Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Nur Cadde to Visit Asmara

Recommended Posts

Raysal wasaaraha Dalka Somalia Nuur Xasan Xuseen ayaa waxaa la filayaa inuu maanta ka dago magaalaad Asmara ee xarunta mucaaradka Dawlada KMG ah ee somalia ee Dalka Eritrea.

 

 

Raysal wasaaraha dalka Somalia ayaa la filayaa inuu kooxahaasi kala soo hadlo sidii ay Dawlada KMG ah ee Somalia uwada hadli lahaayeen una wada shaqayn lahaayeen iyadoo intii uu xilka hayay Raysal wasaare Nuur Cadde uu aad xooga usaaray siday mucaaradka iyo Dawladu uwada hadli lahaayeen.

 

 

 

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiinta dalka Eritrea ayna ka wadlaan sidii Dawlada KMG ah ee Somalia iyo Eritrea ay uwada shaqayn lahaayeen iyadoo dalka Eritrea uu marti galiyay kooxaha kasoo horjeeda Dawlada KMG ah ee Somalia.

 

 

 

Sarkaal sare oo katirsan Dawlada KMG ah ee Somalia oo magaciisa ka gaabsaday soona xigatay TV-Al-Jaziira ayaa waxa uu sheegay inuu Raysal wasaaruhu uu tagi doono maanta xarunta mucaaradka ee Asmara halkaas oo ay wadahadlo ku dhex mari doonaan.

 

 

 

Nuur Cadde ayaa horey usheegay inuu wada hadal dhanka taleefoonka ah ay yeesheen Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyah Ururka loogu magacday dibu xoraynta dalka Somalia kaas oo ay kaga wada hadleen xaalada dalka Somalia iyo sidii xal nabad galyo loo gaadhi lahaa.

 

 

 

Dhanka kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inay suurtagal tahay inay lakulmaan Dawlada KMG ah ee Somalia wada hadalana yeeshaan taas oo mudooyinkii horey aan lagu arki jirin kooxaha kasoo horjeeda Dawlada inay sameeyaan tanaasulaad dheeri ah.

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Probably the first time in history a Somali P.M(so they call him) has left from Adiss Ababa to meet the "mucarad" in Asmara. You can see dhibatada Soomalida from there walahi.

 

 

Meeting Sheikh Shariff is only part of a solution. The mans power( he didn't have much before) has immensely declined since he went to Asmara. Although some of the core of the I.C.U such as Sheikh Ibrahi Suley are still loyal to the Islamic Courts. The ones who gained popularity and are still attempting to monopolize the Jihad in Somalia are the group led by Sheikh Fuad, Ceyrow and Abu Mansur etc. etc.... Of course the T.F.G wont be allowed to meet these people as they are seen as International Terrorists. I believe Hassan Turki is still loyal to the I.C.U, but his ideology is more closer to Abu Mansur and co. And he is still considered an international terrorist. Thus, whatever Sheikh Shariff and Nur Cade promise or say will be dismissed or politically rejected by the hawks on Both sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

GJ - first Nuur Caade is not going to Asmara. Secondly, yes there is a projected meeting between him and the two Shariifs and other delegates from Asmara. And that is not part of the solution, infact it is paramount. Plus I agree with you that he does not want to meet with Turki,Cayro, Mansoor and co. and that is mutual. But meeting Sheikh Sharif and agreeing on something will subsequetally alienate the Shabab factor. Thus the latter group will have a monumental ,solid and aggresive opposition to their trade mark 'fundementalism'. That is what Nuur Caade is building up to. He is more resolute and visionary the PM, than the bragging president Yeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh shariif sh, axmed oo Hore u ahaan jiray gudoomiyihii Gudiga fulinta ee Golaha maxaakiimta soomaaliyeed islamrkaana xiligan gudoomiye u ah ururka la baxay Dib u xoraynta soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inay Diyaar u yihiin Inay dowlada FKMG ah La Heshiiyaan balse ay Doonayaan inay Ciidamada Ethiopia dalka iskaga Baxaan.

 

 

shariifka oo xiligan ku sugan Magaalada Dooxa ee wadanka Qadar ayaa saxaafada u sheegay inay ka dhiidhiyaan cadowga dalka haysta oo ula jeeday ciidamada ethiopia inay wadanka iskaga baxaan tasina ay sahlayso ayuu yiri wada hadal ay yeeshaan iyaga iyo dowlada KMG ah .

