Sign in to follow this  
Saalax

Magaalada Burco oo dagaal ka dhici gaadhey

Recommended Posts

Saalax   

Magaalada Burco Oo Fara-ciddidood Kaga Badbaadday In Dagaal Ku Dhexmaro Dadweynaha Iyo Ciidammo Doonayey Inay Xidhaan Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka

“Guriga aan ku jiraa waxa uu la mid yahay Guriga uu Md. Siilaanyo Labaatanka sannadood ku jirey…..Markaan U Tagay Hoggaanka Boolisku wuxu igu yidhi hadal aad u qiimo-daran oo ah mawaxaad ahayd inankii yaraa ee Kibray?” Badhasaab ku-xigeenkii hore ee G/Togdheer

 

 

Burco (Harowo) - Wararka laga helayo magaalo madaxda gobolka Togdheer ayaa muujinaya xaalado kacsanaan iyo cadho ka dhalatay hawl gal ciidamada Booliska ee gobolkaasi iyagoo fulinaya maamul wasiirka arimaha gudaha Dr. Gaboose ku siiyay inay soo qabtaan Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolkaas uu ka dhashay rabshado iyo isku dhac booliska iyo dadka magaalada dhex maray.

 

Sida ay ku warantay jariiradda Hargeysa Star oo ka soo baxda magaalada Hargeysa maanta barqadii ayaa ciidamo ay magaalada Burco ku weerareen gaadiga gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samarta, waxaanu arintaa uga sheekeeyay wargeyska oo khadka telefoonka kula hadlay caawa.

 

“Anigoo maraya badhtamaha magaaladda Burco abbaaro 11:30-kii maalinnimo, ayaa Gaadhi Ciidan ahi iga wareegay, dabadeeto markii aan ku idhi waar maxaa dhacay waxay igu yidhaahdeen ‘waannu ku doonaynaa ee soo deg oo Gaadhigan Booliska soo fuul, gaadhi-gaagana u dhiib Askarigaa dawaralka ah’, markii aan weydiiyey cidda ay ka socdaan waxay igu yidhaahdeen Ciidankii Booliska ahaa, ‘waxa noo sookaa direy hoggaanka Booliska ee Gobolka’.

 

Markaa waxaan ku idhi ‘Siddeed sannadood ayaan Gobolka Badhasaab ka ahaa Tuugna ma ihi, haddiise raad I soo galay Madaxda Gobolku way I garanayaan telefoonkayga way hayaan ee wax karaamadii qofka iyo dawladdnimadii ka baxsan hay ugula kicinnee idinku isku noqda.” Sidaa waxa yidhi Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater oo Booliska magaalada Suuqa Burco ku dhex qabsadeen.

 

Ka dib markii uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland amar ku bixiyey in la qabto Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer, isaga iyo gaadhigiisaba sida la sheegay.

 

Md. Guuleed isagoo hadalkiisa sii wata kana waramaya waxa ciidamadu isugu xeereen waxa uu yidhi “Markii intaasi dhacday waxay nimankii Ciidankaa ahaa damceen inay awood Igu muquuniyaan anniga (Badhasaab ku-xigeenkii hore), oo waan iska difaacay, dabadeedna Dadkii Suuqa joogay ee waddooyinka marayaayey ayaa arrintii dareemay oo gadood ayaa dhici gaadhay.

 

Markaa, waxa loo arkay waxyaabahan dalka ka soconaayey ee intii uu KULMIYE qabsadey meesha (Somaliland), markaa waxa loo arkay inay nimankan KULMIYE la imanayaan iska horkeen iyo khalkhal ay nabadgelyadii galinayaan markaa waxa inkastoo aanan Xilkii ahayn haddana Masuuliyad ayaa iga saaran Amniga dalka waxaanan dadkii shacabka ahaa ku dejiyey in aanay samayn wax Nabadgelyada khal khal gelinaya.”Markaa waxaan ku idhi arrintani way tahay mid laga dagaalamo balse shicibyahow waxaan doonayaa in aan Burco burbur ka dhicin oo aan ciddi ku dhiman.

