Sign in to follow this  
Kamaavi

Handing over of Ms. Bishaaro to Ethiopia Shamful

Recommended Posts

Kamaavi   

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Allaa mahad leh nabadgelyo & Naxariisi Nabigeenii Muxamed korkiisa ha ahaato.

mwuwpj.jpg

Dalkii soomaaliya la oran jiray maalin walba dhacdo cusub iyo war dhagahaaga ku culus ayaa kaa soo gaaraya. Dhacdooyinka halkaa nooga imaanayana intooda badan waa kuwo damiirkaaga aad u saameynaya oo dadka qaarkii waxaaba laga yaabaa in ay xanuun ka qaadaan. Aragnay dad la dilayo, kuwo la dhacayo, kuwo la kufsaday, kuwo badda lagu shubay, kuwo la jirdilay, kuwo xubnaha la jaray, kuwo cadow loo dhiibay, IWM.

Markaan dilka tusaale u soo qaadanno, mar xalado kala duwan ayuu soo maray. qaar baa xabbad lagu dilay, qaar qalab kale ayaa loo adeegsaday in nafta looga gooyo, qaar baa silicdilyo u dhintay, qaarna dacdarro iyo gaajo ayay u dhinteen. Maanta arrin dilka aan waxba dhaamin haddeysan ka darneyn, oo hana dhiman hana noolaan ah ayaa nagu soo noqnoqoneysa waana tan aan maqalkeena kaga hadli doonno.

Qof baa laga sheegay indhihii dhiman waaya geel dhalaaya waa ku tusaan. waayadii ugu dambeysay maamulada Somali-land & Puntland, waxaa aad looga war hayay dad u dhashay Somali-galbeed ama sida dadka badankii u yaqaanaan ******iya in loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo aan ognahay heerka cadaawadeed ee naga dhaxeysa inta ay gaarsiisan tahay.

Maamuladan waxay si aan qarsoodi aheyn u gudbiyeen dad shacab ah oo aan la xaqiijin in ay wax dambi ah galeen iyo in kale. Dadkaa iyaga ah qaar waxaa si toos ah loogu dilay gudaha gobolada ay sheegtaan in ay maamulaan ciddii doonta ha dishee, qaarna iyagaaba naftooda labaxsaday markii ammaankoodu shaki galay, kuwo kale weli waxay ku sugan yihiin isla goboladaas, xaalkoodana Allaa og.

Shalay Odayaal ayaa Cadow loo gudbin jiray, maantase waxaa noo cusub Dumar , Berri waxa xiga cid walbaa waa garan kartaa oo waa Ubadka soo koraya. Waana meeshii ugu dambeysay ee qof damiir-laawe ahi gaaro. waxaase iiga sii daran in shakhsina xitaa hal qof oo maamulka arrintaa sameeyay ee Somali-land uu ka hadli waayo. Waa wax dhaqanka Islaamka, kan xuquuqul insaanka & kan baniaadanimada ku xun.

U gacan gelinta dadkan masaakiinta ah cadawga soomaaliya, ayaa maamuladani ku macneeyaan in ay tahay sugid xagga ammaanka ah. Waa sax in ammaanka meelaha aad ka taliso sugto, laakiin ammaanka u baahan in la sugo ma kan qaraxyada, dilalka & weerarada meelaha kale kaaga imaanaya baa? Mise in odayaal, dhalinyaro iyo weliba haween la dhiibo? Waa su’aal dad badan oo aan anigu ku jiro weli jawaabteeda aan la’nahay.

Dadka qaarbaa ku dooda in ay sax tahay in qofka loo gudbin karo dowlado kale haddii xagga amniga looga shakiyo, inkastoo aanan garaneyn halka ay qawaaniintaas ka soo daliishadeen , laga yaabe in ay maqleen hey’ad INTERPOL layiraado ayaa sidaa sameysa . Ma is weydiisay ; cid inta dambi adiga kaa gashay oo laguu soo gudbiyay weligaa ma aragtay? Ka soo tag taas, haddiiba aad dooneyso in la ciqaabo qofkaas, taasaad fahmi kartaaye, maxaa kuu diiday in aad adiga (YOU) sameyso? Sow taad maamulka aheyd?

