Sign in to follow this  
Dhubad.

Mogadishu - Qiimaha Hubka oo Kor u Kacay

Recommended Posts

Dhubad.   

Qiimaha la kala siisto hubka oo sare uga kacay Muqdisho

 

 

Mogadishu 17, March.07 ( Sh.M.Network) Qiimaha la kala siisto hubka fudud ee magaalada Muqdisho ayaa sare u kac ku yimid xilli ay ka sii dareyso xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho.

 

Suuqa Cirtoogte oo ah suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo hubka ayaa maanta ahaa mid si aad ah loogu kala iibsanayay hubka fudud nuucyadiisa kala duwan.

 

Ganacsatada hubka ee suuqa Bakaaraha ayaa shabelle u sheegtay in iibsiga hubka fudud uu yahay mid isi soo taraya tan iyo markii amaanka magaalada Muqdisho uu noqdey mid aan la isku halleeyn karin.

 

Qoriga AK47 ayaa maanta la kala siisanayay suuqa cirtoogte lacag gaareysa 350$ halka horey loo kala siisan jirey 260$ ilaa 300$, Bustooladda nuuca loo yaqaano TT ayaa qiimaheeda waxa uu ahaa 300$ halka horey loo kala siisan jirey 300-200$, taasi oo muujineysa baaxadda uu leeyahay sare u kaca ku yimid qiimaha la kala siisto hubka.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka gaabsaday Magaciisa ayaa shabelle u sheegay in hubka fudud si aad ah looga iibsanayo suuqa, iyadoo hubka waaweyna kala iibsigiisa uu yaraaday.

 

Sare u kaca ku yimid hubka ayaa loo aaneynayaa in uu xiriir la leeyahay falalka amaan darri ee ka sii daraya ee ka taagan magaalada Muqdisho.

 

Dadka hubka iibsanaya ayaa isugu jira kuwo u iibsanaya in ay isku difaacaan iyo kuwo u iibsanaya dano siyaasadeed iyo kuwo kale oo u iibsanaya in ay ku fuliyaan falal burcadnimo.

 

Arimahaana waxa ay ku soo beegmeen xilli dowladda KMG ah ee Somalia ay sheegtay in ay bilaabeyso howl-gallo ay ku sugeyso amaanka Caasimadda Somalia, xilli ay sii kordhayaan weerarada iyo dialalka loo geysanayo dadka rayidka ah.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this