Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS oo war kasoo saartay weerarkii BUULO-MAREER

Recommended Posts

Deeq A.   
ATMIS.jpg?fit=660%2C370&ssl=1

Buulo Mareer (Caasimada Online) – Ciidamada Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa war kasoo saaray weerarkii saaka waaberigii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhigooda magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

ATMIS ayaa sheegtay in weerarkaas kadib ay iska caabin xooggan kala hortageen, kadibna uu soo xoojiyay waaxda ciidamada cirka ee ATMIS iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaasi oo burburiyay dhamaan hubkii ay wateen maleeshiyada soo weerartay, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS.

“Saaka abaarihii 5ta subaxnimo ayaa Saldhiga Ciidanka ATMIS ee Buulo mareer oo dhinaca koonfur Galbeed kaxiga 120km magaalada Muqdisho kana tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ay soo weerareen maleeshiyaadka AL-Shabaab iyagoo Adeeg sanayo baabur Qarax laga soo buuxiyey iyo ismiidaamin.”

Hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS aya waxa uu caddeeyay dhamaan bulshada iyo hay’adaha kale ee waddanka jooga in xaalada ladajiyey, islamarkaana ay hadda hawluhu ay sidii caadiga ahaa ku soo laabteen, taasi oo ka dhigan in saldhiga ay gacanta ku hayaan ciidamada ATMIS.

Bayaanka ATMIS ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay ka go’an tahay la-dagaalanka argagixisada iyo inuu sii wado la-shaqeynta dowlada fadaraalka ah ee Soomaaliya, maamul-goboleedyada dalka iyo saaxibada caalamiga ah, si loola dagaalamo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ku sugan Soomaaliya.

Bayaankan si faah-faahsan loogama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka iyo dagaalkii xigay, marka laga imaado in ciidanka ATMIS ay gacanta ku hayaan saldhigii lagu dagaalamay.

Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hanti ayaa ka dhashay weerarkan, ayada illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen lix ruux oo ah kala ah rayid iyo dhinacyada dagaalamay, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen illo-wareedyo deegaanka ah, illaa saddex qof oo dadka deegaanka ah ay ku dhaawacmeen rasaas ku haleeshay goobo kala duwan.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in weerarka saldhiga Buulo Mareer ay ku dileen in ka badan 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaasi oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.

The post ATMIS oo war kasoo saartay weerarkii BUULO-MAREER appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this