Sign in to follow this  
General Duke

Horrible failure: reporter killed as road blocks increase

Recommended Posts

Gabar saxafiyad ah oo lagu Dilay Kontorolka Afgoye iyo Isbaarooyikii oo ku Batay Wadada isku Xirta Afgoye iyo Muqdisho

E-MAIL THIS PRINT THIS

Liibaan Cabdi Cali

 

Malayshiya

 

Waxaa maanta istaagay isu socodkii gawaaridi u kala goosheyay magalaga Muqisho iyo Afgoye ka dib markii ay bateen isbaarooyinka teedsan intas udhaxaysa Muqdisho iyi Afgoye gaadiidleyduna ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashka isbaarooyinkaas

Isbaarooyinkan yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgoye ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 12 isbaaro. Wadada iskuxirta labadaas magaalo waxa uu dherarkeedu yaryahay 30kg, waana mid kamid ah wadooyinka loogu isticmaalka badanyahay gobalada konfureed ee somaliya.

 

Dhinaca kale kooxo gaadiidley ah oo ka gadoodsan isbaarooyinka ayaa waxa ay dileen gabar saxafiyad ah oo ka shaqeyneysay Idaacada Horn Afrik laguna magacaabo Duniyo Muxidiin Nuur ,ayadoo markaa ku sii jeeday in ya wax kasoo ogaato arimaha ka jira wadadaasi waxaana gabadhan allaha u naxariistee lagu dilay kontoroolka Afgoye saaka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa lagu dilay wariye Duniyo Muxyadiin Nuur

 

Allaha ha u naxariistee wariye Duniyo Muxudiin Nuur waxey ahayd qof ka tilmaaman saxaafada oo magac iyo qadarinna ku leh bulshada dhaxdeeda waxey ku xel dheereyd qaabka saxafada e .

 

Sida uu nagu soo gaarsiyay wariyaheen Muqdisho Nuuradin goor dhow ayuu ku shegay in Duniyo Muxudiin Nuur la dilay iyadoo ku jirto howl saxaafadeed , saakay markii magaalada Muqdisho lagu soo toosay in jidkii u dhaxeeyay Muqdisho iyo Afgooye go'an yahay ayey waxey ku dhaqaaqday in ay wax ka ogaatao sababta kaliftay in wadadaas xiran iyadoo leysla dhexmarayaay in ay baabuurta sameeyeen shaqo joojin iyo in kooxaha hubeysan ee isbaarada meelo badan ka dhigtay in ay ayaga gooyeen.

 

Wariye Duniyo Muxyadiin ayaa waxay saakay kasoo dhaqaaqday xarunta idaacadda Capital voice oo ka tirsan shirkadda warbaahinta Horn Afrik waxayna idaacadaasi ka aheyd soo saare Barnaamij lagu magacaabo MUQDISHO IYO MAANTA kadib markii ay idaacadda kasoo baxday ayaa waxa ay soo qaadatay gaari yar nooca Karoolaha Loo yaqaano iyadoo dooneysay in ay warbixn kasoo dirto Xaaladda wadada isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Maanta aheyd mid xiran oo ay shaqo joojina ku dhaqaaqeen darowalada wadadaasi ka hawlgasha.

 

Wariye Duniyo waxa la socotay wariye kale oo ka tirsan Idaacadda Horn Afrik oo lagu Magacaabo Canab Maxamuud Yare, waxay sii marayeen wadada kontoroolka iyagoo meesha maraya ayaa mar qura xabad lagu soo furay wallow ay jiraan warar kale oo leysla dhex marayo, si kastaba ha ahaatee markii ay xabaduhu soo fureen ayaa waxay ku dhacday Xabadii wariye Duniyo Muxyadiin Nuur kadibna sidaa ay nafta uga baxday durbadiina waxaa loola soo cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho lakin teeda ayaa soo gashay oo wax waa laga qaban waayay xaaladeeda.

 

Banaanka Isbitaalka ayaa waxaa soo Buux dhaafiyay wixii Suxufi sheegtay oo ku sugnaa Gudaha Magaalada Muqdisho iyagoo aad iyo aad ay uga muuqatay in ay ka xun yihiin dilkan loo geystay Gabadhan wariyaha aheyd Duniyo Muxyadiin Nuur.

 

Waa wariyihii labaad oo xabad lagu dhuftay muddo bil ah gudaheeda iyadoo todobaadyo dhowr ah ka horna xabad lagu dhuftay wariye Cabdalla Nuradin oo ka tirsanaa Idaacadda Horn Afrik.

