Sign in to follow this  
Juje

A Ship carrying $28m worth of Hashish owned by Somalis ...!

Recommended Posts

Juje   

Markab dagaal oo maraykan ah oo gacanta ku dhigay doon ay wateen kooxo Soomaali ah oo laga helay Xashiishad qiimahoodu gaarayso $28 Milyan oo doolar.

 

Xashiis.jpg

 

Shabelle: BAXREYN

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka maraykan ah ayaa gacanta ku dhigay doon ay wateen kooxo Soomaali ah oo laga helay Xashiishad qiimahoodu gaarayso $28 Milyan oo doolar.

 

 

 

Warbixin ay soo saareen saraakiil sar sare oo Maraykanka ah islamarkaana la socday markab kuwa dagaalka ah ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen doon ay wateen kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo siday ilaa 4 tan oo Xashiishad ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay 28 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

 

 

 

Saraakiisha ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Maraykanka islamarkaana gacanta ku dhigay doontaasi kooxaha burcad badeeda Soomaalidu ay wateen lagu magacaabo USS Anzio waxaana doonmtaasi gacanta lagu dhigay Maalintii qamiista aheeyd xili ay ka soo anba baxday biyaha gacanka cadmeed islamarkaana ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan markii ay uga shakiyeen in ay yihiin kooxo burcad badeed Soomaali ah islamarkaana qorshe maleegayay.

 

 

 

Warbixinta ay soo saareen saraakiisha ciidamada Maraykanka ee la socday Markabka dagaalka ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay dalka Baxreyn ayaa sheegay in doonida ay ku qabteen meel 170 meyl u jirta Waqooyiga Galbeed ee Salalah iyo Cumaan,waxaana ay sheegeen in daroogada saaran ay ku qiyaaseen in ay gaarayso 28 Milyan oo doolar.

 

 

 

Markabkaani dagaalka ee gacanta ku dhigay doonidaasi kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa uu qeyb ka yahay maraakiibta isbahaysiga ee reer Galbeedka islamarkaana wada howlaha ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida kaasoo ujeedadiisu ay tahay in lagu yareeyo weerarada iyo Afduubka ka dhanka ah maraakiibta shisheeye ee ku safarta xeebaha Gacanka Cadan iyo biyaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this