Sign in to follow this  
General Duke

Puntland election final list of candidates

Recommended Posts

Musharaxiinta ku tartamaya Hanashadda Kursiga ugu sareeya Dowlad Goboleedka Puntland iyo Ku-xigeenkiisa ayaa si rasmi ah loo shaaciyay

 

Garoowe (Radiolascaanod.com) 07/01/05: Gudida Qabanqaabada Diyaarinta Doorashada Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta shaaciyay Liiska Magacyadda musharaxiinta u tartamaya jagadda Madaxweynenimada iyo Madaxweyne Ku-xigeenka. Gudidan oo ka kooban 7 xubnood waxay sheegeen in maalinta sabtida oo taariikhdu tahay 08/01/2005, saacaduna tahay 0800 AM (saacada Geeska Africa), cod bixintu bilaabmi doonto, si Live ahna warbaahintu u soo tabindoonto.

 

 

Liiska Musharaxiinta ee Gudida Qabanqaabadu shaacisay ayaa u qornaa sidan:

 

1) Musharax Maxamed Cabdi Xaashi (oo hadda ah madaxweynah Puntland)

2) Musharax Cadde Muuse Xirsi

3) Musharax C/raxmaan Maxamed Faroole

4) Musharax Abshir Muuse Xirsi

5) Musharax Caasho Geelle Diiriye.

 

Dhinaca kale Liiska Musharaxiinta u tartamaya Jagadda Madaxweyne ku-xigeenka ayayna iyana maanta shaaciyeen, wuxuuna u qornaa sidan:

 

1) Musharax Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) (oo hadda ah M/ku-xigeenka Puntland

2) Musharax Axmed Cabdi Xaabsade

3) Musharax Xuseen Ceegaag Obokor

4) Musharax Cali Magan Nuur

5) Musharax Xassan Daahir Afqurac

6) Musharax Baashe Cali Jaamac

7) Musharrax Cali Ciise Cali

 

Dhinaca kale Gudidu waxay liiska tartamayaasha ka saareen sadexdii musharax ee tanaasulay oo kala ahaa sidan:

 

1) Carfi Jaamaca

 

2) Dr. Cali Caydiid

 

3) Xassan Geerash

 

Marka laysku soo wada duubo maalinta berito ah, saacaduna tahay 0800 subaxnimo, dunida waxay si Live ah ula socon doontaa loolanka cod bixinta, habka cod bixintu u dhacaysaana waa qarsoodi ah, siday gudidu cadaysay.

 

Maamulka Puntland iyo Shacabka Puntland waa kuwii suurta galiyay masiiraha cusub ee Ummadda Soomaaliyeed, iyo mustaqbalka cusub ee soomaaliyi maanta higsanayso. Guud ahaan shacabka Puntland waxay u bislaadeen habka siyaasadda qabow iyo nidaamka dimoqraadiga ah, waxayna ku caan baxeen inay muujiyaan mar walba isu tanaasul iyo is xaq dhowr.

 

Dowlada Cusub ee maanta talada Dalka Soomaaliya haysta waxaa dhashay Dowlada Puntland, sidaas oo kale waxaan shaki ku jirin inay shacabka Puntlandna abuurayaan jiil cusub iyo siyaasad dabacsan iyo horumar wax ku ool ah.

 

Guulaha Dowlad Goboleedka Puntland gaadhay sanadkan ee dhinaca dimoqraadiyada ah waxaa ka mid ah:

 

1) Sidii kalsoonida lahayd ee ay u kala direen Golihii Baarlamaankii hore, kuna soo doorteen Golle Baarlamaan cusub oo ka kala socda dhamaan beelaha dega gobolada Puntland.

 

2) Sidii xushmada laheyd ee ay u doorteen Af-hayeenka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Labadiisa ku-xigeen.

 

3) Sidii mudnaanta lahayd ee ay isugu tanaasuleen, iyagoo musharaxiinta tanaasulay qadarinaya danta guud iyo duraafaha maanta lagu jiro.

 

4) Sidii ay musharaxiintu ugu hogaasameen talooyinka gudida qaban qabada Puntland.

 

Radiolascaanod.com Desk News

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   
I'm hearing rumbles that Faroole has a very good chance and may well sweep the whole event. I think he will do better than expected. But ina Xaashi was very smart in convincing the 3 candidates from Sool to back out of the race, this will lock up all 15 votes from that region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this