Sign in to follow this  
Paragon

The battle re-started...

Recommended Posts

Paragon   

Calls to Mogadishu say that the battle has re-started again around the area of Ali Kamiin. The shelling of civilians has started again...

 

Madaafiicda goobta are pounding Mogadishu again....May Allah keep the civilians safe! Amin

 

Will let you know more later....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deegaanka taleex oo ay ka bilowdeen qax cusub, kadib markii abaabulo dagaal laga dareemay

 

April 3, 2007 Markacadeey.

 

 

Degaanka taleex ee degmada Hodan ayaa manta qax hor leh uu ka bilowdey, kadib markii halkaasi ay ka bilowdeen abaabulo dagaal oo hor leh.

 

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in labo maleeshiyo oo iska soo horjeedo ay halkaasi abaabulo ka wadaan, kuwaasi oo wararka ay leeyihiin waxaa suuro gal ah in saacadaha soo socda ay isku dhacaan.

 

Maleeshiyaadka qaarkood ayaa taageersan golihii maxaakiimta iyaga oo doonaya in ay jid gooyooyin ka sameystaan halkaasi, weerarana ku qaadaan gaadiidka ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiyaanka ee halkaasi maraya.

 

Maleeshiyaadka kale ee ka horjeeda waa kuwa madaniga deegaanka oo ka horjeeda in deegaanka Taleex laga abuuro dagaalo, iyaga oo ku doodaya in xilligan aaney u dul qaadan Karin dagaalo.

 

Dadka deegaanka ayaa la arkayay qaarkood iyaga oo isaga qaxayay deegaankaasi, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaalada Muqdisho ay ku soo fidaaan waxyeelana ay gaarsiiyaan.

 

Deegaano badan oo dagaalada ka dhaceen ayaa markii hore dagaalada ay uga bilwodeen abaabulada sidan oo kale ah.

 

 

Maxamed Cali Madka

Xafiiska Markacadeey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

War deg deg ah Dhawaqa rasaasta oo mar kale dib ugu bilaabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay dhacayaan madaafiicda Bm iyo hoobiyasha, qoryahay daran dooriga u dhaco dagaalkaan ayaa ilaa iyo hada aysan cadeynin cida bilowday xabada oo jabisay hishiiskii xabad joojinta wixii ku soo saaído dib ayaan idinkala socodsiin doona

 

http://www.yaaqshid.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Insha-Allah waxaan rajeyneynaa in ilaahey uu guusha siiyo Muslimiinta iyo dhalinyarada naftood hurayaasha ah ee cadowga ilaahey is hortaagay!

 

Ilaahow guusha sii, oo gumacooda ka dhig mid cadowga haf iyo huf ka dhiga! Ilaahow adaan ku leenahay, itoobiyana america eyey leedahay, ee noo hiili, yaa raxiim yaa caziiz!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good,this means that the Drill is still on though i dislike the fact that they stopped for a while.What we need is to push them and give them no chance whatsoever,no chance to breathe,no chance to collect their wounded,no chance to treat their casualty and no chance to let them organize.Push,push and Rain the fire on them must be a principle that must be put to practice and beyond.The truth is,this must go on until the enemy is completely non-existent.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ku wan baaba iigu daran dhahay waxaan nahay meeshiyada xaa fada mar gadal lagu lajiro ethopians

 

do they really believe that they will keep their guns

Share this post


Link to post
Share on other sites

Paragon et al, I think it will take some time before another battle starts. Xamar is relatively quite today.

 

 

Shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Beesha ****** iyo Saraakiisha Itoobiya oo heshiis hordhac ah lagu gaaray.

 

Talaado, April 03, 2007(HOL): Shir ay galabta ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddi ay magacaabeen Odayaasha Beesha ****** iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka wada arinsanayay sidii loo joojin lahaa dagaalladii Muqdisho ka socday ayaa lagu gaaray heshiis hordhac ah.

 

 

 

Shirka ay labada dhinac yeesheen oo socady muddo seddex saacadood ah ayaa dood dheer kadib waxay labada dhinac soo saareen labo qodob oo kala ah in la sii adkeeyo xabad joojin ay labada dhinac horay u gaareen iyo in la aaso maalinta berri ah meydadka daadsan xaafadihii dagaallada ka dhaceen, iyadoo fulinta qodobkanina loo xil saaray guddo min labo xubnood ah oo labada dhinac kala metelaya.

 

 

 

Sidoo kalena labada dhinac waxay isku af-garteen in 5ta bishan ay shir kale isugu yimaadaan, isla markaana ay sii amba qaadaan heshiiska ay wada gareen iyo qodobada kale ee horyaala, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay labada dhinac aad isugu adkeeyeen in ay is-aaminaan.

 

 

 

Heshiiskan hordhaca ah ee ay wada gaareen labada dhinac ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana heshiiskan uu rajo geliyay dadka Muqdisho oo iyagu aad ugu haraadan nabad iyo in ay ka dhamaadaan dagaallada ay waxyeellada ka soo gaareyso.

 

 

 

Sidoo kalena shirka ay wada yeesheen Guddiga ka socday Odayaasha Beesha ****** iyo Saraakiisha Itoobiya ayaa wuxuu yahay mid aan looga hadlin shuruudo ay labada dhinac isku xirayeen oo ay ka mid yihiin in ay Ciidamada Itoobiyaanka fariisimadooda dib ugu laabtaan, taasi oo ka imaaneysay dhinaca Odayaasha Beesha ****** iyo in ay Ciidamada Itoobiyaanka doonayaan in ay sii wadaan howlgalka, isla markaana ay guryaha baaraan.

 

 

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, heshiiskan ay labada dhinac wada gaareen ayaa ah mid aaney qeyb ka ahayn Dowladda Federaalka oo iyada la sheego inay u yeeratay Ciidamada Itoobiya, sidaas darteedna waxay dad badan shaki ka muujinayaan in uu dhaqangalo heshiiska ay wada gaareen Odayaasha ****** iyo Saraakiisha Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka la sheegay maanta ma aheyn mid baahsan oo dhinac walba ah, wuxuu ahaa amxaaro meel rabtay ineey ka baxdo oo dhankaas madaxtooyada u cararto, sidaas ayaa la isku xabadeeyay.

 

Wax kale ma jiraan haatan, magaaladuna waa shibeey shib, oo difaac ayaa lagu kala jiraa.

 

Midaan isku sheegaya inuu Askari ahaan jiray, muxuu u booteynayaa oo meesha sida habraha camal catowga u wadaa, muu isku dayo inuu dagaal ula tago Mujaahidiinta Soomaaliya, inta uu nacnac ka wado behind the screen?

 

Caku iyo doofaar aan damiir laheyn!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this