Sign in to follow this  
Nationalist

Damage inflicted on Somalia by Tsunami

Recommended Posts

BAAXADA KHASAARE EE DHULGARIIR BADEEDKA (TSUMANI) IYO SOOMAALIYA???

 

farah.jpg

Organiser of Xafladdi Dowladda CY and Canadian parliament in Ottawa

Faarax Maxamuud Aw-Cismaan

Madaxa, Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya

--------------------------------------------------------------------------------

 

Waxaa sida aad la wada socotaan dhawaan ka dhacay badweynta Hindiya dhulgariir gaystay khasaare ba’an oo naf iyo maalba leh, khasaarahaas haba u badnaado dhanka Qaarada Aasiya sida: Indooniisiya, Malayshiya, Siirilaanka, Hindiya, Maldiif, iyo Taylaaan.

 

Hadaba waxaa caado noqotay hadii belo dhacdo hadba meesha ay ugu waynahay ayaa hesha dareenka dadka iyo midka saxaafadaba, sidaa awgeed waxaa iska caado ah in la ihmaaliyo ama la iska indho tiro meelaha kale ee khasaarooyinku ka dhaceen maadaama belo ka wayn ay ku habsatay meelo kale waa marka loo eego cadadka dadka ku geeriyooday iyo khasaaraha burbur iyo baaba ee ay musiibadaani keentay’e.

 

Sidaa awgeed maadaama aanu Soomaali ahaan ka midnahay dadka ay masiibadaani waxyeelaysay, maadaama aan saxaafadaha aduunka ka hadlin waxyeelada uu dhulgariirkaan iyo fatahaada badeed u gaystay xeebaha Soomaaliya gaar ahaana kuwa badweynta Hindiya, waxaa qofkasta oo Soomaali ah ay saarantahay mas’uuliyad ah in uu arintaan u istaago, haday ahaan lahayd sheegisteeda, haday ahaan lahayd gacan ka geesashadeeda, iyo ka hadalkeedaba.

 

Waxaa fatahaadaan badeed ku nafwaayay Kaluumaysto aad u farabadan kuwaas oo ay musiibadaanu kula kulantay badwayn iyagoo saaran doonyo aan lahayn awood ay isaga celinkaraan baaxada hirkaani watay taas oo lagu qiyaasay inuu dherer ahaan ahaa 400 oo mitir, waxay musiibadaani dhamaan baabi’isay firinjeeradii (talaajadihii) kaluumaysadata soomaaliyeed ay ku kaydsan jireen kaluunka iyo aargoosatada (frozen fish and Lobster) waxay bada raacisay dhamaan laashashkii ama doonyihii kaluumaysi (fishing boats), waxay burburisay dhamaan aqaladii magaalooyinka xeebaha ah.

 

Khasaarahaani wuxuu isugu jiraa mid naf iyo maalba, dhaawaca ay gaysatay musiibadaanina way kala badsadeen magaalooyinka xeebaha ah ee dalka Soomaaliyeed. Dhaawada ugu wayni wuxuu ku dhacay xeebaha u dhexeeya Raas Gardafuul ilaa Hobyo.

 

XAAFUUN

 

hr.jpg

Ras Hafun peninsula

 

Waxaa dhamaan tirtirmay aqaladii ku oolaa magaalada Raas-Xaafuun oo ahayd gacan (golf) dhexgala bada kaas oo markii badu caaridana ay gawaaridu geli jirtay magaalada marka ay bada soo buuxsantana ay magaaladu noqon jirtay jasiirad oo kale. (waa sida xeebtii jaziira iyo qabriga Gendershee).

 

Magaaladaan oo ah magaalo qadiim ah, magaalo ganacsiga kaluumaysiga caan ku ahayd kuna taala meel Istaraatiijik ah marka loo eego marinka gacanka xaafuun iyo inta u dhaxaysa soqodara, halkaas oo ah marinka ay maraan maraakiinba isaga gooshta Afrika, Aasiya iyo Dunida inteeda kale.

 

Hadaba waxaa halkaasi ku guryo waayay dad gaaraya ilaa 8000 oo qof waxaa ku nafwaayay dad ku dhow 100 qof dhaawada ka badan, hantida dhaqaale iyo khasaaraha maal warkiisaba daa.

 

Waxaa kaloo waxyeelo aad u wayni gaareen dhamaan magaalooyinka saaran xeebaha bada Hindiya sida Baargaal Hurdiyo, Bandarbayla, Eyl, Garacad, Hobyo, Mareeg, Cadale, Xamar, Marka, Ceel Axmed, iwm.. Dadka guud ahaan marka la isku daro Soomaaliya oo dank u nafwaayay waxaa ilaa hada la xaqiijiyay 200 waxaa ilaa iminka la’layahay kaluumaysato gaaraysa ilaa 60 , dadka ku baro kacay ama ku guryo beelay waxay gaarayaan ilaa 60, 000 oo qof.