 

Ciidankii Booliska ahaa waxaan ku idhi Ninka idin soo direy Ixtiraam ayuu leeyahay oo waa madaxdiinnii, anniguna ixtiraam ayaan leeyahay, waxaanna laga yaabbaa in waxa la iigu yeedhayaa aanay wax sidaa u sii wayn-ba ahayn in aad iska noqotaan oo aydaan horseedin isku dhac ayaa wanaagsan. Markaa, taas ayaan ka codsadey illeyn shalayba waataan idin Xukumayee aniguna waan imanayaa meeshii la iiga yeedhay, dabadeed Ciidankii dib ayey iskaga noqdeen markii ay baaxadda dadweynihii ii soo gurmaddey.” Ayuu yidhi Guuleed.

 

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer, waxa uu sheegay inuu markaa ka dib tagay Xafiiska Gobolka ee magaalada Burco. Isaga oo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi; ka dib aniguna waxaan imid Xafiiskii Gobolka oo waxaan ku idhi yaa I doonaayey Taliyihii Taraafikadda ee Gobolka Togdheer, dabadeed waxaan Xafiiska Badhasaabka ayaan is idhi gal markaa waxa la Igu yidhi hoggaanka ayaa ku doonaya, markaa hoggaankii ayaan u imid oo aanan garaneyn, waayo? Waa la soo baddelay.

 

Hoggaanka markii aan waydiiyey inuu anniga I doonayo iyo in kale, waxa uu iigu jawaabey maxaad ahayd? Dabadeedna, waxaan ku idhi waxaan ahay Badhasaab-xigeenkii hore, ka dib waxa uu hoggaankii igu yidhi hadal aad u qiimo darran oo ah ma waxaad aheyd Inankii yarraa ee kibray ee Baastooladda ula baxay Ciidanka, markaa waxaan ugu jawaabey haddaad Ciidanka qaabkan u soo dirto annigu waxba maan layn ee waa la layn doonaa, nidaamkii dawligaa ahaanna meel baad kaga dhacdey mana istaahishid hoggaan-baad sheegaysaaye bidhi-wale.”

 

sawirka ninka xukuumada siilaanyo rabtay inay xidho ee dagaalku ka dhici gaadhay burco

 

“Mid-na waan kuu sheegayaa Gobolka Badhasaab ku xigeen ayaan ka ahaa oo xilbaa iga saaran imika iyo markii hore labadaba. Sidaa darted, waxaan ilaalinayaa nabadgelyada ee waa maxay ujeeddada aad iga leedahay, waxaanu iigu jawaabey ‘Gaadhiga halkaa iska dhig oo Ciidanka raac,’ Markaa waxaan ku idhi taasi waa edeb-darro, haddii aad mar dambe ku celisana wixii halkaas ka dhaca adigaa ka masuula; markaana dadkii Gobolka joogey ee hawlaha u lahaa way nagu soo urureen, dabadeeto aniga Niman odayaal ah ayaa igu yidhi orod gaadhigaaga kaxayso oo iska tag.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar.

 

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Wax yar kadib ayuu la Hadley qaybtii Booliska oo uu yidhi waxaad ii soo dirtaan laba gaadhi oo Tikniko ah, markaa anigoo gurigaygii jooga ayey damceen inay is weer iga qabtaan, ka dib markii intaasi dhacdey waxa meeshii yimid magaaladii oo arrintu gaadhay.

 

Halkaa dabadeeto waxa ka dhici gaadhay isku dhac aad u wayn, markii dambenna sidii ayaan dadweynihii ugu khudbadeeyey, waxaana noo yimi Odayaashii magaalada Burco oo yidhi ‘Nimankii Booliska watay ma waxaad doonaysaan in dagaal dhaco, markaa Ciidankii caqli ay leeyihiin kumay tagine waxay ka baqdeen baaxaddii dadka, wax dhibaato ahina kamay dhicin halkaas, laakiin iyagu waxay ugu talla-galeen inay meesha dhibaato ka dhacdo.”

 

“Markaa ujeeddada laga leeyahay waxaan u qaatay Xisbiga KULMIYE ee doorashada nagaga guulaystay waxa ku dhex jira Masuuliyiin badan oo aan raalli ka ahayn Somaliland-nimada oo doonaya dhibaatooyinka ka socda hareeraheenna, Madaxweynaha waxaan leeyahay ka fiirso tallaabooyinka aad qaadayso.”

