Sign in to follow this  
Sophist

Somalia: Step carefully now---- The politics of use and abuse.

Recommended Posts

Sophist   

Muraadoow,

 

Beri hore ayaa waxaa jirey nin hunguri weynaa laakiin sabool ahaa. Wuxuu kunoolaa Maalitii danbe ayuu wuxuu arkey qaalin candho weyn oo caano badan laga heli karo; laakiin waxaa qaalinta lajoogey kurey hangool watey oo laakiin yara xoogan. Ninkii saboolka ahaa ayaa waxaa hunguri kagalay qaalintan. Waxa uu kudul wareegoba; maalintii danbe ayaa waxaa kobtii soo degay nin geel qaad ahaan jirey; laakiin ka toobadkeeney geel qaadnimadii. Ninkii ayaa wuxuu arkey qaalintii markasoo isaguna uhungoroodey laakin waxaa ka celiyey xaaladiisa uu markaa ku jirey. Mudo kabacdii ayuu wuxuu bartey ninkii saboola ahaa laakiin hanka weynaa. Kadib markii lasheekeystey ayuu wuxuu gaadey saboolkani inuu hunguri kahayo qaalinta.

 

Wuxuu ku jiri, war heedhe, qaalintaa waa caano badan tahay, aniguna geel qaadnimada waan joojiyey. Laakiin aryaa waxaan kuu sheegaaa hashaan nooqaad, qori anaa kusiinaa. Kadib ayuu amaahshey qori; ninkii hashii sidii buu kudhacay.

 

Qadar lag joogo bilo, oo labadoodiiba dooxada nageyreed degan yihiin. Ninkii geel qaadka ahaa go'aan sadey in ninkan uu hasha ka kaxeysto; wuxuu sugey inteey walaalilihii ka imanayeen. Markii ey yimaadeena; saboolkii ayaa waxaaa lagu yiri "aryaa caga wax kadey hadii kale adaan kububaneynaahe"!!! obligingly without resistance the poor guy left his loot.

 

This is what happened in Kismayo mate.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Haddee maxay noo waalayaan haddii nimanka hasha wada xaday ay ka kala kaxeysteen?

 

may iska calool adaygaan 7 sano iyo xoogaa ku filane?

 

ama odayga isaga yimaadaan qanyaraba u yimide!

 

mise isagaaba godka ku tuuray markuu wasiirka Baxsadka ka dhigay?

 

 

Ammin Caamir baase ugu darnaa "ar markaan dabbaashii barannay bay naga soo saareen" smile.gif

 

Addunyada Saddaamba qafiska gelisay buu isku halleeyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^LOL@ar markaan dabbaashii barannay bay naga soo saareen..

 

Amiin inama caadi ma aha :D .

 

Sophistow, that analogy is quite correct. Ninku wuxuu mooday in waran ninkale lagu caano maalo. Awalba waranku amaah buu ahaa, saaxiib, ayaamana shacabka Kismayo waa lagu shiddeeyey. Intaa taariikh ugu filane hadduu caqli leeyahay, bal iska joogo!

 

Ayyax Dhowre baad isoo xasuusisay ninyahow:

 

Qalanjadda maroodiga ninkii waayo lagu qaybshey

Oo tobon haruub oo qar-jaran Eebbe kaga quudshay

Tolonka iyo qamuunyadda ninkii labadabow quuray

Ee qaardanbeedkiyo candhada feerka kaga qaaday

Oo caanuhu qumay ilmadu qoysay baad noqone’e..

 

Wuxuu ahaa nin cirweynaa oo inta maroodi la amaahiyey shardiga keliya oo lagu xiray uu ahaa in uu aayar u maalo oo uusan gujeyn…wuuse calfan waayey!

 

P.S: Magaaladda warka iga soo gaarayya aad buu u fiicanyahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this