Weli shaahid ma la yiri caalamka dowlad qof dumar ah dowlad kale u gudbineysa waxa soo gaari doona aan la garaneyn sifaday doonto ha wadatee? Maxaase diiday in Dumar la dhiibo? Wey iska caddahay qofka dumarka ah waa qof ka jilicsan Ragga marka loo eego xagga awoodda iyo adkeysiga. Waxay sidoo kale khatar u tahay in la faraxumeeyo. Qalbigooda oo jilicsanna waxaa ku dhici kara dhaawacyo xagga maskaxda ah. Waxaaba laga yaabaa in waqtigaa la xirayo ay hooyo tahay oo ilmo caloosha ku sido amaba caruur korsaneyso.

Masuuliyiinta labadan maamul intooda badan waxay soo mareen qurbaha, khaasatan waddamada reer galbeedka, waxay la socdaan in qof Dumar ah dhibaato loo horseedo iska daaye in aanan xitaa si xun loo fiirin karin, diinteenna muqaddaska ahna iskaba daa heerka ay dumarka gaarsiisay cid walbaa waa ka dharagsan tahay. Waxay sidoo kale dadkaasi ogyihiin rag & dumar qofkuu doono ha ahaadee,hadduusan dambi markaa faraha kula jirin, ay khalad tahay in la qabto iska daa in dowlad kale loo gudbiyee. Haddiise la qabto isagoo dambi faraha kula jira waxaa sugan in waddankaa uu dambiga ka galay sharcigiisa la mariyo. Iyagoo sidaa wax ula socda ayay Haddana sidan sameynayaan, waa ayaan darro weyn iyo mid ka mid ah musiibooyinka na heysta haddaan soomaali nahay.

Aragnay meesha aan mareyno, waxaan sidoo kale ognahay in dadkii shacabka ahaa ee ay dadkani martida u ahaayeen, xooggana loo sheegtay markii lala baxayay inaan weli laga qancin arrintaa. Magac xumadu maalin bay baxdaa, garannay waxaan ku muteysannay laakiin weli ma garan sababta aan isaga meyri la’nahay. Waxyaabaha qaarkoodna geeridaa dhaanta, sow ma habboonna in wixii karaankaa ah aad arrinkan oo kale ka dhiidhiso mise cabsida iyagaba(kuwa madaxda sheeganaya) ku jirta ee Itoobiya ka heysata ayaa adna ku heysa?

Waxaan ku soo gabagabeynayaa cidna lama reebine Ilaahoow ubadkooda badbaadi.

Wabillaahi Towfiiq

Share this post

Link to post
Share on other sites
The Zack   

Dajiye bas dee sxb don't over kill the thing aggah! What do u think u can accomplish by keep posting this same topic on SOL?

U might as well go back home and kill couple of riyaale's militia when they come to jig jiga for qaad ehe.

Maamulka Hargaysa wuxuu sannado badan ku dadaalayay sidii uu nac iyo karaahiyo uga dhex abuuri lahaa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Woqooyiga Soomaaliya iyo dadka kale ee soomaalida ah, wuxuuna mar kasta isku dayaa inuu colaad iyo nacayb ka dhex abuuro qabiilka uu matalo iyo soomaalida inteeda kale, taasoo ah siyaasadda kaliya ee uu xukunkiisa ku sii haysan karo, wuxuuna door-biday inuu hoos gelo cadowga soomaaliyeed, si uu danihiisa gaarka ah u gaadho.

Hase yeeshee waxaa muuqata in cimriga taliskaasi uu gabaabsi yahay, isla markaana ayna bulshada soomaaliyeed mar denbe u dulqaadanaynin xadgudbyada uu u gaysto. Dadka soomaalida Ogadeenya, oo dhibaatada ugu badan ay tilsakaas ka soo gaadho, waxay hadda diyaar u yihiin inay taliskaas u dhaamiyaan dhiisha colaadda ahee muddada dheer uu la wareegayay, waxayna hubaan in oohintu ay isaga ku denbayn doonto, isla markaana uu dhami doono dekanada uu dhitaystay!

Originally posted by The Zack:

Dajiye bas dee sxb don't over kill the thing aggah! What do u think u accomplish by keep posting this same topic on SOL?

U might as well go back home and kill couple of riyaale's militia when the come to jig jiga for qaad ehe.

Zack, Riyale prolonged his rule by handing over innocent O citizens to the Ethiopian authorities. If people of Hargaysa failed to be ashamed of Riyale for this immoral deed, would be raised this topic many more times.

This time some one has to speak about the shame, danger, and politics behind it.

I can see you want to hide your inaadeeroos who did the capturing and handed over the woman to the Tigre boys ,,,,,,,,,,,,,,,,, weligaaba Somaliland ku galgalo sheekadu way caddahaye orodoo raadso cidda wax yeeshay gabadha haday kaa run tahay

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this