Sign in to follow this  
Siciid1986

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Dalka...

Recommended Posts

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Maanta Dalka Imanaya

 

Hargeysa(Geeska) -Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta Hargeysa soo gaadhaan, iyagoo ka soo kiticimi doona magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

 

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland oo la xidhiidha socdaalka weftigan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddoomiye ku xigeenka iyo weftigiisu ay dalka ku imanayaan casuumad uu shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland dhawaan u fidiyay. Mudane Faarax Macalin oo ka soo jeeda Somalida degta waqooyi bari ee Kenya, waxa xilkan loo doortay markii uu ku soo baxay doorashadii dalka Kenya ka dhacday dabayaaqadii sannadii 2008. Waxaanu hadda si weyn uga dhex muuqdaa siyaasadda dalka Kenya.

 

Waa markii u horaysay ee uu masuul haya xil baarlamaan oo sidan u culusi safar ku yimaado Somaliland, waxaana la filayaa inta uu joogo inuu kulamo la yeesho shirguddoonka Baarlamaanada Somaliland, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo weliba dhinacyo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this