Sign in to follow this  
Juje

Sheekh Daahir Aw Cabdi on Bosaso Demo

Recommended Posts

Juje   

Sheekh Daahir Aw Cabdi “dadka qaadka inta ay soo cunaan ee marqaansan ee magaalada lagu soo dayay ayaa qaadaya mas’uuliyada dadka dhaawacmay….”

sheikh-dahir-aw-abdi.jpg

 

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa salaadii Makhrib kadib waxa uu si kulul uga hadlay falkii ay galabta ciidamada P.I.S ee loo yaqaano “Ashahado La dirirka” kula ka ceen Sheekh Cismaan Shire.

Sheekh Daahir ayaa sheegay in qaabka loo qabtay Sheekha ay tahay mid aad looga xumaado wuxuuna sheekh daahir oo arintaas ka hadlaya yiri ” Sheekh Cismaan ayay xabadu ku dhaceysay isagaana la qabtay qaabka loo qabtayna qaab xun buu ahaa qaabkaads ayuu warku igu soo gaaray arintaana waan ka xunahay oo waan ka xunahay”

Waxa uu sida oo kale sheekh Daahir ka hadlay cida qaadaysa mas’uuliyada waxa galabta ilaa makhribadii ka dhacayay magaalada wuxuuna yiri ” dadka qaadka inta ay soo cunaan ee marqaansan ee magaalada lagu soo dayay ayaa qaadaya mas’uuliyada dadka dhaawacmay bur burka dhacay iyagaana mas’uuliyada qaadaya”.

Sheekh Daahir ayaa si kulul u weraray Kooxda Ashahaado la dirirka wuxuuna sheekhu xusay in ay dhibaato ku yihiin aminiga guud sidoo kalena ay yihiin kowo dhib ku ahay shacabka qeybihiisa kala duwan wuxuna sheekh yiri isagoo arintaas ka hadlaya ” ma ahan in ashahaado la dirirku ay dadka dhibaan dhibaatadana iyagaa wada ma ahan in dadka ay dhibaato u keenaan … dad marqaasan oo qaad soo cunay ma ahan in maalin walba ay magaalada rasaas ka ridaan oo amaanka ay khal khal galiyaan”

Dhinaca kale waxa uu sheekh daahir ka hadlay in loo baahan yahay in la iska qabta kooxda Ashahaado la dirirka sidoo kalena ay maamulku arintooda wax ka qabtaan.

Sheekh daahir ayaa xusay in Sheekh Cismaan uu yahay nin wanaagsan wanaaganka ka shaqeeya wuxuuna yiri ” Sheekh Cismaan waxaan ku naqaanaa in uu yahay nin wanaagsan oo masaajida dhisa dugsiyada quraanka dhisa kana shaqeeya arimaha dacwada”

Sheekh Daahir waxa uu dhinaca kale Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaso ugu baaqay in ay arinta dajiyaan qalalaasada ay ka daayaan magaalada amnigeedana aysan wax u dhimin.

Hadalka uu Sheekh Daahir Salaadii Makhrib kadib uu ka jeediyay masjidka Rowda ayaa waxaa mar qura masjidka is qabsaday tabiir ah ” alaahu akbar ” taasoo timid kadib markii uu sheekhu si kulul uga hadlay falka loo geystay Sheekh Cismaan.

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this