Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xalay kulan afur iyo casho ah la qaatay qaybaha kala duwan ee bahda Garsoorka dalka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Saleebaan Warsame Guuleed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka Cabdisamad Cumar Maal, Qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, xubno ka tirsan Guddida Cadaaladda, Guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaar kamid ah Ku xigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud, masuuliyiinta Ururka Garyaqaanada ee SOLLA, Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa xalay kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.

Nuxurka kulanka ayaa ku qotomay is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku Qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee Garsoorka, waxa sidoo kale qayb ka ahayd is cafin iyo isku laab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duugan yahay.

Wa bilaahi tawfiiq.
Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this