 

Mar la weydiiyey Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer in arrimahaa uu sheegay ka dib inay cidi kala soo xidhiidhay xagga maamulka gobolka, waxaanu ku jawaabay; “ Mayee cid ila soo xidhiidhey ma jirto, haddii laga tagi waayo waxa ay wararku igu soo gaadhayaan inay leeyihiin waa in Ninkaas la qabtaa.”

 

Sidoo kale, Guuleed oo la weydiiyey, ka sokow Hoggaanka Booliska Gobolka, cidda amarka soo qabashadiisa bixisey, “Badhasaabka, Ku xigeenkiisa iyo Hoggaanka Booliska ayaa ku wadda jira, inkastoo warar xog-ogaal ahi sheegayaan in arrintan uu ka dambeeyo Wasiir arrimaha guduhu Dr. Gabboose, waa wax isku wadda xidhan khadkaasi, Odayaashii magaaladuna waxa ay amar igu siiyeen in aanaan wax tallaabo ah qaadin aniga iyo cidda igu dhaw-dhaw.”

 

Badhasaab ku xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo aannu waydiinney waxa laga rabaa iyo dambiga uu galay waxa ay yihiin waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxay leeyihiin Guriga haka baxo, Hay’ad ayaannu ka kiraysanaynaaye oo Gaadhiga ha iska dhigo si sharci-darro ah ayaa loo siiyeye, Gaadhigana illaa maalintaan iibsaddey iyo maanta waxa ku xidhan lambarkii aan ku xidhay, haddii wixii aan ku wareejiyey wax dhiman yihiinna Agaasimaha guud muu yeelleen in aan hantidii ummadda aan badh la hadho.”

 

Mar la weydiiyey in Guriga uu ku jiraa ka mid yahay Guryaha dawladda, waxa uu yidhi; “ Gurigu waxa uu la mid yahay Guriga uu Siilaanyo Labaatanka sannadood ku jirey, wax uu kaga duwan yahayna ma jirto.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

So nothing happened but it is worth writting a few articles about it? War dadku warer badan.

 

Walao in BURCO anyone who has spent a day there will tell you that there is no such thing a dagaal dhic gadhey- it either happened or it didnt and if it starts it does not nearly happen- it happens. They dont know half measures iyo goolaftan. Rest assured if there was reason to figh- there would've been a fight.

 

Cantrabaqash.com, when did it nearly happen become news anyway?

 

Yahoo and asbax, why do you want them to fight?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Jacaylbro what is funny? Rabsho = Trouble, i don't know adigu waxad uu taqaniid rabsho in your ends.

 

 

Even Togdheernews reports the events that unfolded in burco.

 

 

Togdheernews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Yaa uu sheeg Burco wa rabshaad socoto 24/7. Did I tell you about the time a mad man chased me with huge dagax and everyone came to watch me run in circles from this mad man? Then when I picked up a huge dagax and tried to hit him over the head and women jumped out from the watching people and said ma ninkayad dagax uu heesta? Ha naga dhilin. :D I swear they are on fast gear.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Originally posted by *Ibtisam:

why do you want them to fight?

Where did i said i want them to fight? i am just reporting the events and the raising tensions in burco & somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LOOOOOOOOOOOOOOL@almost and almost.

 

Libaahe, update us when something REALLY happens. Till then naga daa the "almost" stories ninyahow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Something already happened :D the police tried to arrest former vice governor of Togdheer but they couldn't, debededna biskoolad bu ula so baxay car waryaa kii iso dhawada ku yidhi and since there was many civilians who sided with him the police backed out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by The Zack:

LOOOOOOOOOOOOOOL@almost and almost.

 

Libaahe, update us when something REALLY happens. Till then naga daa the "almost" stories ninyahow.

someone almost Throwed a stone :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaji_Xunjuf, bal ka waran ayamahan adeerka Musa Bixi? :D i heard he graduated from hargeysa university two weeks ago maxa ka jiira?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this