammaanba shirarkii hore lasoo qabtay.

Sourse

display_page.php?articleid=3819

Share this post

Link to post
Share on other sites
Liibaan   

garaado.jpg

Shirkii Hoh-Hol Oo Saacadaha soo socdo Furmaya Hadii Alle idmo

NewsWararka nooga imanaya Hol-Hol ayaa noo xaqiijiyay in dhamaan Isimada SSC ay saaka goor hore ka soo Jarmaadeen magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland. waxaana ay soo gaadheen deegaanka Holhol ee shirka gogoshiisu taalo.

Isimadu waxay saaka goor hore ka soo Jarmaadeen magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland. waxaana ay soo gaadheen deegaanka Holhol ee shirka gogoshiisu taalo.

Waxaa halkaas hore ugu sii sugnaa Garaadka Gogosha fidiyey oo ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, dadweynaha reer hol holeed aya asi weyn u so dhaweyey Isimada. aygoo hore u sii raacay Garaad Jaamac oo Isimada kaga hortegy meel hal KM u jirta magaalada.

Isha ku hay widh-widh online

--

Isimadii Ku Sugnaa Garoowe Oo Saaka U Ambabaxay Holhol-

Garoowe,(Lasanod Online)- Waxaa saaka ka ambabaxay magaalada Garoowe dhamaan Isimadii reer SSC, iyagoo kusii jeeda madasha shirka Isimada ee magaalada Holhol..

Si ay uga qayb galaan shirka Isimada ee uu gogosha dhigay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Isimada oo maalmahan la sugayey inay yimaadaan magaalda Holhol, ayaa saaka iyagoo wata kolanyo gaadiid ah si wada jir ah uga baxay magaalada Garoowe.

Wariyaha Shabakadda LASANOD u jooga madasha shirka oo aanu khadka telfeoonka kula xidhiinay, ayaa noo sheegay in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ay weheliyaan Cuqaal, Odayaasha magaalada iyo dadweyne tiro badani kasoo baxeen Magaalda Holhol, oo hadda joogaan duleedka magaalada si ay usoo dhoweeyaan Isimada.

Shirka Isimada ayaa la filayaa inuu si toos ah u furmo maanta gelinka danbe markay Isimadu soo wada gaadhaan Madasha Shirka saacadaha soo socda.

Shabakada LASANOD waxay hadii Allah idmo dhowaan idiinsoo tebin doontaa soo dhoweynta isimada oo maqal iyo muuqaal ah.

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this