Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Gebiley Region

Recommended Posts

Gabilay,(Qarannews)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Md, Axmed Yuusuf Yaasiin saaka ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo loogu wan-qalaayey Gobolka Cusub ee Gabiley.

 

Xafladan oo lagu qabtay Dugsiga Qalax ee duleedka Magaalada Gabiley, waxa ka soo qeyb-galay ka sekow Madaxweyne Ku Xigeenka, Gudoomiye-yaasha xisbiyada Mucaaridka ah, Gudoomiye-ku Xigeenada Labada Gole, xubno ka tirsan xildhibaanada labada Gole, Golaha Wasiirada, Culimo' Salaadiin iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo iyagu ka kala tegay Gobolada ku hareeraysan Gobolkan.

Ugu horreynba waxa halkaa ka hadlay Madaxweyne Ku Xigeenka, oo ku hambalyeey reer Gabiley Gobolka cusub, waxana uu sheegay in Gobolada iyo Degmooyinka lagu qiimayn doono dadkiisa, dhulkiisa iyo wax-soo saarkiisa, waxana uu soo jeediyey in awooda la saaro sidii loo buuxin lahaa kaalinta gobolnimo.

 

Madaxweynuhu ku Xigeenku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay;"Rasuulku wuxuu galay jihaad dheer markii uu jihaadkii ka soo noqday ayuu umaddiisii ku yidhi, waxaynu soo galnay jahaadkii yaraa, waxaynu galaynaa jihaadkii waynaa markaa waxaad galaysaan jihaadkii waynaa, maanta maxaa looga baahan yahay reer Gabiley? reer Gabiley waxaa lagu yaqaanaa wax soo saar, waxaad galaysaan waa jihaadkii dheeraa, waxaan idinku dhiirigelinayaa cidii degaysa ee wax gashanaysa soo dhaweeya, waxaan xusuusanahay dagaalkii labaad ee aduunka ee ay baddu xidhantay ee ay Berberi xidhantay halkii loo soo doontay Hadhuudhka waa halkan.Reer Gabilay waa in aad ku xisaabtantaan berigaas dadku wuu yaraa waxaa laga yaabaa in ay idiin yimaadeen ilaa 20,000 kun oo qof, maanta waxaad ogaataan in ay idiin imanayso gawaadhi waawayn oo doonaysa cunto".

 

 

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu intaa ku daray; "Umaddeenu waxay barteen bariis, waxaynu dadkeena ugu balan qaadaynaa hadhuudhkii, imika waxa la cunaa waa intii bada ku soo jirtay, cid walba way xidhatay waxeedii, waxaa innagu waajib ah in aynu wax beerano, reer Gabiley idinka ayaa la idinka sugayaa. dawladana waxaan ugu baaqayaa, in la keeno mishiinadii lagu ridqayey, waxaan somaliland u soo jeedinayaa somaliland dhul lama kala laha".

 

Madaxweynuhu isagoo ka biyo-diidsan hadalo dhawaan laga sii daayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu yidhi;"Waxaan ka jawaabayaa hadalo aan dhawaan maqlay oo aan xaal ka bixinayaa, ninka reer somaliland meesha uu doono, ayuu degi karaa ninka fidnada wada ayuun baa la iska qabanayaa, kuwaas uun baa loo yeedhayaa oo la odhanayaa adeer fidnadda naga jooji.waliba waxaan la hadlayaa dadka Caasimada u dhashay, Caasimada waxaa soo degaya khalqiga oo dhan ninka yidhaah hebelow ka bax waa in la xidhaa, wax inaga xumaanayaa ma jiraan oo Asxaabtii iyo cid walba waa la wada hadlay, waxaan rajaynayaa in aan halkan ugu dabaal degno wadankeena oo la ictiraafay".

 

Gudoomiyaha Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo oo isaguna halkaa ka hadlaya ayaa sheegay in Gabiley ay u qalanto Gobolnimo, xisbiga Kulmiye-na uu mar kasta uu balan qaadayey in uu magacaabi doono Gobolkan, haddii ay tallada ku guuleystaan.

 

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi;"Waa in aad doorataan dad aan ku qayilin shilinka ummada, oo wadanka wax u qabta, Cadaaladana waa in aad ilaalisaan, Gobolkan lama siin Gabiley oo keliya, waxa la siiyey dhamaan degmooyinkii oo dhan. waxad ogaataan wadamada aynu cadowga nahay, ee cadowga u ah Somaliland wey ogtahay Somaliland cadowgeeda, waananu iska celinaynaa, waa in aynu gacmaha is qabsanaa.waxan idiinku bushaaraynaa Caawa waxanu soo af-jaraynaa murankii, muranku danteena maaha, ee danteenu waa midnimo iyo is jacayl".

 

Waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin cuqaal Salaadiin iyo Wax-garad ka kala yimi gobolada iyo degmooyinka dalka, kuwaasi oo ku dhiirigelinaayey dadweynaha reer Gabiley in ay xejistaan gobolnimadooda, isla markaana ay ilaaliyaan midnimada iyo horumarka Somaliland.

 

 

qaybtii%20labaad%20ee%20gabilay%202.jpg

qaybtii%20labaad%20ee%20gabilay%203.jpg

qaybtii%20labaad%20ee%20gabilay%201.jpg

qaybtii%20labaad%20ee%20gabilay%2012.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o :

u_2d_2008-5-25-21-3-10f_HPIM2119.JPG

When Riyaale leaves office I think his wife can pursue a modeling career with Diane cream....Natural arrinkeedu wuu dhaafey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gediid   

^^^Poolka la galo maad maqlin.Meel kasta sida naalka eey u bilbilqeysaa....That pool I hear only the priviliged aa gala those few unfortunate ones wejiga iyo gacmaha lee ku kooban yihiin.... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this