Sign in to follow this  
Kamaavi

Isimada Puntland oo Ka Dhiidhiyey Dadkii Xabashida Loo Dhiibey

Recommended Posts

Kamaavi   

Qaar ka mid ah isimada Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fal xukuumadu ay rag ugu dhiibtey dowlada Ethiopia, Suldaan Cabdiqaadir Ciise Axmed ayaa sheegey in ay aad uga walaacsanyihiin waxa dhacay.

 

5f3lnp.jpg

 

Suldaanka ayaa ka digey in arrimahani oo kale ay horseedi karto colaad sokeeye oo nasiib daro ah, wuxuuna madaxda Puntland ugu baaqay in ay si degdeg ah wax uga qabtaan falalka noocaasi oo kale ah.

 

Waxaa isa soo taraya codadka dulmi diidka ah ee Puntland dhexdeeda iyadoo arrintani raga lagu dhiibey ay gilgishey meel kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Puntland oo Nabadoon Caan ah Xidhay.

 

Maamulka PL aya xidhay Nabadoon C/Casiis Maxamuud AF-Guud oo ahaa Nabadoonada ugu tunka wayn ee Puntland, Nabadoonka ayaa saaka laga soo wacay xabsiga dhexe ee Bosaaso; isaga oo loo sheegay in danbi loo haytso, Nabadoonka ayaa la xidhay si Sharciga Ka Baxsan. Maha in Nabadoon ama Isin Beeleed la xidho oo sharafta laga qaado.

 

20qu0w.jpg

 

Nabadoon Afguduud ayaa la sheegay inuu VOA- shalay ka sheegay in PL ay ku xad-gutubtay xeerka dadka Soomalida ah, waxana uu canbaareeyay falkaasi loogu gaystay dadka Ogaa'deeniya, Nabadoonka ayaa shucuurta ka cabariyay sida uu uga xun yahay

 

Maamulka PL ayaan ilaa haatan ka hadlin xadhiga Nabadoon, dhanka kale Puntland Kama Aysan Hadlin Raga la sheegay in loo Gacan Geliyay Ethiopia.

 

Shacabka Oga'daaniya ee Qurbaha ayaa bilaabay kulamo joogta oo ay kaga xaajoonaya arimahaasi ee ay PL kula kacday dadka Somali Galbeed, Reer Ogaa'daaniya ayaa wararka qaar sheegayaan inay PL fariin u soo direen ah inay cawaaqib xumo ku tahay Puntland hadii aanay faraha kala bixin arimahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud oo ciidanka Booliska Boosaaso ay Xabsiga u taxaabeen

 

Posted to the Web Oct 28, 08:27

 

Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa saaka xabsiga u taxaabay Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ah Nabadoonada Puntland, Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud ayaa xarigiisa waxaa loo aanaynayaa ka dib markii uu Nabadoonku u ka hadalaya dhalinyaro ka soo jeeda Soomaali Galbeed oo mid ka mid ah sida la sheegayo loo dhiibay Dowlada Itoobiya.

 

Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud ayaa waxaa lagu xiray Xabiga dhexe ee magaalada Boosaaso, Saraakiisha amaanka ee Boosaaso ayaa waxaa ay su'aalo ka wiidiinayaan Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud waraysi uu shalay siiyey Idaacada VOA oo kaga waramaya dhalinyaro Soomaali Galbeed ah oo maamulka Puntlland uu u gacan geliyey Dowlada Itoobiya.

 

Nabadoonka ayaa si geesinimo leh uga hadlay falkii guracnaa ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo Muslin ah loogu gacan galiyey cadow soo jireen ah oo Itoobiya ah ,Waxgarada ,Isimo ,Culimda Puntlland ayaa ka hadlay dhalinyarad la dhiibay waxaan ay si kulul u weerareen Maamulka Puntlland oo ilaa hadda aan ka hadal falka lagu eedeeyey.

 

Isimada waaweyn ee Puntlland oo miisaanka culus ku leh Gobollada Puntlland ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay maareeyaan falalka lagu ugaarsanayo xalna ay u raadiyaan dhalinyarad ka soo jeeda Soomaali Galbeed oo kii laga shakiyaba si sahlan loogu dhiibay Dowlada Itoobiya.

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

^^ Cowke wuxuu oran King Wang bas ayaan wax ka amqlaa
:D

loooooooooooooool ,,,, haa imikuu odhan kings ka ma aha kaasi ,,,, :D

 

 

Nabadoonada ugu tunka wayn

:D:D ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

:D:D ^Labada Nabadoon ka sare ayaaba u eg inuu tun weyne yahay lakiin laandheere nimada in laga wado ayey u egtahay ,,,

 

It is good to see peace loving people who are speaking against the illegal war bussiness that PL admins have made with the minority Tigre regime.

 

The xaq will prevail, as Sophist & everyone would say!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Don't get carried way, Puntland Administration will be giving a press-conference on this issue and clearing up the propaganda that was reported by the onlf mouth-piece.

 

The men arrested are in Bossaso being interrogated and none of them were ever handed over to Ethiopia. The Press Conference will give further details.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Ninkii dhuumanaayee dhabarku muuqdoow!!

 

Yarkan Cowke ay lee yihiin show waa typical low-kuusan. Xishood iyo yaxyax lama yaqaaan!! Been baa lagu sii adkaysanayaa.

 

Cowke, you are an out and out knave.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Cowke:

Don't get carried way, Puntland Administration will be giving a press-conference on this issue and clearing up the propaganda that was reported by the onlf mouth-piece.

 

The men arrested are in Bossaso being interrogated and none of them were ever handed over to Ethiopia. The Press Conference will give further details.

and why the traditional leader is arrested ????

 

will they talk about that too ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Nothing to do with the topic really but I just thought I would tell you that I just came back from Ethiopia. :D

 

Well, not Ethiopia exactly but their Embassy (that's still Ethiopian soil, right?). I saw a Somali man there and smiled at him. He totally ignored me! I bet he was from Puntland (or maybe he thought I was Xabashi, the woman working there did). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jacaylbaro,

 

Inaadeero, dhamaan Somalilanders in this forum waxaan rabaa inaan xaal mariyo ee bal ciddi aan kala xidhiidhi lahaa ii soo sheeg. Koley ama waa adi ama waa AYOUB.

 

Intii Somaliland wax iskaga kaaya jireen saleelo ayey aheyd. Waa dad wixii jira sheegii oo sababeyn. Bal adigu qolyahan jid u saar!!!Waanu wareernay maalmahan. Masiibo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

Jacaylbaro,

 

Inaadeero, dhamaan Somalilanders in this forum waxaan rabaa inaan xaal mariyo ee bal ciddi aan kala xidhiidhi lahaa ii soo sheeg. Koley ama waa adi ama waa AYOUB.

 

Intii Somaliland wax iskaga kaaya jireen saleelo ayey aheyd. Waa dad wixii jira sheegii oo sababeyn. Bal adigu qolyahan jid u saar!!!Waanu wareernay maalmahan. Masiibo.

Inagu weligeeenba waynu is jiidjiidan jirnay hadana maynaan kala dhamaan jirin oo wax waliba way isugu keen jireene ,,,,,,,

 

waakaase ka gar bax kuwaas aad sheegayso ,, imisaan ku lahaa cid ii kaa dhaanta heli mayside aayar soco ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this