Sign in to follow this  
Cowke

Cismaan Buur Madoow:Shariifka xilka ha iska dhigo, intuu joogo waxba hagaagi mayaan

Recommended Posts

Cowke   

Cismaan Buur Madoow:"Shariifka xilka ha iska dhigo, intuu joogo waxba hagaagi mayaan"

 

"Aniga waxaan qabaa halka caalamku ka leeyihiin Shabaabka meesha ha laga saaro in shariifka laga saaro, waayo Shariifka oo jooga waxba hagaagi mayaan" sidaasi waxaa yiri ninka ku soo caan baxay magaca Boqor Cismaan Buur Madoow oo sheegta inuu ka mid yahay odayaasha dhaqanka ee maamulka la baxay Somaliland.

 

"Nimankan wadaadada Ama Shabaab Aniga fekerkooda ma taageersani, mana aaminsani in ay wax wanaagsan iyo diin yihiin in dadka qadaadka laga gowraco" ayuu mar kale yiri.

 

"Waxaan ka xumahay nasiib darada heysata dadka reer koonfureed oo 20 sano ka badan lagu dul dagaalamayo, oo nabad la'aantii ay ugu darsoontey diin la'aan, waayo wadaadadii diinta u hayay ayaa si kale u dhigaya". ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cismaan Buur Madoow.

 

"waxaan qabaa dagaal waxba laguna keenayee nabad ha la doono" ayuu yiri.

 

Cismaan Buur Madoow Wuxuu ka mid yahay odayaasha Somaliland ee indhaha ku haya wax ka soconaya koonfurta Somalia.

 

Ahmed Ali Naji

DunidaOnlin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this