 

Sidoo kale sh,shariif ayaa saxaafadu weydiisay malaga yaabaa hadii ay ciidamada ethiopia baxaan inaad markaas dagaal ku qaadaan dowlada islamrkaana aad ka saartaan dalka sidee ayaa laysu aamini karaa ,sheekha ayaa ku jawaabay waxaan u malaynayhaa inaysan jirin xataa hadii ay dhacdo taasi inaysan jirin shacab u baahan iminka dowlad ku sheegan.

 

Dhinaca kale shekh shariif ayaa meesha ka saaray inaysan suurtoobayn ciidamada Ethiopia oo dalka ku sugan inaysan jirin wax heshiis ah uu suurtoobaya balse ay soomaalidu isa hor fariisan karaan oo aysan diidanayn inay dowlada FKMG ah la Hesiiyaan .

 

Waa markii ugu Horaysay ee ururka dib u xorayntu ay sheegaan inaysan diidanayn heshiis iyaga dowlada FKMG ah dhexmara islamrkaana ay hore ugu cel celiyeen inay ciidamada Xukumada Ethiopia dalka iskaga baxaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka laga helayo Ilo Muhiim ah oo xog ogaal u ah masuuliyiinta dowlada KMG ah ugu sar sareeya ayaa sheegaya inuu durba Khilaaf soo kala dhex galay labada masuul ee ugu sareeya dowlada FKMG ah ee madaxweyne C/laahi yuusuf iyo weliba Raysal wasaarihiisa Nuur xasan xuseen (Nuur cade).

 

 

KHilaafkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay dadaalo fara badan iyo Meelo badan oo Nuur cadde u galay sidii uu khilaafka daba dheeraaday ee soomaaliya u dhamayn lahaa oo la sheegay inuu madaxweyne yuusuf ka biyo diiday arinta oranaysa in Xoogaga mucaaridka ee fadhigoodu yahay Magaalada Asmara ee wadanka Eretariya oo raysal wasaare Nuur cadde doonayo inuu ugu tago fadhigooda si uu ula meel dhigo xaalada cakiran ee wadanka soomaaliya ku jiro.

 

Dhinaca kale khilaafkan oo durba soo shaac baxay ayaa la sheegay inuu madaxweynuhu ka Taagan yahay in Mucaaridka Asmara ay Qaarkood ay Yihiin waxa Loogu Yeero Argagixisada caalamiga ah .

 

Si kastaba ha ahaatee khilaafkan xoogan Ee durba soo kala dhex galay labada masuul ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogaga Asmara ee dowlada kasoo Horjeedaa ay soo dhoweeyeen imaatinka raysal wasaare Nuur cadde uu Imaanayo magaalada Asmara ee wadanka Ereteriya .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

:D Aniga maalin hore maxaan idin iri? Soo maan idin oran Nuur Cadoow iyo Yey qoortay isla geli doonaan, oo ma aanan oran Nuur Cadoow waa Shariif Xassan in the making? smile.gif

 

Apparently Cadoow iyo Yeey wey is af-dhaafeen while Cade Muse was in their company. It has been rumoured that Cade Muse brought up Puntland's proposed exploration project, and that Nuur Cadoow told him the matter is up to the federal parliament.

 

Then, it was said, Cade Muuse became angry and started hurling insults at Nuur Cadoow, calling him and his tribe some names . If this is true, it might have been a true Sharuur, anagana subaggaan ka marsan lahayn were we to be present smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Wararka laga helayo Ilo Muhiim ah oo xog ogaal u ah masuuliyiinta dowlada KMG ah ugu sar sareeya ayaa sheegaya inuu durba Khilaaf soo kala dhex galay labada masuul ee ugu sareeya dowlada FKMG ah ee madaxweyne C/laahi yuusuf iyo weliba Raysal wasaarihiisa Nuur xasan xuseen (Nuur cade).

What does it cost to hear what the Asmara group have to say or what they want? By turning them down, what will Yeey accomplish? More than likely, another death, perhaps many deaths. I fully support the PMs stand on this, and applaud both his efforts and courage of doing a complete 360 on the pigheaded, and hell-bent, Yeey.

 

No one should hold their breath waiting for Yeey to change anytime soon. He is to Hitlerized for that..he'd be happy with killing most of reer Muqdisho and letting a few live as slaves..

 

I am so thankful somebody finally stood up and refused to take such xaar from Yeey...

 

Way to go Mr.Cadde..

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by Centurion:

^^

 

Bit of an akward chap though, what?

I read the news a couple of days back that the premier would meet Javier today. Thanks for the link.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this