Sign in to follow this  
Member-sol-

Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in ay la Dagaalami Doonaan ciddii u hogaansami weyda He

Recommended Posts

Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in ay la Dagaalami Doonaan ciddii u hogaansami weyda Heshiiska Jabuuti

By Somalimirror on 9 Nov, 2008 11:58 PM in Main, Wararka

 

Xoghayaha Arrimaha gudaha Isbahaysiga Dib u xoraynta Garabka Jabuuti Cumar Xaashi Aadan kana mid ah gudiga Amniga ee ay wada dhisteen Isbahaysiga iyoDKMG ah ayaa waxaa uu maanta ku hanjabay in Xoogagga Muqaawamada ee u hogaansami waaya heshiiska Jabuuti ay la dagaalami doonaan.

 

“ annagu Dawlad midnimo qaran baan rabnaa in aan helno, in Ciidamada Itoobiya dalkeena ka baxaan oo xabadda laga daayo ayaan rabnaa, kuwa diidan ee wali dagaallada iyo Xabadda sii wada waan la dagaallamaynaa” ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan.

 

Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay in ay jiraan kooxo nabaddiid ah oo aan marna ogolayn in ay Xabaddu istaagto kuwaas oo uu kala jeedo Xoogagga Dagaalka kula jira Ciidamada gumaysiga itoobiya iyo xulufadooda marka laga reebo inta taabacsan Isbahaysiga jabuuti wuxuuna ku sifeeyay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda dhaqan gelinta Heshiiska Jabuuti.

 

Col. Cumar Xaashi ayaa afka ku ballaariyay in ay Dagaal la gali doonaan cid ka sta oo ka hor imaata Heshiiska uu garabkoodu dalka jabuuti kula gaaray DKMG ah isla markaana wuxuu ku tilmaamay in kooxahaasu ay caqabad ku yihiin bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

 

Cumar Xaashi Aadan ayaa waxaa uu horay uga tirsanaa Baarlamanka DKMG ah ee lagu soo asaasay Magaalada Mbagati ee Dalka Kenya kadibna waxaa uu ku biiray xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah kuwaas oo ugu danbayntii Asmara isbahaysi kula samaystay Madaxdii MMI kaas oo u kala jabay 2 garab, waana nin horay uga tirsanaan jiray ururadii Siyaasadeed ee ay Dagaal oogayaashu horkacayeen isla markaana wuxuu ku luglahaa Jabhadihii beelaha ku dhisnaa ee Dalka ka jiray 17 sano ee la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xagge lagu arkey, nabad ku sheeg dagaalo hor leh hurrisa.

 

Is there anyone out there who still think these oppertunists are sincere about the so-called peace effort.

 

The sooner their ugly plans become clear, the better.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this