Sign in to follow this  
Saalax

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Guurtida Iyo Wakiilada U Jeediyay Warbix

Recommended Posts

Saalax   

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Oo Guurtida Iyo Wakiilada U Jeediyay Warbixin Dheer Oo Aad Looga Guuxay.

 

 

“Reer galbeedka iyo dalalka shisheeyaha oo dhana ha u qaadanina inay wanaagiina wada wadaan, wanaagiina lama wada rabo”

 

 

 

Hargeysa(Ramaas) Dis.24, 2009 - Mudaneyaasha Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa maanta fadhi wada jir ah oo ay yeesheen waxay warbixin kaga dhageysteen Weftigii uu Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin Axmed iyo Guddoomiyeyaasha Guddi Hoosaadyada Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo Horumarinta Baarlamaanka, oo booqasho dhawr maalmood ah dalka ugu sugnaa.

 

Fadhigan wadajirka ah ee labada Gole ay ku yeesheen xarunta Golaha Guurtida waxa Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo ay dhinacyada ka fadhiyeen Guddoomiye Ku Xigeenada labada Gole.

 

Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya, oo fadhigaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa Somaliland ku ammaanay nabada iyo nidaamka dawladeed ee aanay wax taageero ah ka helin beesha caalamka.

 

Md. Faarax Macalin oo ka hadlayay ujeedada socdaalkiisa wuxuu yidhi “Anigu hadda kama hadlayo aqoonsigiina iyo aqoonsi la’aantiina awood uma lihi aan kaga hadlo, dawlad baan ka imi dawladuna nidaam bay leedahay, laakiin waxaan u nimi waxa weeyaan inaan aragno xaqiiqda dhabta ah ee Somaliland ka jirta wixii aan idinla qaban karnana aanu idinla qabano. Intaasi waa hadal balaadhan ayaan u malaynayaa. Inaan aragno waxaad qabsateen iyo sida aad u tabaalaysan tihiin oo ay ka mid tahay waddo la’aanta idin haysata dawlad aan la aqoonsanayn garabna aan dibada ka haysan lagama filayo inay adeegyada bulshada wax badan ka qabato.”

 

Guddoomiye Ku- Xigeenku isagoo ka hadlayay qaxoontiga Somaliland ku nool ee ka yimid Dalka qalalaasuhu hadheeyay ee Somaliya wuxuu yidhi “Waxaad u baahan tihiin garab saddex boqol oo kun oo qaxoonti ah ayaa idinku dhex nool waa inaad garab u heshaan, aqoonsi iyo aqoonsi la’aanba waxaanu rabnaa in baanka adduunka iyo caalamka oo dhami ay garab idiin noqdaan, si wadanka nolashiisa kor loogu soo qaado. Dadkana noloshoodu aad u fiicnaato.”

 

 

Md. Faarax Macalin wuxuu ka hadlay doorashada madaxtooyada ee Somaliland ku soo foolka leh waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa waxa weeye waxa idinku soo fool leh doorasho, ninkaad doontaan doorta idinka ayay doorashadu idin saamaynaysaa, laakiin waxaan idiin sheegayaa ma jirto wax lagu gaadhi karo gacan iyo Colaad, shalay baad ka soo baxdeen burbur iyo Colaad. Burbur waad soo aragteen haddana ha odhanina burburkii ayaanu ku noqonaynaa. Ku adkaysta nabadgelyadiina.”

 

“Reer galbeedka iyo dalalka shisheeyaha oo dhana ha u qaadanina inay wanaagiina wada wadaan, wanaagiina lama wada rabo. Marka nin gaal ahi idiin yimaado oo idin yidhaahdo sidan yeela waxaasi dimuqraadiyad ma ahee waxay rabaan inay idin burburiyaan. Isku tashada ayaan idin leeyahay. Dabayaaqadii 2007-dii illaa bilowgeedii 2008-dii wixii Kenya ka dhacay waad ogaydeen. Guddidii dib u heshiisiinta waxa ku jiray oo wadamada galbeedka ka imanayay oo intay noo yimaadaan ayay Anaga nagu odhanayeen idinkaa sax ah, kuwa kalena waxay ku odhanayeen idinkaa saxa ee halkiina ku taagnaada, waxay sugayeen inaanu is layno, illaa markii ugu dambeysay labadii nin ee ugu sareeyay ay yidhaahdeen waar waynu burburaynaa haddii aanu sidan ku sii socone’e aan heshiino. Waxaana la sameeyay dawlad loo dhan yahay waxaana la badbaadiyay dalkii,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku Xigeenka baarlamaanka Kenya.

 

Md. Macalin wuxuu sheegay in Weftigiisu uu dawlada dalkiisa gaadhsiin doono warbixin la xidhiidha xaalada Somaliland waxaanu tilmaamay in shakhsi ahaan aanu waxba ka hagran doonin sidii Somaliland wax loola qaban lahaa.

 

Dhinaca kale, Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida Sh. Axmed Sh. Nuux Furre, oo fadhigaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay weftigaasi waxaanu sheegay in Somaliland ka filayso Kenya inay wax badan la qabato.

 

Sidoo kale waxa hadal aad u dheer oo uu kaga xog waramayo midowgii dalkii hore la isku odhan Jiray Somalia iyo sidii loogu hungoobay fadhigaasi ka jeediyay Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Guurtida.waxaanu si weyn ugu mahad naqay Weftigaasi oo uu ugu baaqay inay dalkoodii gaadhsiiyaan xaqiiqda Somaliland ka jirta.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this