Sign in to follow this  
General Duke

Sharmarke strikes back;

Recommended Posts

Kulan deg deg ah oo maanta isgu yimaadeen xarunta madaxtooyada golaha wasiirada DFKMGS oo u shir goodominayay R/wasaarihi Dowladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa looga hadlaayay go’aankii uu shalay ku dhawaaqay Madaxweyne Sheikh Shariif ee ahayd in uu kala direy Xukuumadii Federaalka.

Shirakaas deg deg ah markii u shamaaday ayaa R/wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu qabtay Shir Jiraa’iid,wuxuuna sheegay inuu yahay weli R/wasaaraha Soomaaliya isla markaana ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne mid khaladan oo sharci darro ah.

 

 

R/wasaarahu wuxuu sheegay in dhamaan Wasiiradu ay sii wadan doonaan howlahooda shaqo ee ay u hayaan umada Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.

 

 

Sidoo kale wuxuu Shirkiisa Jiraa’id ku sheegay in uu kulan la qaatay Madaxweyne Sheikh Shariif isla markaana xusay inuu u sheegay in uusan wax istiqaalo ah gudbinaynin.

 

nta badan golohii Wasiirada Dowladda Federaalka ayaa maanta waxaa ay kasoo qaybgaleen shirkaan deg deg ah,waxaana go'aanka R/wasaaraha si buuxada ugu raacsan dhamaan wasiiradii maanta kasoo qeyb galay shirkaasi,waxaana wajiyadooda laga dheehen karay sida aysan ugu faraxsaneyn go'ankii shalay u ku dhawaaqay Madaxweynaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:"Wasiiradu ma dhicin waxayna sii laba jibaarayaan Shaqadii ay Qaranka u hayeen"Ra'iisul wasaare Sharmaake oo jeediyey hadaladiisii ukululaa.

18. maj 2010

 

 

Muqdisho:(Allpuntland)-Ra'iisul Wasaaraha lagu muransanyahay xilkiisa Ra'iisul wasaarenimo Dr,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa maanta isugu yeeray wasiiradii xukuumadiisa wuxuuna kala hadlay Sharci ahaanshaha hadalkii Shalay uu Madaxweynuhu warbaahinta ka sheegey oo uu kukala diray golaha xukuumadiisii,Kulankan oo saacado badan socday kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Ra'iisul Wasaare Dr,Cumar Cabdirashiid Cali wuxuuna sheegey in uusan waxba kajirin hadalkan uu madaxweynuhu shala jeediyey.

 

"Een Maanta waxaan yacni isugu wacay Wasiiradii Dawlada Dhamaantoodna shirka waa ay yimaadeen,waxaanu kawada hadlay jiritaanka warkii madaxweynaha kaso yeeray,Madaxweynaha anoo aad u xurmaynaya waan ka soo horjeesaday codsigii uu isoo jeediyey ee ahaa in aan xilka Ra'iisul Wasaarenimo iska casilo isla markaasna laka diro xukuumada"Ayuu yiri Dr,Cumar.

 

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegey in aysan dastuur ahayn kala dirista uu madaxweynuhu ku dhawaaqay,wuxuuna sheegey in uu xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya islamarkaasna la'isku afgaran waayey kulankaas oo saacado badan socday,waxaana uu meesha ka saaray inuu marna ka tanaasulo xikiiisa isagoo taas ku macneeyey inuu qaranka u shaqaynayo isla markaasna sii wadi doono shaqadiisa Ra'isul Wasaare nimo.

 

"Waxaan ku celcelinayaa in go'aankii shalay ee Madaxweynuhu uusan sharciga waafaqsanayn,xalay madaxweynaha waanu is aragnay saacado badan ayaanuna wada joognay,waxaana u sheegey in uu hadalkiisuna khaldanaa anna aan ahay Ra'iisul Wasaare Sharci ah,marka hada Wasiirada waxaan u sheegey inay sharci yihiin isla markaasna sii wadaan shaqada ay qaranka u hayaan ayna xataa sii laba jibaaraan iska daa inay shaqada ka tagaan ama ay xilka ay umada u hayaan dayacaaan"Ayuu yiri Ra'iisul Wasaarihii shalay lagu dhawaaqay in xilkiisii laga eryey.

