Sign in to follow this  
The Zack

Puntland “geedkaan qabsanay naloo gooyee, iminka garwaaqsan dowlada”

Recommended Posts

The Zack   

KN: Maalin kadib markii xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabay nin Puntland kasoo jeeda, ayay Puntland oo cabursanaantii ka nafistey ku hor neefsaday saxaafada, sheegteyna in ay markani si buuxda u taagersantahay dowlada Shariifka.

 

Waa maamulka aan waligood ka gaban waxa ay rabaan, marka ay timaado in gorgortan siyaasadeed la galana iyagu ah kuwa geedka ay qabsadaanba loo gooyo. Tusaalaha meel fogba ma dhacayo.

 

Jabuuti ayaa la tagay, lagu wadahadley, waxaa kasoo baxay in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo reer Puntland ah xilka laga xayuubsho, Puntland geesaha ayay oodaha ku qaaday waxayna ku sigatay in ay ku dhawaaqdo in ay ka go’ayso Soomaaliya, dadaal baddan kadib waxaa lagu qanciyey in ay ka dhursugaan waxa Jabuuti kasoo baxa.

 

Markii la qeybsaday xubnihii baarlamaanka ee Isbahaysiga kusoo aaday, Puntland markale ayay ka boodey sidii wax loo qeeybiyey, waxayna si cad ugu dhawaaqdey in aysan marnaba taageereyn nidaam sidaasi wax loo qeeybiyey, balse waxay go’aansadeen in ay ka dhursugaan qofka ay tahay in xilka Ra’isulwasaarenimada loo doorto.

 

Puntland markani waxay gashay dagaalkii ugu cuslaa, waxayna caddaysay in haddii aanan qof reer Puntland ah xilkani loo magacaabin, qofkuu dooniba ha ahaadee, aysan jirrin sabab ay oga sii mid ahaadaan dowlada Shariifka ee millanka ah, walliba waxay xaalada circa isku sii shereertey markii musharixiintii kale ee aan reer Puntland ahayn, sida Galeyr, Gaandi iyo Maslax oo kale ay si layaab leh ugu sigteen in la magacaabo, taasina ay taageero xooganoga heleen baarlamaanka.

 

Puntland waxay si cad u qayaxday markani in Puntland dad gaar ah la yiraahdo oo aysan ku jirrin beelaha kale sida kuwa degge Laascaanood oo jagadani la rabay Cali Khaliif Galayr oo kasoo jeeda, tanina waxay meel fog geeysey beelaha markii horeba dareensanaa in Puntland ay tahay magac ay dad gaar ah ku awr kacsadaan oo aan iyaga matalin.

 

Shalay galinkii dambe gabal dhicii ayay malaha ahayd saacadii ay neefta kasoo boodey Puntland kadib markii la magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo reer Puntland ah, waliba beesha lala rabay, laakiin Puntland tallo kama aysan hoos bixin oo farxadeeda banaanka meeysan soo dhigin oo waxay sugtey inta laga ansixinayo.

 

Markii maanta uu soo yeerey warka ku saabsan ansixinta Cumar, Puntland waqti baddan kuma qasaarin in ay maalin u sugto ku dhawaaqida go’aankeeda, madaxweyna Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo farxad la burqanaya ayaa warfidiyeenada u sheegey in ay si buuxda u taageersanyihiin magacaabista Cumar Cabdirashiid , wuxuuna intaasi ku daray in ay ka fillanayaan dowlada isagoo Cumar si gaar ah u magacaabaya in uu dajiyo Soomaaliya inteeda kale.

 

Puntland markasta moowqifkeeda waa cadaa, waxayna qabtay in haddii aanan la siinin qof reer Puntland ah, oo waliba reer qansax ah, 3 –da jaggo ee dowlad kasta ugu sareeyo midkood, aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo lasoo dhiso, taasina waa ay suuragashaa maadaamaa maamul dhisan oo xoogan ay yihiin.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

This is very funny. Yesterday, Puntland publicly opposed the government and now when their son is picked for prime minister made a 360 degree turn. Now what do you call that?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

That's what everyone does in politics. You're right Puntland opposed it at first and made a lot of noise and in the end got what they wanted. But unlike our southern brothers, we didn't use bullets and missiles. They wage a war and got the presidency, Puntland used their voices (i.e threatening to breakaway, not to recognize the new government...etc.) If Puntland had stayed quiet they probably wouldn't have gotten the Prime Ministers post. It was quite brilliant to be honest. This tribalism claim is ridiculous, Puntland wanted to make sure they had a strong foot in the Federal Government and have someone who would be able to protect their interests. Can you blame them?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by somalipride:

what they wanted

we didn't use

They wage

used their voices

they probably wouldn't have gotten the Prime Ministers post

Can you blame them?

Can you explain this please? Who is we and who is they and them? The prime minister post belongs to a Somali , does what region someone is from matter? I understand the 4.5 system is still in business but that must be followed by one's qualifications.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Najmudin

 

^LOl. Actually it is more of tribalism.

 

We and they and them is the tribalism you just accused Puntland of promoting. Although I don't believe it had anything to do with tribes, because if that's how Puntland thought, they would have just broken away like Somaliland did as a tribe. So please don't accuse Puntland of tribalism and then say the PM job belongs to a Somali. So the government of Puntand stat of Somalia has worked hard for it's peace and to organize their resources and take care of it's people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ You hope so?

 

Puntland waxay si cad u qayaxday markani in Puntland dad gaar ah la yiraahdo oo aysan ku jirrin beelaha kale sida kuwa degge Laascaanood oo jagadani la rabay Cali Khaliif Galayr oo kasoo jeeda, tanina waxay meel fog geeysey beelaha markii horeba dareensanaa in Puntland ay tahay magac ay dad gaar ah ku awr kacsadaan oo aan iyaga matalin.

So sagaaro ima barato.. ragba laga sheegay. Waxaa ayaan darro ah in rag qaarkii weli ka dhursugayan oo isu qaban in aay PL yihiin. Markii busaaradu jirtana waa laga dhiga markii roobku da'na luguma tiriyo! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this