 

Waxaa nasiib daro ah in inagii oo khasaaradaani nagu habsatay aynaan qaylo dhaan iyo mucaawino waydiisan caalamka balse ay inoo hadlayaan ajaanib kuwaas oo caalamka ku dhaleecaynaya sida ay u ihmaalinayaan baaxada waxyeelo ee musiibadaan iyo Soomaaliya, dadkaasna waxaa ka mid ah Jan Egeland oo ah Xiriiriyaha xaaladaha degdega ah ee UN-ta.

 

Hadaba waxaanu ku talinaynaa in dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada jooga ay ka hadlaan arintaan iyagoo adeegsanaya saxaafada la qoro iyo mida la iskala hadloba, iyagoo markaasi ku baraarujinaya shacabweynaha wadamada ay joogaan si ay dadka ku baro kacay ama ku cayroobay musiibadaan ay u helaan musaacado dawo, raashin, hoy, iyo mid taageero dib u dhis iyo gargaar dhaqaale intaba.

 

Sidoo kale jaaliyadaha Soomaliyeed waa inay ugu taba rucaan walaalahood dhamaan wixii ay awoodaan sida kaalmo lacageed (fundraising), mid wakhti iyo xirfadeedba.

 

Shacabweynaha Soomaaliyeed ee dadka gudihiisa ku sugan guud ahaan gaar ahaana ganacsatada waxaan u soo jeedinaynaa inay gargaar la gaaraan walaalahooda ay musiibada rabaaniga ahi ku habsatay, sida taageero raashin, biyo nadiif ah, teendhooyin iyo qalabka dhismaha.

 

Waxaanu hanbalyo u soo jeedinaynaa Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyada Fedaraalka ee Soomaliya Dr. Geddi sida xilkasnimada leh ee uu arintaan uga qaybqaatay isagoo khibrad u leh arimaha gargaarka, isagoo caalamka u sheegay waxyeelada xeebaha soomaaliya guud ahaan ka hadlay, iyo weliba sida geesinimada leh ee uu wakhtigiisa qaaliga ah ugu huray inuu booqasho ku kala bixin doono goobaha waxyeelooyinkaani u badan yihiin.

 

Waa talaabo fiican oo ku dayasho mudan , waa xilkasnimo, taas oo ay abaalweyn ugu hayn doonaan shaqabka waxyeeladu gaadhan marka ay arkaan Ra’iisal wasaarahoodii oo booqanaya laha qaybsanaya dhibaatada Rabaaniga ah ee ku habsatay.

 

Anagu hadaanu nahay ururka Isku xirka iyo Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliyana Arintaan iyo kuwa la midka ah waa waxa aanu u taaganahay wax ka qabadkeena, wixii awoodayada ahna waanu u istaagi doona gacan ka gaysashadeeda, mar hore ayaanuna gudo galnay sidii aanu qayb uga noqon lahayn gargaarka arintaan.

 

Faarax Maxamuud Aw-Cismaan

Madaxa, Ururka Saaxiibtinimada Canada iyo Soomaaliya

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

farah.jpg

 

:D:D:D:D:D:D

 

I am sorry inkastoo masiibo meeshaan ku qoran tahay, I couldn't pass without not laughing at that particular picture. Is jeclaa igaarka.

 

The mentality of telefoon iyo telefashin la isku hor masawiri jiray wali mala aaminsan yahay, xataa qof Odhawa dagan. Mish macquul.

 

Eebana ha u wada naxariisto intii masiibada ku dhimatay, aamiin.

 

ih0246765bu.jpg

The small island far left is Xaafuun

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

^^^^^Looooooooooooooooooool^^^^^^^

:D:D:D:D:D

Spot on maskiin...but that is Nationalist...putiing the picture of his brother on the 'phone' at the expense of the people of Hafuun.

On a serious note I would like to inform our brothers and sisters please donate money to MUSLIM AID ORGANISATION who are directly helping the people of North-East through the regionqal government of Puntland. Please do it is the least you n can do for the over 2000 people who have lost everything they had and are in the brink of starvation and spread of disease.

Once again please say your dua's in the Friday prayers today for our brothers and sisters and the Muslims in Asia who have perished and those who are affected by this tragedy.

 

 

Toll rises in Somalia, a land already ravaged

Share this post


Link to post
Share on other sites
Intel   

Due to the absolute catastrophe that took place in South-East Asia the people of Hafun and its Areas are some-what forgotten.

Brothers and sisters please help out those in need at anyway you can

 

 

and the pic :D:D somalis walle weligod ilbixi mayan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun.

 

Ilaahu una xariiso all this people who were hurt by the tsunami. espcial people of hafuun.

 

walaa xoowla walaa quwata ilaa bilaahi cadiim

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

Ilaahi hau gargaaro umaadeena iyo muslimiinti oo dhan kuu dhimate Tsunamigaan.

 

icon_razz.gificon_razz.gif:D that dude on the pic sure knows how to dress right around the house-picture perfect, photogenic indeed ;) . My guess is tis probably SmithWestern cousin icon_razz.gif sorry.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this