 

Dr,Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo markii uu warbaahinta la hadlayey ay dhinacyadiisa fadhiyeen Wasiiro badan oo ka tirsan Xukuumadiisa waxa uu ku hadlay hadaladii ugu kululaa oo uu warbaahinta ka sheego tan & intii uu Siyaasada Soomaaliya kusoo biiray mudo Sanad & Bilo lagu joogo,wuxuuna sheegey in uu haysto kalsooni badan oo uu ka haysto xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna uu ku tagi karo markii uu codkooda waayo ama ay kalsoonida kala laabtaan intabadan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo waayay qaar ka tirsan Wasiiradiisii gacanta midig (Warbixin+Sawiro)

 

Iyadoo maanta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu si cad uga horyimid tallaabadii Madaxweyne Shariif ku kala diray Xukuumada ayaa waxaa Ra'iisul Wasaaraha uu cayaaray siyaasad furan, kadib markii inta badan Wasiiradii gacanta midig u ahaa Madaxweynaha ay ku mowqif noqdeen Ra'iisul wasaare Sharmaarke.

 

Ra'iisul Wasaare Sharmaarka oo xalay ka biya diiday soo jeedinta Madaxweyne Shariif ee ahaa inuu kala diray Xukuumada ayaa maanta markii uu isagu yeeray wasiiradiisa waxaa uu ka helay kalsooni ballaaran, taasoo keentay inuu laalo go'aanka Madaxweynaha.

 

Kulanka Golaha Wasiirada ee uu shir gudoomiyaha Dr. Cumar C/rashiid ayaa waxaa ka dhex muuqday Wasiiro aad loogu xagliyo Madaxweyne Shariif, oo ahaa kuwo ay isla soo shaqeeyeen in badan intii uu siyaasada ku jiray Shariif.

 

Wasiirada maanta lagu arkay madasha Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiiro kale oo aad ugu dhow dhow Madaxweynaha.

 

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka baaqsaday Shariif Xasan Sheekh Aadan Wasiirka Maaliyada oo ah saaxibka koowaad ee Madaxweyne Shariif, waxaana si dhab ah loo ogeyn sababaha uu uga baaqsaday, inkastoo la rumeysan yahay in Shariif Xasan uu ahaa shaqsigii shiday dabka haatan ololaya.

 

Sidoo kale xubinta kale ee ka baaqsaday Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlihii gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo shalay si kulul u weeraray Ra'iisul wasaare Sharmaarke, markii uu ka war helay in Madaxweynaha uu kala diray.

 

Arrinta kale ee la yaabka laheyd ayaa aheyd saaxibadii hoose ee Madaxweynaha sida Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloonshe iyo Wasiirka Lacagta Eng. C/raxmaan Yariisow oo ahaa kuwo iyana ka dhex muuqday Golaha wasiirada

 

 

Dagaalka hada ka dhex bilowday Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Sharmaarke ayaa waxaa uu noqonayaa mid labada dhinac ku muujiyaan awoodooda Wasiirada, oo markii hore la rumeysnaa in ay badankood ku yimaadeen rabitaanka Madaxweynaha.

 

 

Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in hadii la doorto Gudoon Baarlamaan uu Baarlamaanka weydiisan doono kalsooni, taasoo ah mida u gogol xaari karta in xukuumadiisa ay sii jirto.

 

Hadaba xiisada cirka isku shareertay ee u dhaxeysa Dowladda KMG oo ay curyaamisay hanaankii Dowladda ayaa la ogeyn halka ay ku biya shuban doonto, waxaana labada mas'uul midba midka kale uu heystaa taageerada Beesha caalamka iyo taageerada Baarlamaanka.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirada maanta lagu arkay madasha Golaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar, Wasiirka Warfaafinta Dahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiiro kale oo aad ugu dhow dhow Madaxweynaha.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

A very good move by the one light in the dark place. Sheikh Hotel needs to be challenged and his pretense of being 'President' stopped. He is incompetent and he should step aside.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War A&T yoow, can u justify how is the one light, after all he does lead the executive team and in 15 months he or wasiiro have done nothing to improve the situation politically. If anything he was totally ignored and he seems happy to sit on his chair and milk the fruits the title brings it with.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ A&T is of the opinion that one must cut off the head of the serpent to kill it, not its belly. I agree but I choose to follow the tried and tested example of the last government and how the second PM proved more useful than the first.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this