Sign in to follow this  
Kamaavi

Isimada Puntland oo Ka Dhiidhiyey Dadkii Xabashida Loo Dhiibey

Recommended Posts

Kamaavi   

Sida ay APL usheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Booliska Puntland, waxa ayna ciidamadaasi saaka uyeereen nabadoon ka mid ahaa Nabadoonada gobalka Bari, oo shalay ka hadlay arrimaha ku aadan in nin udhashay Soomaali Galbeed, loo dhiibay dawladda Itoobiya oo dagaal adag kala dhaxeeyo Jabhada hubeysan ee ONLF.

 

Nabadoonka ayaa ay xireen ciidamada Booliska ee saldhiga Magaalada Boosaaso, waxaana magaciisa lugu sheegay Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ah Nabadoonada gobalkari, isagoo aan la garan Karin sababaha rasmiga ah ee waqtigan saldhiga loo xiray.

 

Qaar ka mid ah Sarakiisha Booliska oo ay la hadashay APL ayaa usheegay in ay soo xireen Nabadoon Af-gaduud, una soo xireen markii ay heleen wararka sheegaya in uu xaqiijiyey jiritaanka warka ah in ay dawladda Puntland ugudbisay dawladda Itoobiya,dad udhashay Somali galbeed, waxaana ilaa shalay soo baxayay warar arintaasi shaacinaya.

 

Saraakiisha ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo lugu xaqiijinayo jiritaanka warkaasi, ah in ay dawladda Puntland udhiibtay dawladda Itoobiya nin udhashay Beesha A'bsame oo lasheegay in uu ka soo laabtay dalka Yemen oo uu ka ganacsanayay.

 

Nabadoonka manta lugu xiray magaalada Boosaaso, ayaa ah nabadoonkii labaad oo ay xiraan ciidamada amaanka ee magaalada Boosaso, waxaana horay nabadoonada gobalka Bari ay ugu kala qeybsameen qaabka loola shaqeynayo nidaamka dawladda Puntland.

 

Lama garan karo waxa uu soo kordhin karo xariga Nabadoon C/casiis Maxamuud Af-gaduud oo ay sakadii hore xireen ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso.

 

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by Jacaylbaro:

quote:Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Jacaylbaro,

 

Inaadeero, dhamaan Somalilanders in this forum waxaan rabaa inaan xaal mariyo ee bal ciddi aan kala xidhiidhi lahaa ii soo sheeg. Koley ama waa adi ama waa AYOUB.

 

Intii Somaliland wax iskaga kaaya jireen saleelo ayey aheyd. Waa dad wixii jira sheegii oo sababeyn. Bal adigu qolyahan jid u saar!!!Waanu wareernay maalmahan. Masiibo.

Inagu weligeeenba waynu is jiidjiidan jirnay hadana maynaan kala dhamaan jirin oo wax waliba way isugu keen jireene ,,,,,,,

 

waakaase ka gar bax kuwaas aad sheegayso ,, imisaan ku lahaa cid ii kaa dhaanta heli mayside aayar soco ,,,
:D
:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

War deg deg ah: “ Cid dhiibtay ma jirto nin udhashay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, dadkii faafiyay warkaas waa been cad, waxa ayna doonayaan Sumcada darada Puntland in ay ka shaqeeyaan” Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Puntland.

28. oktober 2009

 

Garowe(AllPuntland)- AllPuntland oo raadin dheer ugashay xaqiijinta warka sheegaya in dad udhashay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, loo gacan galiyey dawladda Itoobiya ayaa heshay warar hoosaadyo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

 

Xaafiiska Madaxweynaha Puntland ayuu ka soo xigtay AllPuntland in aysan waxba ka jirin arrimahaasi, waxaana Madaxda dawladda Puntland oo ku sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ay qireen in aysan waxba ka jirin in ninkaasi loo dhiibin dawladda Itoobiya oo dagaal kula jirta Jamhada ONLF.

 

Laamaha baaritaanada ku sameeya dadka noocaan oo kale ah ama laga shakisan yahay oo ay sidoo kale la xariirtay APL ayaa sheegay in uu jiro, warka ah qabashada Shan nin, balse ay dawladda Puntland uqabatay nimankaasi in ay baaritaan mariso.

 

Sarkaal sare oo ka tirsan Laanta barista dambiyada dadka lugu tuhunsan yahay ayaa xaqiijiyey in ay meel gaar ah ku hayaan ninka lasheegay in dawlada Itoobiya loo dhiibay, isla markaasna ay Madaxda baritaanadu ay su’aalo ninkaasi ku weydiinayaan gudaha dekeda weyn ee magaalada Boosaaso.