 

Dhamaan bahda Midnimo iyo Radio Banaadir waxey canbaareynayaan dilka xad gudabka ee loo geestay marxuumadaas iyo dhamaan falalka xariga, handadada, cabsi gelinta iyo awood u sheegashada lagu hayao saxufiyiinta xurta ah, waxaan tacsi u direynaa waalidkii, eheladii, bahda saxaafada iyo dhamaan umaada Soomaalaiyeed waxaanu leenahay in uu Illaha samir iyo Iimaan naga siiyo marxuumadana Janadii fardowsa Ilaaha ha ka waraabiyo

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

inaa liliaahi wa inaa ileeyhi raajicuun.

 

ilaaheey ha u naxariisto gabadhaas shahiidada ah ee ku dhimatay howl qaran oo wax gal ah.

 

duke, waxuu u maleeyaa inuu ku duraya reer muqdisho arintan. laakiin waxaad ogataa kii dilay in lagu daba joogo,lana soo qaban doono.

hadii ilaah yiraahdana ineeysan tan oo kale dhicin oo kuwa dadka dilaya ee jidka u galayana in la sifeeyn doono lana baabi'in doono.

 

waa koox ilaah ka furatay, laheeyn jixin jixin dhiigyo cabyo ah oo abuurmay tan iyo intuu socday dagaalkan sokeeye ee dalka lagu soo saliday.

 

waxaa la ogyahay kuwa maanta jidgooyadda xamar iyo afgooyo ka haya ineey yihiin qolyaha taageera ina-ceydiid iyo yeey, rabaana ineey baabi'iyaan dadaalka shariifka.

 

waxaa nagu maqaal ah in lacag laga soo siiyay dhinacaas iyo nairobi.

 

ogoow maalinta talaadada ah ayaa isbaaro ugu danbeeyn doonto xamar iyo agagaarkeeda.

 

Duniyo Muxyidiin ilaahii abuurtay ayeey u laabatay. waxeey aheeyd gabar muslimad ah, howlkar ah , umaddana u heeysay howl muhiim ah. barnaamijkeeda caan baxa ee muqdisho iyo maanta waxuu ahaa barnaamij wacyigalin, wax tusid , aqoon kororsi ah oo lagu faaqido dhibka ka taagan magaaladda iyo arimaha bulshadda. ma aheeyn gabar caadifad qabiil ku shaqeeysa. waxeey aheeyd qof nadiif ah, aragtay dhibka heysta soomaali kana danqatay. waxeey ka qayb qaadatay aqoon is weydaarisyo badan oo ka dhici jiray xaafaddaha xamar iyo sameeyn ururo bulsho oo daneeya nabadda iyo dhaqin celinta dhalinta da'da yar ee qoryaha loo dhiibay.

 

ilaah ha ka waraabsho janadiisa fardoosa. aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Somali journalist killed at checkpoint protest

05 Jun 2005 14:44:06 GMT

 

Source: Reuters

 

MOGADISHU, June 5 (Reuters) - A Somali journalist was killed on Sunday when a truck driver protesting against illegal checkpoints outside Mogadishu shot at her car, the HornAfrik media group said.

 

Duniya Muhyadine Nur, in her early 20s, was reporting on a protest by truck drivers demanding that the checkpoints be dismantled.

 

"The bullet was meant for the car driving them to the demonstrations, but not necessarily for her," HornAfrik director Ahmed Abdisalam said.

 

Nur, who had worked for HornAfrik radio and television for two years, died instantly.

 

Protesters had set up roadblocks between Mogadishu and Afgoie in an attempt to halt traffic flow and pressure local militias into removing the checkpoints, Abdisalam said.

 

The checkpoints are a key source of income for militias that typically demand money from passing buses and trucks.

 

Warlords and their roaming militias have controlled the country of seven million since ousting military dictator Mohamed Siad Barre in 1991.

 

Last month Mogadishu warlords demobilised hundreds of fighters in an effort to persuade Somalia's fledgling government that one of the most violent capital cities was safe enough to serve as the base for the administration, now working from Kenya.

 

But many residents say only a fraction of the city's gunmen have been demobilised and dozens of militia checkpoints remain.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Allah uu Naxaristo samir iyo Iman Allah ka siiyo inti ay ka tagtey....it is a very sad incident indeed.

As for Duke personilising the whole issue...it does not take a genious to figure out where he is leading the story with, all you have to do is read the starting word of his failure... Horible Failure . It is just very unfortunate that someone like Duke is making use the dead of Marxum Duniya in order to press forward the case for his uncle.

It will take him a while to comprehend that it does not alter the situation at all, but then again someone who is so attached and his mind is consumed by tribalistic behaviour and eager to rule lacks the logics to comprehend.

it is just sick to to politicise the dead of a person...very sick.

Share this post


Link to post
Share on other sites

suba xaanalaah inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicoon. waxaan uma leeynaaye in meesha tacsi looga hadlaayo . see wax idinka noqdeen ilaah marxuumada ha unaxariisto.

 

 

samir iyo iimanah alaha ka siiyo ehelkeed iyo qaraabadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this