Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Cali Jeyte oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
jeyte.jpg?fit=727%2C561&ssl=1

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, isagoo la dardaarmay bulshada gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa sidoo kale ka hadlay falal amni darro oo mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Shacabka waxaan leeyahay qoryihiina qaata oo ku dhiirada inaad iska qabataan Shabaab-ka ku jira gudaha magaaladaan, maamulku wuxuu idin sii doonaa fursad aad ku soo gaarsiidaan xogta nabad-diidka,” ayuu  yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Gacan waxaan kula dagaalami doonaa Shabaab-ka qoryaha wata, gacana waxaan isaga qaba doonaa kuwa magaalada ku dhex dhuumanaya oo miinooyinka aasa, dadkana badda ka qaata,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo raadinaya qorshe lagu sugi karo amniga dadka ku nool gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshihiisa ay ku jirto in dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo beelaha gobolka wada dega, “Gudaha magaalada waxaa idin kula jira Shabaab, furintana waxaa ka dagaalamaya shacab qoryo wata, waa in lagu wada dhiirado dagaalka oo Al-Shabaab laga adkaado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa balan qaaday in dhawaan uu bilaabi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla markaana uu la imaan doono hoggaamin dhab ah.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa u cadaatay in Shabaab aan ka adkaa karno, waxaan idinka rabaa in gabar iyo wiil aysan u kala harin markaan, natiijo muuqata ayaan ka gaarnay halgankii aan horay u soo galnay bilo ka hor,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Cali Jeyte oo go’aan cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this