 

Aqalka Madaxtooyada ayaa looga xaqiijiyey AllPuntland.com in lugu soo wargaliyey, madaxda Madaxtooyada Puntland in aysan waxba ka jirin arrimahaasi, markii ay Aqalka Madaxtooyada ku soo dhaceen fariimo uga imaanaya Saaxiibada Puntland iyo taageerayaashiisa oo ku aadan jiritaanka warkaasi.

 

Madaxda Booliska Puntland iyo ciidamada Sirdoonka ayaa si wada-jir ah ugu sheegay APL in aysan waxba ka jirin dad lo dhiibay dawladda Itoobiya, waxa ayna sheegeen in ay guud ahaan hayaan dadka lasheegay in lasoo qabtay, hadana ay ku hayaan baaritaano ayna taasi waajib ku tahay ciidamada amaanka, oo ay Shaqadooda tahay arrintaasi.

 

Saacadaha nagu soo aadan ayay sheegeen dad ka tirsan dawladda Puntland in ay qaban doonaan Shir jaraa’id oo ay ka qeybgalayaan Saxaafada, isla markaasna looga hadlayo warkaas iyo sida ay wax uga jiraan .

 

“ Cid dhiibtay ma jirto nin udhashay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, dadkii faafiyay warkaas waa been cad, waxa ayna doonayaan Sumcada darada Puntland in ay ka shaqeeyaan, ma garan karo waxa laga rabo khilaf laga dhex abuuro Bulshada wada dhalatay, waan maqlay saacadihii ugu dambeeyey, warar ay faafinayeen Saxaafada oo dhan ayna lahaayeen Puntland ayaa dad dhiibtay, taasina waxa ay ila tahay waa wax laga xumaado, in nala ka hubiyo ayaa wanaagsan” Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka gaabsaday magaciisa, isla markaasna ka tirsan Baarayaasha kiisaska dadkan.

 

Itoobiya & Puntland ayaa siyaasiin lasoo xariiray APL ay usheegeen in uusan wanaagsaneyn xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya, tan iyo markii ay dawladda Itoobiya ciidamadeeda sirdoonka oo huebysan ay galeen gudaha magaalada Gaalkacyo oo ay dad ku laayeen qaarna kala tageen, taasoo noqotay mid caro ku beertay Madaxda dawladda Puntland ugu sareysa, keentayna in Itoobiya loo diro warqad deg deg ah oo ku saabsan arrimahaasi, balse jawaabta ay Itoobiya soo bixisay ayaan la garan Karin, ayadoo ay wararku sheegayaan in badalaad lugu sameeyey Sarkaalkii Itoobiya ujoogay Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by Jacaylbaro:

Inagu weligeeenba waynu is jiidjiidan jirnay hadana maynaan kala dhamaan jirin oo wax waliba way isugu keen jireene ,,,,,,,

 

waakaase ka gar bax kuwaas aad sheegayso ,, imisaan ku lahaa cid ii kaa dhaanta heli mayside aayar soco ,,,
:D

War ileen masiibo. War Somaliland intay central committe kuwa ah Ethiopia u gudbiso ayey odhan jirtay anagaa gudbinay sababtaa iyo sababtaa. Wixii dhacaa dhici jiray. Bal adigu xiintadan day dhinacna kuu dhaafayn.

 

-Their president say I don't about it and I condemn it

- Xinn says it is PIS and PIS is suppossed to be from Jupiter! Or perhaps they are UFO

-Their elders and intellectuals decry the act and speak out

- Their police and spokemen say nothing has happened

- Finally, the president orders the arrest of the Suldaan who speaks out

 

XAGEDY SALAADU ISKA QABAN LADAHAY??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Ninka tiriyey waydii, saaxib shaarub. But I must admit I don't know what dhalfo is and where they use it? Af-somaligu badanaa.

 

It is sad you don't see the weighty issue here, but focus on what is not so important. Ma intaasaa hiil kaa ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

it is allegations , we are not sure if any youth handed over to Ethiopia therefore it is not fair to contemn puntland without any proof.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

What else proof one may need when it's a daily activities to arrest, humilate and handle innocent men and poor women to the enemy whilest it's happening infront of all eyes wide open?

 

Talk about damage control instead of looking for hard evidence, when there're abundance.

 

Keni adakaa dadku!

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Waraa if a such act is confirmed i dont think you would ever come across a somali with a sound judgement who would not be sadden but this gabay, however undershoots it's supposedly target.

 

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Ninka tiriyey waydii, saaxib shaarub. But I must admit I don't know what dhalfo is and where they use it? Af-somaligu badanaa.

 

It is sad you don't see the weighty issue here, but focus on what is not so important. Ma intaasaa hiil kaa ah?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this