Sign in to follow this  
General Duke

Puntland moves some troops to Mudug....

Recommended Posts

Dhaq dhaqaaq xoogleh oo laga dareemayo Ciidamada Puntland

 

Last Updated::2006-08-09 16:19:24

 

Gaalkacyo:- Dhaq dhaqaaq xoogleh ayaa laga dareemayaa xarumaha Milatariga ee ku yaal magaalada Gaalkacyo.

 

Ayadoo wakhtigan magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlada Puntland, Gen.Cadde Musse iyo dhamaan taliyayaasha ciidamada Daraawiishta ayaa waxaa soo baxaya dhaq dhaqaaqyo xoogleh oo heegan lagu gelinayo Ciidamada Dowlada Gobaleedka Puntland.

 

Saraakiisha Daraawiishta ee magaalada Gaalkacyo ayaa ayagu ka gaabsaday in ay wax faah faahin ah ka bixiyaan shirar kala gedisan oo ay maalmihii lasoo dhaafay si joogta ah ulla yeelanayeen Madaxweynaha Puntland.

 

Sarakiisha ayaa hadalkooda kusoo koobay in ay socdaan hawlo lagu adkeenayo xuduudaha iyo amniga deegaanada Puntland, in aysan ku faafin xiisada ka jira dalka Soomaaliya.

 

Dowlada Puntland ayaa horey digniin adag uga soo saaray in gobalada Puntland lala soo galo dagaalada kasoo bilowday Muqdisho ee u dhaxeeya Hogaamiye kooxeedka iyo Maxkamadaha Islaamiga.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo sidoo kale kormeero ku maray xarumaha ciidamada ayadoo ay jiraan dadaalo lagu xoojinayo amniga iyo ka hortaga wax kasta oo khatar ku noqon kara amniga Puntland, waa suu hadalka u dhigay mid kamid ah Sarakiisha Daraawiishta ee xaruntoodu tahay magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaa sidoo la arkayey dhaq dhaqaaq ciidamada hubka culus ku gaashaaman oo ay ku jiraan gawaarida Tiknikada loo yaqaan.

 

Dhinaca kale waxaa markii ugu horeysay muddo sanado ah la arkay tijaabinta gaadiidka Tangiyada ee ciidamada, ayadoo tijaabooyikaasi lagu sheegay kuwo qeyb ka ah heeganka ay ku jiraan ciidamada.

 

Ciidamada Puntland heegan la geliyey ayaa kusoo aadaya wakhti ay jiraan xiisado ka dhextaagan beelaha dega Koonfurta Gobalka Mudug oo intooda badan kasoo horjeeda in ay deegaankaasi kusoo fidaan Maxkamadaha Islaamiga.

 

Deegaanka Gelinsoor ayey ku sugan yihiin maleeshiyooyin kasoo jeeda beelaha Koonfurta Gaalkacyo kuwaasi oo la sheegay in ay kasoo horjeedaan in ay halkaasi yimaadaan Maleeshiyooyinka kasoo baxay Galgaduud iyo magaalada Muqdisho oo ah kuwa Maxkamadaha.

 

Dagaalo ka dhaca koonfurta Gobalka Mudug ayaa keeni karta in dagaaladan ay kusoo fidaan dhinaca magaalada Gaalkacyo, arrintaasi oo ay Puntland sheegtay in ay ka hortagi doonto.

 

Koonfurta Gaalkacyo ayey shalay ka dhaceen banaanbaxyo dadka deegaankaasi ku dhaqan ay uga soo horjeedaan Maxkamadaha Islaamiga, arrintaasi oo keentay in dabley taageersan Maxkamadaha ay rasaas dadkii mudaharadaayey ku faraan kadib markii la sheegay in dhagaxaan lagu tuuray, dhacdadaasi ayey ku dhaawacmeen sadex ruux oo rayid ah.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this