Sign in to follow this  
guraad

Hadraawi In Laascaanood (He said he wants united somalia) .

Recommended Posts

guraad   

Laascaanood: Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo tegey Magaalada Laascaanood "si weyn oo halkaas loogu soo dhaweeyey

by Buuhoodle.net 14.08.03

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo dhowrkii toddobaad ee ina dhaafayba ku guda jiray socdaalkiisii loogu magac daray socdaalka nabadda Hadraawi ayaa maanta waxa u gaaray magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Weftiga hadraawi oo ay soo dhaweeyeen dad aad u badan ayaa waxaa ka mid ahaa Mustafe Sheekh Cilmi, Maki Xaaji Banaadir iyo Shube. waxaa halkaas qudbado kala duwan ka soo jeediyey Abwaan Hadrawi iyo ragii kale ee la socday, wuxuuna markii ugu horeysey Hadraawi uu sheegay mowqifkiisa ku wajahan midnimada Umada Soomaaliyeed oo uu yidhi marna ma kala maaranto, mana kala go'i karto.

 

Socdaalkii dheeraa ee Hadraawi ku soo kala bixiyey meelo badan oo ka mid af Koonfurta wadanka Somalia ayaa waxay qaatay mudo ku dhow 5 todobaad, dhinaca kale Gobolka Togdheer oo abwaanku ka soo jeedo ayaa waxaa jiro dareemo kale duwan oo laga muujiyey Socdaalka Hadraawi ee koonfurta somalia.

 

 

Cali Baashe

Buuhoodle.net, Laascaanood Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
guraad   

Laascaanood, (Somalicity). Waxaa saaka subaxnimadii saacadu markay ahayd 9:45 am. soo gaadhay magaalada laascaanood waftigii uu hogaamainayay abawaanka caanka ah ee Maxamed Ibraahin Hadraawi wafdigaas oo saaka kahor tageen raxan baabuura iyo dadwayne aad ubadan iyadoo lagasoo galbiyay tuulada Ganbadhe oo ku taal bariga magaalada laascaanood. Markay waftigu magaalada soo gaadheen ayaa lasoo dhex-mariyay magaalada kadibna waxa loo gudbiyay Qasriga madaxtooyada ee G/sool.

 

Muda saacada oo nasasha ah dabadeed ayuu waftigu dadwaynaha iyo mas`uuliyiinta deegaanka kula hadleen meel fagaaraha iyagoo sheegay ujeedada socdaal kooda nuxurkeedu ahaa adkaynata nabadgalyada, wuxuu Hadraawi aad u gu mahadnaqay soo dhawaynata dadka reer laascaanood kadibana wuxuu fagaarihii ka sheegay abwaanku mowqifkiisa ku wajahan midnimada Umada Soomaaliyeed oo uu yidhi makala maaranto, mana kala go'i karto. wuxuu intaa raaciyey in safarkiisa nadu u egyahay Magaalada Laascaanood.

 

Waxaa Safarkan ku weheliyay Hadraawi abwaano iyo suxufiyiin kale oo Soomaaliya halkaa soo ay dadwaynaha ugu soo bandhigeen suugaano kala duwan ayku baraarujinayaan waxayna kala ahaayeen Mustafe Sheekh Cilmi iyo Maki Xaaji Banaadir iyo Shube

Intaakadib ayaa abwaan Jaamac Kediye Cilmi ku soo gabagabeeyay gabay uu ku amaanayo wafdigan iyo dadaalka looga baahanyahay dadka soomaaliyeed inuu u galaan soo celintii qaranimadii iyo sharaftii

Maxamed Cali (Somalicity), Soomaalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii Hadraawi oo Safarkoodii ku gabogabeeyay Lascaanood

- Friday, August 15, 2003 at 00:32

 

Laascaanood, (AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Laascaanood soo gaadhay waftigii nabadaynta ee uu hogaaminayey Maxmed Ibraahim Warsame Hadraawi, waftigaas oo si balaadhan loogu soo soo dhaweeyey magaalada Laascaanood.

 

Hadaraawi ayaa dadweynaha magaalada Laascaanood kala hadlay fagaaraha ka soo horjeeda saldhiga booliska ee degmada Laascaanood, halkaas oo uu ka soo jeediyey hadalo aad u qiiro geliyey dadweynaha magaalada Laascaanood, gaar ahaan markuu ku dhawaaqay in uu Soomaaliya oo mid ah aamin san yahay, OO MIDEYSAN.

 

Waxakale oo uu sheegay in uu safarkiisan go'aan saday in uu ku soo gabagabeeyo gobolka Sool, oo ah meeshii ay xundhurtiisu taalay ehelkiisuna ku nool yihiin.

 

Waxa kale oo fagaarahaas ka hadlay Jiif Caaqil Cabdi Jaamac Cabdi Bile oo isaguna ku hadlaayey magaca cuqaasha deegaanka, isago oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin waftigan nabadeynta ee gobolka soo gaadhay, wuxuuna intaasi ku daray in ay taageerayaan nabadeynta ay wadaan waftigani, Sulub Cali Gaas oo ah Gudoomiye ku xigeenta Gobolka Sool ee maamul goboleedka Puntland ayaa isaguna waftigaasi ku soo dhaweeyey fagaaraha.

 

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay abawaan Mustafe Shiikh Cilmi, Maki Xaaji Banaadir oo iyaguna goobtaasi ka tiriyey gabay iyo maanso aad u qiiro badanaa oo ka hadalayey nabadeynta.

 

Abwaanka caanka ah ee Jaamac Kadiye Cilmi ayaa isaguna fagaaraha ka jeediye gabay aad u qiimo badanaa aguna soo gabagabeeyey xafladii balaadhnay.

 

Abwaanka iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa saaka aroornnimadii lagaga hortagey meel magaalada u jirta 50 KM, halkaas oo dadweyn aad u tirobadan iyo gawaadhi gaadhaysa tobonaan lagu soo dhaweeyey, markii danbena magaalada badhtamaheedi si fiican loogu sacabo tumay.

 

Abwaanka iyo waftiga uu hogaaminay oo ay ka mid yihiin, abwaaniin badan oo caan ahi waxaa ka mid ah.

 

Mustafe Shiikh Cilmi, Maki Xaaji Banaadir, C/qaadir C. Shube , Cabdi Muxumed Amiin, abwaaniintan ayaa waxa ay aad ula yaabeen sida ay magaalada Laascaanood u fiday horumarkana u gaadhay iyadoo qaar ka mid ah abwaaniintay ay ugu danbeysay mudo aad u fog.

 

Asad Cadaani Ibraahim

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this