Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada Puntland oo ka warbixisay Socdaalkii Garoowe ee Ergeyga Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1686402268856.jpg?resize=720%2C59

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada Saxda ee la rabo Soomaaliya in ay aado Mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo Sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu kasoo saaray xaaladda Laascaanood.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

FB_IMG_1686402257386.jpg?resize=720%2C63 FB_IMG_1686402264537.jpg?resize=720%2C59 FB_IMG_1686402268856.jpg?resize=720%2C59 FB_IMG_1686402303650.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1686402275074.jpg?resize=720%2C43 FB_IMG_1686402285127.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Madaxtooyada Puntland oo ka warbixisay Socdaalkii Garoowe ee Ergeyga Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this