Sign in to follow this  
wind.talker

Marka, Shabellaha Hoose: Occupied, but safe

Recommended Posts

Salaad Xiis (of Hiiraan Online) did an excellent, eye-opening report on Marka, Lower Shabelle region.

 

EXCERPTS:

 

"Magaalada Marka waxaan deganahay muddo 14 sano ah, si qaxootinimo ah ayaan ku imid, hayeeshee waxaan u qeybiyay magaalada Marka xaafadaheeda seddex qeybood (a) qeyb waa shidan tahay cawo iyo maalin, dadkoodana waa isku dhex jiraan, haba soo dhexgalo mid cuqdo qaba, aniga aragtideyda cudurka Aidska waxaa ka daran qabiilka, aidska waa ku dilaa, laakin qabiilka waa wax xun oo uf ah. (b) xaafad maalintii indhaha ayay isku heysaa habeenkii ayay shidan tahay, © Xaafadna habeen iyo maalin indhaha ayay isku heysaa geb waaye, intooda dhanna dad ayaa ka buuxa, tusaale aniga waxaan deganahay xaafadda Horseed habeen iyo maalin indhaha ayay isku heysaa, dhulkeeda waa raqiis, ka gudub xaafadda Ruusiya la yiraahdo maalintii waa densan tahay dadkeedu habeenkii ay shaqeystaan,"

 

"Magaalada Marka Ammaankeeda 100% waa sugan yahay, dadkuna waxay socdaan ama ganacsadaan xiligii ay doonaan, ma arkeysid wax hub ah oo magaalada lagula dhex socda, kaliya waxaad rag hubeysan ku arkeysan iridka Saldhiga Degmada Marka, kuwaasina ma ahan kuwo dhibaato u joogee waa Ciidamo qaba labis u gaar ah oo nabadgelyada magaalada sugaya.

 

"Muran kama taagna in maamulka Shabeelaha Hoose uu xoog ku qabsaday gobolkaas, inkastoo Sanjabiil uu ku doodayo in ay meesha geysay Dowladdii Carta ee uu Hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan, hayeeshee waxaa u suurtageliyay in uu sidan u xoogeysto isla markaana uu ammaanka soo celiyo dadka gobolka oo ah dad nabadeed, kuwaasi oo uu ka dhex saaray maamulka koox yar oo dhibaato ku heysay."

 

"Maamulka Shabeelaha Hoose ee xaruntiisu tahay magaalada Marka waa mid ay Guddigiisa fulinta ku jiraan inta badan beelaha ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo Qowmiyadda Banaadiriga aysan wax awood ah ku lahayn, sida uu ku doodayo Shariif C/raxmaan Maxamuud Dhega weyne oo sheegaya in aan laga talo gelin maamulka gobolka, walow uu hadana leeyahay "nabad buuxda ayaan ku heysanaa gobolka, maamulkana raali ayaan ka nahay."

 

"Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa uu leeyahay 3 Isbitaal oo midka ugu weyn uu ku yaalo degmada Marka, halka labada kalena ay ku yaaliin degmooyinka Qoryooley iyo Baraawe, waxayna dhamaantood daboolaan adeegyada caafimaad ee dadka gobolka u baahan yihiin"

 

"Dhinaca Waxbarashada degmada Marka waxaa ku yaala dugsiyo isugu jira Hoose, Dhexe iyo Sare, kuwaasi oo ay maalgeliyaan Hay’ado Carbeed iyo Mid Local ahaan u shaqeysa oo lagu magacaabo Cosv, dhamaantoodna waxay dabooleen baahidii waxbarasho ee gobolka, inkastoo ay Jaamacadaha dadka gobolku u doontaan Magaalada Muqdisho."

 

MORE (with pictures) @: http://www.hiiraan.org/2005/may/Magaalada_Marka.htm

 

How does this effect the widespread notion of how, since Marka and Shabellaha Hoose region is "occupied," it must be a terrible place to live and work?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

...aniga aragtideyda cudurka Aidska waxaa ka daran qabiilka, aidska waa ku dilaa, laakin qabiilka waa wax xun oo uf ah

This epitomizes how reer Marka view qabyaalad and its whole package negativeness. Qofkii dhahay, Marka Cadeey minankii Aw Cismaan, ninkii mooda (dhaafa) munaafuq waaye runtiis ahaa. Saas ayeeba u daris jeclaan jireen.

 

Reer Shabeelada Hoose generally--particularly reer Marka and Baraawe--waa dad iska nabad jecel, oo si walba loo dhibaateeyo nabad kahor mariyo dagaal iyo qabyaalad.

 

I remember waagee RRA xooga lahayd oo labada gobol soo qabatay ayee shir u qabteen Reer Shabeelada Hoose inay rabaan dhulkooda la 'xureeyo' iyo in kale, xataa RRA militia and their leaders Qoryooleey dhan kasoo galay, Daafeedna iyo Balidooglena dhan kale banaankiis kasoo istaagay, si ee ula wada hadlaan odeyaasha deegaanka. Waagaanka Indhacadde iyo xulufadiis wax la dhaho ma jirin, oo wadaado kale Xuseen Caydiid daabacsaana ka talin jiray.

 

Calaa kuli xaal, odeyaashii "dagaal ma fadaana" ee ugu jawaabeen, waana mid aan ku raacsanahay oo dagaal wax uu keenaayo ayaaba iska yar inkastoo dhulkaaga xoog lagu heysto, si kale oo loogu baxo ee leedahay. Hadee dagaal rabaan Reer Shabeelada Hoose mar hore ee is 'xureyn' lahayeen maadaama wax ka Gaashaanle Dhexe/Sare iyo Korneel yar ma jirto, oo dadka naafaha wada ah oo ku jiro Isbitaal Martiini oo dagaalkii '77 Soomaali Galbeed kusoo wada daawacmay waa iyaga, dadkoodana dibadaha eeba u badan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

(b) xaafad maalintii indhaha ayay isku heysaa habeenkii ayay shidan tahay, © Xaafadna habeen iyo maalin
indhaha ayay isku heysaa geb waaye,
intooda dhanna dad ayaa ka buuxa, tusaale aniga waxaan deganahay xaafadda Horseed habeen iyo maalin indhaha ayay isku heysaa, dhulkeeda waa raqiis, ka gudub xaafadda Ruusiya la yiraahdo maalintii waa densan tahay dadkeedu habeenkii ay shaqeystaan

Loooooool, ninkaan waaba comedian walahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this