Sign in to follow this  
me

Puntland elders against Ethiopians and their stooge AY

Recommended Posts

me   

Waxgaradka ,Aqon-yahanka Iyo Isimada Beesha Gobolkada SSC Oo Cambaareeyey Dagaalada Iyo Xasuuqa Ay W

Warkii 07-Apr-2007 iyo Qormadii: afnugaalnews

 

Waxgaradka ,aqoon-yahanka iyo isimada kasoo jeeda beesha dhul-bahante ayaa cambaareeyey dagaalada loo adeegsanayo dadka shacabka ah ee loo adeegsanayo ciidamada xukuumada Ethiopia islamrkaana lagu xasuuqay kumanaan ,kuna barta keceen kumanaan kale ee ka dhacaya magaalada muqdisho .

 

Isimada iyo waxgaradkan kasoo jeeda beesha degta gobolada sool ,sanaag iyo cayn oo maanta kulan ku yeeshay hotel tawakal ee magaalada muqdisho ayaa ku tilmaamay kooxda ay ku sheegeen kooxda c/laahi yuusuf inay yihiin inay umulo dooxyo yihiin islamrkaana aysan qaadi Karin masuuliyad wadan dhan taasoo ay ku sheegeen cambaarayntoodan miday ku dhan yihiin aqoon yahanka beeshan iyo waxgaradkoodu meel kasta oo ay joogaan waa siday sheegeene .

 

 

Waxaan wax loo dulqaato ahayn ayay yiraahdeen odayaashan iyo waxgaradkani mida laga wado guud ahaan wadanka soomaaliya gaar ahaana magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo weliba ayay yiraahdeen dadka maatada ah ee loo adeegsanayo taanigiga iyo ciidamada sida aadka u hubaysan ee ka soconaya deegaanada cagaare oo ay wadaan kooxda c/laahi yuusuf waa siday sheegeene .

 

 

Axmed dubad oo kamida waxgaradka baaqan wax kasoo saaray ayaa carabka ku adkeeyey inay beesha ay kasoo jeedaan ay markastaba ama weligoodba diinta iyo wadaniyada taageeri jireen islamrkaana aysan maanta masiirkooda wax yar siisan doonin

 

 

‘’beesha degta gobolada sool,sanaag iyo buuhoodle weligoodba xaqa ayay u hiilin jireen 21-sano ayay diinta siday u difaaci lahaayeen u dagaalamayeen oo weliba ugu dambayn diyaaradaha ingriiska oo aan afrika duqayn ay noqotay meeshii ugu horaysay ee la duqeeyo magaalada qadiimka ah ee taleex oo ka tirsan gobolka sool ,hadaba maanta oo ay aduunyadu nooqotay mid harumarleh islamrkaana diintuna ay ku faaftay meel kasta ma qaadanayno dulinimo iyo gaalo raac iyo weliba wadankayaga inaan ka iibsano axmaar iyo wax lamida ‘’ ayuu yiri isagoo ayka muuqato cadho xoogan

 

 

Sidoo kale baaqan cambaaraynta ah ayaa waxaa ugu dambayntii ka jeediyey gabayo qiiro badan oo ka sheekaynaya dhibaatada gumaysiga iyo diin la,aanta iyo weliba halganka diinta loosoo maray cabdi aw-jaamac gabayadan oo qaarkood ay lahaayeen halgamayaashii daraawiishtii sida abaanduulihii daraawiishta alle -how raxmadee ismaaciil mire ,oo halkaas ka akhriyey taasoo dadka qaarkiis ay ku qiiroodeen ,sidoo kale waxaa halkaas uu kasoo jeediyey gabaydii qiimaha badnaa ee sayid maxamed cabdulle xasan oo ka sheekaynayey gumaysiga iyo sida uu dadka iyo dalkaba waxii raaca uu u dulaysto.

 

 

Isku soo wada duuboo baaqan camabaaraynta ah ayaa waxaa kasoo qayb galeen isimo ,waxgarad iyo weliba aqoon yahano qaarkoodna ay kaga qayb galeen khadka telefonka oo ay ku sugnaayeen wadamada dibada ayaa ahaa mid si weyn looga soo hor jeedo sida ay sheegeen xasuuqa ka dhanka ah islaamnimada iyo bani aadamnimada ee ay wadaan kooxda c/laahi yuusuf ,taasoo ay ugu baaqeen inuu si deg deg ah u joojiyo dhibaatada baahsan ee uu wado col,c/laahi yuusuf iyo kooxdiisu waa siday sheegeene islamrkaana cadeeyey inaysan inta imaanka iyo diinta leh ee kasoo jeeda punt-land ama gobolada waqooyi aysan kula socon arimahan xasuuqa ah ee uu wado ina yuusuf yey magaalada muqdisho raalina ka noqon doonin shacabka soomaaliyeedna waxay ugu baaqeen inay diintooda iyo dalkooda difaacdaan kana hor tagaan cadowga ay wadaan kooxda yar ee col yuusuf .

 

 

info@afnugaal.com

 

afnugaalnews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Sxb this are just few elders in Mogadishu. If i could see the famaous Garaads talking then that would be something significant. Otherwise Dont you know that ppl from Buuhodleh came out in numbers while demonstrating the support of TFG.?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Sxb this are just few elders in Mogadishu. If i could see the famaous Garaads talking then that would be something significant. Otherwise Dont you know that ppl from Buuhodleh came out in numbers while demonstrating in support of TFG.?

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Originally posted by peacenow:

Positive news. Support is draining away from the TFG, very fast. Does anyone have a english translation of this?

Af Soomaali baro dee smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

u call this af somaali!! check this shyte out.

 

(Waxgaradka ,aqoon-yahanka iyo isimada kasoo jeeda beesha dhul-bahante ayaa cambaareeyey dagaalada loo adeegsanayo dadka shacabka ah ee loo adeegsanayo ciidamada xukuumada Ethiopia islamrkaana lagu xasuuqay kumanaan ,kuna barta keceen kumanaan kale ee ka dhacaya magaalada muqdisho )

 

what the hell is XASUUGAY!! must be ebonic somali.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Rudy, it clearly says Xasuuqay.

 

Xasuuqay means massacred

 

The language use is below par, you are right on that.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

To my Tolkeyga: Too late...& Too little...

 

History has always been good to us...we have had dozens of heroes who placed Somalinimo above anything else, we have had countless nationalistic and patriotic figures who has been respected by all somalis(respected and adored) but now (meel libaax ka kaceey, Dawaco kasoo shirtagtaa): we are blindly and stupidly supporting the crazziest vampire ever in the history of somalia who's acttually still at age of 99.53 years thirsty like the VAmpire he is for the blood of the little ones in their cribs...

 

Allow sidan noodhaan...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this