Sign in to follow this  
Abtigiis

Reerkayagu ma baradhaa????

Recommended Posts

Abwaan   

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

I got this text message from someone last night.

 

Reerkayagu ma baradhaa?

Ma bariis la kariyaa?

Ma baruurta hilibkiyo,

Caanahoo la boobaa?

 

Bugland kii busaaradii,

Amay baahi qabataa,

Ma wax uu iska biishiyo,

Ma batroolkii carabtoo,

Bilaash lagu gurtaabaa?

 

Ma ugaadh banjoogoo

Baaska layska mariyaa?

Ma kaluunka badahoo,

Shabag lagu bakhtiiyaa?

Cayayaanka baydkiyo,

Ma daqsigoo la buufshaa?

 

:mad: :mad:

Reerkiinu Baradhiyo

Barafkiyo caanaha

Buskudkaad ku sheegtiyo

Ma ahan Caanabooree

Waa birmad caddibanoo

Waayuhu ciil bideenoo

Midnimana ku barinoo

Weli gaariin barqadii

Baraaraha la degi laa

Gudcur iyo ciil ba’an

caajis baahay oo daran

iyo dileen basaas aan

U turayn bartiinnaba

Cadowgana u baarriya

Maangaab hunguri jecel

Bahal gumeysi dooniyo

Waxmatare bilaash ahi

Biiriqaate iyo tuug

Burcad aan wax deyniyo

Bar kastoo la eegaba

Baabah kaba dhigeenoo

Belo inay ku kiciyaan

Oo tiraan bahdiinnaa

Buugga idinka saaraan

Been ugu heshiiyeen

Dhaqankii billaa iyo

Danihii bulshadoo idil

Xoogaa barooddiyo

Shilimaanba siisteen

Inay guul ku baaqaan

Ba’aan iyo hooggaan

Kaba door bideenoo

In yaroo dardaarana

Bal aan idiin iftiinshee

Kaca oo Baraaruga

Faciin barbar istaagoo

Kuwa jecel baraariyo

Horumar baaxad weynoo

Beeshiinnu gaartaa

Gacalkaa faraha badan

Ballaarane adduunkaa

U dira baaq bahweyntoo

Kaashada bulshada wacan

Iyo gacalka badanee

Jecel inaad bashbashiyo

Ku ciiddaan barwaaqoo

Baaruudda keligeed

Buntuqaa wax dila iyo

Haku raadin guushaba

Bal duqowdii raadiya

Da’yartii bal naadiya

Gabdhihiinnii baafiya

Hooyooyinkabaw diga

Bara dhallaanka taariikh

Dugsiyada barashadiyo

Goobaha caweyskiyo

Buugaagtanaw dhiga

Bogag badan ku sheegoo

Halgankana ballaariya

Ku baraarujiya hawl

Bustaaloow ina adeer

Tusbaxloow akhyaaroow

Duul mar uun is barqabayee

Tashadoo baraarugaa

Hadda Xaajo badideed

Murugtoo bal kaca oo

Danihiinna gooboo

Rabbigeenna kaashada!

******

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this